‘‘Ma necbayd in aad Carabiyad tahay”?
‘‘Waxaan necbaa dib u socodnimada dalkayga”
‘‘Moshe yuhuudi diinta ku fican miyuu ahaa, Israa’iilse ma jeclaa”?
‘‘Maya, diinta kuma fiicnayan oo mar dhifa ayuu macbadka aadi jiray, balse waa jeclaa Israa’iil oo waa ku faani jiray horomarkeeda iyo sarraynteeda”
”Sara na”?
”Waa ay ku waalnayd Israa’iil gu’ walbana waa u xagaa bixi jirtay”
“Intii aadan aadin Israa’iil ee aad fiyeena Joogtay, ma kula soo xarirtay cid sirdoon ah”?
‘‘Haa laba sarkaal ayaa ii yimid”
‘‘Tel aviv na”?
‘‘Haa, balse dhinaca ay ka socdeen ma aqoon”
‘‘Ka dib maxaa dhacay”?
‘‘Waxay mar marsiyo u yeelayeen dagaalka ay Carabta kula jiraan, waxay ii sheegeen in ay dalkooda difaacyaan oo aysan cidna nacayb u qabin oo ay nabad rabaan”
‘‘Ma ku qanacday marka”?
‘‘Kuma qancin balse qof ku qanacday ayaa iska dhigi jiray”
‘‘Immisa jeer ayaa lagaaga yeeray xafiiskaas”?
‘‘Mar qudha, balse sarkaal la yiraahdo abu Yacquub ayaa mar kasta na soo booqan jiray oo ila fariisan jiray oo ii sheegi jiray in waxa dhacaya aysan danbi ku lahayn Israa’iil”
‘‘Waa maxay magaca dhabta ah ee kuugu qoran waraaqahaaga Israa’iili nimada”?
‘‘Anni, ani Moshe Perrad”
‘‘Goor maad maqashay dhicitaanka diyaarda ninkaaga”?
”11 abriil 1972”
‘‘Yaa kuu sheegay”?
‘‘Abuu Yacquub”
‘‘Waa dhintay miyuu kugu yiri”?
‘‘Maya, waxuu ii sheegay in diyaradiisii Suuriyiintu soo rideen, wax warana aysan ka soo saarin in ay gacanta ku hayaan iyo in kale, oo ay dhici karto in uu baxsaday”
”Ma kaa codsadeen in aad Suuriya iyo Libnaan soo aado oo aad ka raadiso”?
”Si dadban laga yaabee, waxay ii dul mareen in laga yaabo in buurleeyda uu god ku jiro oo uu gurmad sugayo, ama Falastiinyiinta uu u gacan galay oo ay qarinayaan, markii ay ii sheegeen in ay raadinayaan qof baadi gooba, ayaan ka codsaday in aan anigu baadi goobo, waana iga ogolaadeen, sidaas ayaan Fiyeena ugu duulay ka dibna anoo Urduniyad ah Libnaan ugu soo duulay”
‘‘Tababar sida aad ninkaaga u raadiso ma lagu soo siiyay”?
‘‘Maya, waxay iga dalbadeen in aan dhagahayga furo, isna ilaaliyo”
‘‘Sidee Mossad kuu ciidamaysay”?
‘‘La ima ciidamayn, Fiyeena ayaa laygu yeeray waxaan la kulmay saddex sarkaal oo sirdoonka Israa’iil ah, iguna qanciyay in ay u yimaadeen sidii dhaxalkii ninkayga iyo caymiskii la ii qoondeeyay la iigu fududayn lahaa”
‘‘Lacagtii caymiska haddii lagu siiyay, macnuhu ninkii waa dhintay weeye, imaatinkaaga, Bayruud muxuu ahaa marka”?
‘‘Ma aqaan runtii, balse waxay igu yiraahdeen, waxaa dhici karta in aad runta ka soo ogaatid Falastiiniyiinta, ee soo dhaga dhagee”
‘‘Falastiinyiinta mise Dimishiq aad si aad runta ku ogaatid?
‘‘Ururada Falastiiniyiinta”
‘‘Sidee laguugu tababaray in aad howshaan u fulisid”?
”afar bil ayaa Fiyeena laygu baray sida waraaqaha sirtaa oo daahsoon loo qoro, sida qoraalka xal xiraalaysan loo furo, sawirada loo qaado, si loo feejignaado oo laysku ilaaliyo, filmada loo cadeeyo, daba galka looga fakado, hubka fudud nooydasiisa sida loo adegsado, iyo sida sirta looga soo saaro markaad la sheekaysanayso dadka, Israa’iil ayaa laga keenay xeeldheere ku xeel dheer sida xasuusta loo xoojiyo oo maskaxda loogu kaydiyo lambarada, magacyada, sawirada”
‘‘Marka ujeedku wuxuu ahaa in aad soo tiftifto Falastiiniyiinta ee radis war ee ninkaaga maahayn”
‘‘In aan akhbaarta Falastiiniyiinta aruuriyo si aan looga helo wax ku saabsan Moshe”
‘‘Howl gaara oo laguu xil saaray miyaa jirta”?
‘‘Haa, in aan xog ka keeno dagaanka madaxda Falastiiniyiinta, iyo in aan dhex galo dagaalyahaniinta iska caabinta oo aan xogtooda u ogaado”
‘‘Dhabtii waxay rabeen maxay ahayd”?
‘‘In ay ogaadaan meelaha ragga dagaalyahaniinta ah ay ka soo galaan Israa’iil iyo tiradooda, tababarkooda iyo hubkooda, xilliyada ay weerarka soo qaadayaan iyo kaydka hubka iyo saadka”
‘‘Waxaa tiri Fiyeena waa laygu handaday, sidee camal”?
”Mid ayaa igu yiri hada kaligaa ayaa tahay oo tabar iyo xeelad midna ma lihid, sirdoonka Urduna waa ku raadinayaan waayo waxaan noqday Yuhuudiyad, balse anaga ayaa ku ilaalinayna ayay yiraahdeen wax kasta oo ay nagu qaadato, waxaase lagaa rabaa in adiga oo adeegsanaya dhalashadaada Urduniga ah aad aado Beyruut waayo Falastiiniyiintu tuhun kaama qaabaan”
‘‘Ma waxaad u oggolaatay maraka in ay ku ilaaliyaan mise in arrinta dhaxalka iyo caymisku ay kuu dhamaadaan”?
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply