BASAASADII AMIINA DAA’UUD MUFTI-Q-22

 

Sidaas ayaana Abuu Hool iyo rag la socday ay baaritaan kale iyo weydiimo kale ugu bilaabeen ayada oo loo diidayn yahay haba yaraatee wax nasiina ah, oo laga faa’iidaysanayo ciriiriga iyo dhibka ay ku jirto iyo baqdinta.

 

Imaatinka Abuu Hool Amiina naxdin xun ayay ku noqotay, waxay xasuusatay sida ninkaan aan naxariista lahayn uu u dilay gabadhii Faransiiska ahayd, ka dibna uu qarka uga tuuray oo madaxeedu u bur buray, markii uu soo galayna mid ciidanka ka mid ah ayuu ku amray in Amiina dhabarka loo qaawiyo, markii dhabarkii la faydayna waxaa ka muuqday raadkii karbaashka oo jirkeeda ku yaal, Abuu Hool ciidankiisii ayuu ku qayliyay asagoo leh:

” Naagtaan ma koolkoolinayseen, waa maxay waxaan, ma idinkaaba kow iyo laba jooga” oo dharbaaxyo ku boobay ciidankii ayada ciqaabayay oo ku yiri:
” Naagtii Faransiiska ahayd dhiig baa ka daadanayay, aaway dhiigii naagtaan, wacalayahow”?

Wuxuu u dhaqaaqay dhicii sarkaalkii waraystay Amiina oo ku yiri:

‘‘Wax walba ma qiratay”?

 

Sarkaalii oo digtoonoow qaatay ayaa ugu jawaabay:

‘‘Maya mudane, waxay qiratay maleh, waa beenleey”

Amiina waxay dareentay in dhamaadkeedii soow dhawaaday, markaasay waxay awood iyo tabar lahayd inta isku aruursatay ayadoo walaac ka muuqdo tiri:

‘‘Wax walba waan qirtay mudane, xataa magacyadii dadka ila shaqaynayay, waxay I weydiiyaan si run ah ayaan uga jawaabayay, ma rabo in aan dhinto…dhinto”

 

In doora markii uu aamusnaa Abuu Hool ayuu yiri soo dajiya,

godka dhexdiisii ayaa Abuu Hool iyo ragii kale kuraas ku fariisteen, Amiinana dhulka la fariisiyay, ayada oo aan markaan wax xarig ah uusan ku xirnayn, waxayna bilowday qirashadii ay dabinka basaasnimada ugu dhacday oo ku bilowday, bilowgii hore markii ay Fiyeena joogtay, waxaan run ahayna kuma aysan hadlayn bal in nafteedu u badbaado.

 

12 Sebtembar 1975, kowdii iyo shan daqiiqo, baaritaankii Amiina lagu sameeyay oo uu hormuud ka ahaa Abuu Hool, goobjoogna uu ka ahaa hoggaamiye Maxamad Daa’uud Cuuda ”Abuu Daa’uud” sidaan ayuu u dhacay:

 

”Magacaaga oo buuxa”

” Amiina Daa’uud Maxamad al Mufti”
” Dhalashadaada”

” Urduniyad”

” Xilligee dhalatay……….. ?

”1939”

”Shaado cilmi nafsi jaamicada Fiyeena 1963….shahaadada sarana”?

‘‘Been abuur ayay ahayd”

‘‘Yaa kugu qalqaaliyay basaasnimada, xilligeese”?

‘‘Layguma qalqaalin, waa I handadeen anoo Fiyeena jooga 1972”
”Sidee,? faahfaahin baan rabnaa ee ka bixi”

‘‘Inaan shahaado sare qaato ayaan rabay, markii aan ku guul daraystayna waxaan guursaday duuliye ciidanka Awstariya ka mid ah,magaciis ala yiraahdo, Moshe Perrad, oo walaal weyn u ahaa saxiibtay Sara, waxaana na dhex maray jacayl”

”Sidee u guursay yuhuudi adoo muslimad ah”?

‘‘Xaaladayda naf ahaaneed aad ayay u liidatay, asaguna baryadii ayuu iga badiyay saas ayaan u guursaday, mana ogayn in ay xaaraan tahay, waayo qof diinta ku fiican ma ahayn”

‘‘Tuhun kuma galin miyaa markii uu kaa baryay in aad guursato”?

‘‘Maya, waayo waa uu I jeclaa inuu nolol farxad leh isiiyo ayuu rabay”
”Ciddiinu ma ogtahay in aad yuhuudi guursatay”?

 

‘‘Maya, markii aan u sheegay in aan nin Awstriyaan ah guursanayo waa ay iga horyimaadeen oo ii diideen, markii danbana been baan u sheegay oo waxaan ku iri, nin turki ah oo muslin ah yaan guursaday, sidaas ayaana Moshe iskula baxsannay Israa’iil anoo ka baqaya in cidaydu I ugaarsato”
”Sheekadiinaan isla baxsadkuna waa maxay”?

”Maalin ayaa Moshe ii yimid intii aynaan u guurin Fiyeena oo aan Westendorf ku noolayn, asaga oo wargays maalinle ah oo Westendorf ka soo baxa gacanta ku sita, wuxuuna igu yiri bogga sagaalaad sheeko yaab leh ayaa ku qoran oo ka hadlayasa dhaqtar talyaani ah oo dumarka bukaan socodkiisa ah ku qabsan jiray qolka qaliinka ka dib markii uu maandooriyo, markii aan akhriyay qormadaas ayaan dhinaceeda ku arkay ogaysiis odhanaya, waxaa loo baahan yahay duuliyayaal ciidan oo yurub ah oo Israa’iil u baqoola, wax yaabaha loo balan qaadayana waa ay badnaayeen, markii aan Moshe u bandhigayna waa uu igu gacan sayray, waana ku xanaqay oo ku iri, sow ma ogid baqdinta aan ku noolahay oo aan ka baqayo in cidaydu I ugaarsato, kamana joojin baryo tan iyo markii danbe uu igu yiri waxaan rabaa in aan shaqo ka helo diyaaradaha rayidka, maalmo ka dibna waxaan u guurnay gurigeenii Fiyeena”.

 

“Aniguse waxaan ku noolaa baqdin joogta ah iyo war war, hurdada ayaan ku soo naxi jiray, waan iska oyn jiray, waxaan markaas aad u dhibay xaalada aan ku jiro, markii uu oggolaaday aadida Israa’iil wuxuu I weydiiyay in aan ku qanacsanahay, waxaana u sheegay in Israa’iil ay tahay meesha kaliya ee aan nabad ku helayo oo aan cidaydu iga soo gaari karin, wuxuu markaas igu yiri waxaan ka baqayaa in aan lagaa yeelin in aad Israa’iil u baqoosho waayo Muslimad Urduniyad ah baa tahay, maxaa xal ah ayaan ku iri, inaad Yuhuudiyad noqotid ayuu iigu jawaabay, markii aan ogolaadayna macbadkaan tagnay oo Yuhuudiyad ku noqday.

Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply