BASAASADII AMIINA DAA’UUD MUFTI-Q-24

 

‘‘Badbaadadayda, waayo waxaan ka baqayay sirdoonka Urdun”

‘‘Sidaas miyaad 4000 oo dollar kaliya aad uga heshay inta kalena aad adigu iska dabaraysay”?

“Haa”

‘‘Qalabka isgaarsiinta xagee lagugu baray”?

‘‘Tel aviv?

‘‘Goormee”?

‘‘Intii u dhaxaysay, 20 Sibtembar iyo 3 Oktoober, 1973”

‘‘Ayaa ku tababaray”

‘‘Sarkaal injineer ah, Yusuf borat”

”13 maalmood ma ku filayd barashadaada isgaarsiinta”?

‘‘Qalabka ayaa ahaa mid casri ah oo horu marsan, adeeg sashadiisna fududahay”
‘‘Ujeedka kitaabka baalashu u maqan yihiin waa maxay”?

‘‘Booskooda waxaa ku jiray waraaqaha qoraalka xal xiraalaysan”

”Sidee ku baratay Maron iyo Manuel”?

‘‘Khadiijaa I baratay?
‘‘Sidee baad ugu carbisay saddexdooda in ay ku kaalmeeyaan”?

‘‘Markii hore manuel ayaan bartay, ka dibna Maroon”

‘‘Ma u galmootaya labadoodaba”?

‘‘Haa, waliba intii aysan ii shaqa bilaabin ka hor”?

‘‘Sidaas ma sarkaalka Mossad baa kugula taliyay”?

‘‘Maya, waxaan u samaeeyaya si ay daacad iigu noqdaan”

‘‘Khadiija ma kula ogayad howsha tan iyo bilowgeedii”?

‘‘Maya, waxba kama aysan ogayn mar dhow ka hor, ee ogaal la’aan ayay igu kaalmaysay”

‘‘Meeqaa kharash kaaga baxay saddexdaas kula shayanayay”?

‘‘Dhab ahaan maaqaan inta ay tahay, balse maroon waxaan siiyay 3000 oo liire inta uusan ila shaqaynta bilaabin”
”Ma waxaad ka wadaa inta uusan ogaan inuu Mossad u shaqaynayo, yaa ku baray maroon”?

 

‘‘Waxaa I baray Manuweel, wuxuuna ii keeni jiray lambarada sirta ah ee hoggaamiyaasha Falastiin”

”Manuweelna”?

‘‘Shirkay ahaayeen, balse maroon ayaa mas’uul ahaa”

”Khadiijana maxay ahayd qaybteedu”?

 

‘‘Waxay igu soo kordhin jirtay wararka ay ka soo hesho xaasaska saraakiisha Falastiinyiinta ee dukaankeeda wax ka gata”

”Mossad ma kaa dalbatay in aad sSalaama dishid”?

‘‘Maya, balse waxay amar igu siiyeen in aan xariir wanaagsan la yeesho oo soo sawiro”

‘‘Ma samaysay sidaas marka”?

‘‘Haa, foolkiisa ma aysan aqoon iyo siduu u egyahay, in ay arkaan siduu u egyahay ayay rabeen”
”Abuu Naasir meeqaad lacag siisay”?

”Abuu Naasir? Waxba kama oga waxaan, saxiibo kaliya ayaan ahayn”

”Ma kuu galmooday”?

‘‘Saddex jeer kaliya, ka dib waaban waayay, mar danbaan maqlay Qubrus ayuu ka shaqeeyaa”
‘‘Waa ayo ragga qalaad oo kuu galmooday”?

‘‘Waa rag kala dhalsha duwan oo Mossad u sheeqeeya, oo qalimada iyo shaxda dhulka ii keeni jiray”

‘‘Ma nagu toosin kartaa”?

‘‘Magacyadooda runta ah ma aqaan, waxay adeegsadaan magacyada shaqada, waana isoo wici jireen anoo ogayn halka ay joogaan”

‘‘Xagee baad isku aragteen oo kuugu galmoodeen”?

‘‘Gurigayga Beyruut”

‘‘Carab ma ku jirtaa”?

‘‘Marookaan, magaciisa la yiraahdo, Cazaarku oo ku nool Taywaan”
”Xafiiska Yaasir Carafaat, ma ku qarisay qalabka laysku dhagaysto”?

‘‘Markaan Israa’iil joogay sidaas ayay ku fakarayeen Mossad balse ma samayn”

‘‘Waa maxay qaybtii aad ka qaadatay isku daygii dilkii Abuu Iyaad okroober 1973”?

”Mossad ayaan gaarsiiyay goobtii uu indha indhaynta u joogay, qalabka isgaarsiintana boorsadaan ku watay, waxaan arkayay diyaradaha Israa’iil oo goobihii duqaynaya”.

Oohin ayay qabsatay oo tiri:

”Anigu waxaas dhan uma samayn Israa’iil jacayl iyo carab nacayb ee naftaydaan u baqayay meel aan ku noolaado oo aan baqdin gadaashayda marwalba aanan eegayn ayaan rabay, baqadin ayaa I haysay ah in sirdoonka Urdun I raadsanayo, balse sirdoonka Carabta oo dhan, meel aan naftayda ku bad baadiyo oo aan Israa’iil ahayn ma haysan”’

Waraysigii Amiina waxuu socday lix iyo toban saacadood oo xariir ah, wuxuu dhamaaday 21, saac ayada oo ay ka harsatahay balantii ay kala galeen wasiirka arrimaha gudaha ee Libnaan iyo Abuu Iyaad, waxayna sheegtay dhamaan howl galaddii ay ka fulisay Bayruut iyo  saddexdii ku gacn siinayay howl galadeeda, iyo magacyada madaxdeeda ee Mossad.

 

Xaashi gaar ah ayaa Abuu Hool ku qoray:

Basaasada Amiina si buuxda ayaan uga dhaadhicinay in ninkeedii Moshe uu noolyahay, uuna si kas ah uu u dhagray oo Mossad gacanta ugu galiayay”

Galkii warbintu ku jirtay ayuuna galiayay.

Abuu Hool wuxuu galkii war bixinta ee Amiina u geeyay hagaamiye Abuu Daa’uud, asagauna wuxuu galkii hordhigay Yaasir Carafaat iyo gacan yarihiisii Abuu Iyad si ay go’aan uga gaaraan aayatiinka Amiina iyo sidii la yeeli lahaa, Abuu Iyaad ayaa yiri:

‘‘Shar badanaa naagtu, waxay nagu samaaysay ma ku filnaan waayeen, markaasay dilkayga doontay”

Madaxa sirdoonka Cali Salaama ayuu inta garabka gacanta kaga karaacay ayuu hadalkii sii watay oo yiri:

 

‘‘Eebaa mahad leh ku waafajiyay inaad arrinteeda banaanka keento, abeesaad oo kale haday nagu sii dhex jiri lahay wax badan ayay naga salfan lahayd”
Yaasir Carfaatna wuxuu yiri:

”Israa’iil marna joogin mayso inay basaasiin nagu dhex beerato, ee qof kasta oo wax ayaan idiin qaban leh ha rumaysanina, soo galooti kastana qiiradiisu yaysan idin qaadin”

 

Intii aan waagu baryin aroortii saddex iyo tobanka Sibtembar 1975, saddex baabuur oo ah kuwa gargaarka dag daga ah ayaa dhex jibaaxayay wadooyinka Bayruut, mid walbana waxaa ku jira shan dableey oo ah kuwa ugu adag ee sirdoonka Falastiin, waxayna u socdeen howl gal halis ah.

Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply