BASAASADII AMIINA DAA’UUD MUFTI-Q-20

 

Ilbiliqsii gudbaya wuxuu Amiina u aha argagax, Amiinada rumaysatay beentii Mossd ee ahayd Falastiiniyiintu waligood soo saari mayaan mana ogaanayaan in ay basaasad tahay, waayo badbaadinteeda ayaga ayaa qorsheeyay, haddii ay dhacdo la ogaadana ciidanka kumaandoosaka  Israa’iil gaar ahaan cutubka la magac baxay Sairite Matakkal, ayaa soo helaya oo soo afduubaya sidii ay Arjantiin uga soo af duubeen naazigii Adolf Eichman, gugii 1960, oo israa’iil ku dishay tel aviv, ama sidii wiilkii yaraan ee Yossel Schumacher ee israa’iil laga af duubay markii danaba mossad ay ka heshay New York, gugii 1959. [labadaan sheekaba waan soo dhigi doonaa haddii alle idmo]

Balse basaasadii waxay ku baraarugtay dhabta xanuunka badan oo ka siibatay kalsoonidii ay Mossad ku qabtay, il biliqsigii uu ka soo baxay dhawaaqii qarracanku ka keenay markii ay aragtay dilka horteeda ka dhacay, in runta kaliya ay tahay tan ay ku badbaadi karto, markii kor laga soo laalaadiyay ee jeedalka lagu boobay jidhkeeda waxay ku sii adkaysatay in ay runta sheegayso, bal in ka joojiyaan jeedalkaan jirkeedii jar jaray, balse uma jixin jixin askartii ee way ku sii wadeen garaacidii ayaga oo aan u aaba yeelin dhawaaqeedii iyo in qoftaan ay garaacayaan ay tahay carbiyad dumar ah.

 

Waa ayna iska illoobaysaa ballamadii Mossad oo ahaa in ay ayagu badbaadinyaan haddii ay dhib gasho, markii rajo oo dhan ka soo xiranto oo iridihii noloshu ka soo awdmaan oo xanuunka iyo baqdintuna ku badato basaasiinta inta badan waa is dhiibaan, Abuu Hool habkaas kaliya iskuma halayne, wuxuu adeegsanayay war bixin kasta oo ragga Fiyeena jooga ay soo dirayeen ama heleen, si uu jilbaha ugu dhigo Amiino.

maray duhur ku dhawaadkii tahay, ayaa waxaa godkii yimid baabuur jeep ah oo ay saaran yihiin sarkaal gaashaanle dhexe ah iyo iyo laba ciidan ah, labada ciidan midkood wuxuu siday boorso meel dhexaad ah oo ay ku jiraan qalabka wax lagu duubo, wuxuuna si aayar ah u dul dhigay dhagax yar oo Amiina u dhowaa, kii kalna wuxuu batariga gaariga ku xariirinaayay fiilooyinikii, sarkaalkii asaga oo waraaqo uu gacanta ku hayay fiir fiirinya ayu cod xanaaq ka muuqdo Amiina ku weydiiyay:

” Waa kuma sarkaalka Mossad ee adiga sida tooska ah kuu xukuma?”

Cod aad u hooseya oo dabacsan ayay markaas ku tiri:
”Harraad baan u dhimanayaa, I waraabsha…..”

 

Intii aysan hadalkii dhamayn sarkaalkii ayaa farta taagay, waxaana dhabarka Amiina ku dhacay jeedal aad uga qaylisiiyay, waxayna la soo booday jawaabtii oo ay tiri:

‘‘Areal…. Achitov Areal”
asga oo weli waraaqihii eegaya ayuu weydiiyay:

‘‘Aaway raadiyihii is gaarsiinta iyo, iyo buugii hal xiraalaha?”

Ayada oo iska eegaysa askarigii karbaashka watay ayay si dhaqso ah ku tiri:

‘‘Waxaa amar laygu siiyay in aan haanta qashinka ku rido, haanta gurigayga kan ka koreeya taal, waraaqihiina waan gubay iyo kitaab quraan ah oo ay ku dhex jireen”

” Meeqa ayay Mossad ku siisaa si aad noo soo basaastid?”

 

” Afar kun kaliya ayay isiiyeen, waxan adeegsanayay waa lacagtaydii gaarka ii ahayd, waayo waxay isiiyeen magdhowgii ninkayga”
Sarkaalkii asagoo ku qalinaya ayuu inta eegay ku yiri:

‘‘Ma beentii baad ku laabatay, dhillayahay, ma waxaad noo sheegi rabtaa in aad adigu is maal galisid una shaqaynaysid Mossad?”
Amiina ayaa markaas ku qaylisay ayadoo oynaysa:

‘‘Waa sheeko dheer……bilowgeediina ima iina weydiin, waa idin baryaa biyo isiiya, anaa biloow ilaa dhammaad wax kasta idiin sheegaya, oo qiranaya wax walbee”

Sarkaalkii oo bastoolad gacanta ku lalminaya ayaa yiri:

”Amar ayaan u qabaa in aan ku toogto haddii aad ka jawaabida weydiimahayga la daahdid, u fiirso hadalkaaga, beena iska jir, mar kale ayaan kuu digayaa been iska jir dhillayahay, wax walba oo xagaagga ah waan la soconaa anagu, wax walba si cad baan u oganahay, laga bilaabo markii uu ku siray Moshe oo uu ku guursaday, markii israaiil aad aaday si loo fuliyo shaxdii la dagay, ma waxaad u malaynaysay in uu ku jecelyahay? Doqon baa tahay, haddi aad rumaysatay Yuhuudi asagoo kale ah in uu wanaag iyo asxaan yaqaan”

tani waxay ahay xeel Falastiiniyiintu adeegsanayeen, si Amiina tuhus  loogu beero, lagana dhaadhiciyo sheeka been ah oo ah in howl galinteedii Mossad ay ahayd qorshe daganaa oo Mossaday horey u dajisay oo aan jacayl Moshe u qabo aan shaqo ku lahayn, in ayada oo saan u liidata uu gabi ahaanba tuhun hareereeyo ayada oo dhan, sarkaalkii wuxuu horey u sii waday faalla ka bixintii wixii laga soo helay xusuus qorkeeda asaga oo leh:

‘‘Doqon yahay waxaad ku dhacday dabin ay Sara kuu dhigatay oo ay soo dajiyeen Mossad, ayadana sirdoonka ayaa ku dilay Fiyeena, Israa”iil markaad joogatayna waa ku sireen markii ay kugu yiraahdeen Moshe diyaarad baa kula dhacday Suuriya korkeeda”

Ayada oo waxay rumaysato iyo waxay beensato garan la’ ayay inta madaxa ruxday tiri:

”Waa madhacdo…. Wax dhici kara maahan in Moshe saas I yaalay, been baad I sheegaysaan…Idinma rumaysan”

Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

Leave a Reply