BASAASADII AMIINA DAA’UUD MUFTI-Q-21

 

Hadalkeeda diidmada ah waxaa ka muuqday, is dhiibid iyo diidmo isla socota, ugu danbayn waxay bilow ka bilowday sheekadii ayada iyo Sara iyo siday labeeb u ahaayeen, tan iyo markii Sara gurigooda gaysay, halkaasna ay walaalkeed oo duuliye ciidan ah isku barteen oo ay kala dul dhacday jacayl waaliya, oo ay isla qabsadeen jacayl dhab ah iyo galmo ay aad uga heshay oo ay qabatintay, markii danbana ay hoggaankii u dhiibatay asga ayadoo raali ku ah kuna faraxsan.

Amiina waxay si gaar ah isku weydiinaysay, Moshe ma dhab buu ka ahaa jacaylku mise dhagar buu ahaa nafteeda inay weydo horseeday, waxay si la maqli karo u tiri:

‘‘Sara waa I dhagartay miyaa, Moshe na dilkaan ayuu igu xukumay?”

Sidaas ayay ku guulaysatay xeeshii Abuu Hool, in uu kalsoonidii jacaykeeda oo dhan uu gilgilo oo garaadkeeda maamulan weydo, sidoo kale waxaa baaba’ay ujeedkii ay dalkeeda iyo diinteeda u khiyaantay, wax u dishay, waxaa dhumay oo meesha ka baxay mabda’ii ay waxaan oo dhan u samaynaysay oo basaasada u noqotay, ka aargoosigii carabta ay kaga aargoosanaysay waxay ninkeeda ku sameeyeen.

 

Amiina xasuus qorkeeda waxay ku tiri markii ay ka hadlaysay godkii carsaana:

”Ilbiliqsayadii noloshayda u xuamaa ayay  ahayd markii ay gabadha Faransiiska ah igu hor toogteen, waxaana is iri dhagar qabe sidaan oo kale ayuu u dhintaa, waxaana is tusay in jidkaan oo kale la i marsiin doono anigana, sidii eey aan cidi dan ka lahayn, waxaan la yaabay dugaagnimada sarkaal Abuu Hool oo maqalka magaciisu uu baqdin I galiyay, ma uusan rabin in uu qirashadayda dhagaysto, warkayga kuma kalsoonayn waayo jaallihiisa abu Daa’uud ayaa markii hore igu guul daraystay, Abuu Daa’uud nin wanaagsan oo dagan ayuu ahaa, Abuu Hoolse erayadiisa ayaa xabbado la radiday ahaa, markaan soo xasuusto foolkiisa waan gariiraa, waxaana go’aansaday in aan weydiimo ka sugin, waayo wax walaba waan u sheegayaa, waliba si dhaqsa ah inta uusan xanaaq miyirka kala tagin oo uusan amrin in la I dilo, balse Abuu Hool ma imaan ee waxaa yimid sarkaal kale oo asaga ka dugaagsan oo ka halisan, oo cadaadiyay naftaydii, I dareensiiyay been beentaydii iyo liidashadaydii, waxaan arkayay wadkii oo farahiisa dhexdooda igu sugaya, balse wadkii oo is diyaariayay oo igu sugaya riishada bastoolada ayaan arkayay, iguma jirin in aan dhagro ama been u sheego oo war wareejiyo, waayo waxaa igu soo beegnaa wadkii oo meel looga baxsado aan lahayn, mar waxaan ku shaallayay inaanan dhiman, waxayna ahayd markii aan ogaaday in aan ahay ulxiyad oo dhagar xun loo maleegay oo ninkaygu Moshe oo hormuud ka yahay iyo Sara iyo Mossad, inaanan dhiman ayaa alle ka baryay, ilaahii aan ku caasiyay oo ku kufriyay in uu I badbaadiyo, si aan Moshe u arko, Moshegii roomaantiga ahaa ee I dhagray oo noloshayda dhumiyay, xaalad adag ayaan marayay, loolan u dhaxeeyay jacaylkii Moshe ee aan soohdinta lahayn iyo dhabta aan ogaaday oo ah sida uu ii bur buriyay, dib ayaan u celiyay cajalka noloshaydii aan la soo qaatay Moshe, maxaan ku samayn lahaa asaga oo nool haddan israaiil ku arki lahaa? Ma ka aargoosan lahaa mise hortiisa ayaa ku daciif noqon lahaa?”

Baqdiintii godka ka soo karaysay, urta cadaabta iyo dhimashada iyo sarkaalkaan dugaaga ah dartood Amiina waa is dhiibtay, si kadis ah ayuu u weydiiyay

Su’aal biriq oo kale ah oo yiri”

‘‘Yaad galmo la samaysay intaad joogtay Libnaan?”
In yar markay fakartay ayay cod gariir ku jiro ku tiri:

”Sagaal”

Ayada oo doonaysa in uu rumaysto ayay ugu dartay oo tiri:

“Laba Libnaan ah, Maron Xayk iyo Marwan Casaaf oo shirkada isgaarsiinta ka shaqeeya, sarkaal Falastiiniya, iyo shan dowlado qalaad ah”

”Sideed baad sheegtay, waayo qofka sagaalaad?”

Cod xishood ku jiro ayay ku tiri markaas:

“Khadiija Zahraan, qofkii u horeeyay ee aan Libnaan ka baraty , waxayna leedahay dukaan dhar, L OIRE lagu magacaabo”.

Sarkaal soofiyeeeti ah buug uu qoray oo layiraahdo ”baraaruga ka hor” wuxuu ku yiri, basaaska la qabto ee la jabiyo oo kala daata, qirashadiisa wixii hore uu sameeyay dhib ayaa laga maraa, waa sida qof da’ ah oo buur koraya oo markuu nastaba awood u soo noqonayso uu ku sii fuulo buurta, sidaas oo kale yaa raggii Amiina waraysanayay ay u arkeen in jawaabihii iyo suaalihii la weydiiyay aan lagu gaarin dantii lahaa, oo markii hore wax aan shan su’aalood ka badnayn ayaa la weydiiyay, oo ay ku sheegatay sida ay ugu shaqayso Mossad iyo dadkii howsha kula jiray.

Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply