BASAASADII AMIINA DAA’UUD MUFTI-Q-19

 

”Wacallada Mossad, dalxiis markaan ku imid Libnaan ayay iga codsadeen in aan sawiro uga soo qaado dakada Sayda iyo xeryaha qaxootiga Falastiiniyiinta, waxay I siinyeen shan boqol oo dollar iyo kamera xoqoto dheer leh, intaan howshaas ku jiray ayaa Falastiiniyiintii I qabteen, si xun ayay ii jir dileen si aan naxariis lahayn,, oo haddaad dadka kula shaqeeya aad na tustid waan ku sii daynaynaa ayay yiraahdeen”

‘‘Ma u sheegtay marka”?

”Kun jeer baan u dhaartay in aanan qof ka aqoon Libnaan, balse ima rumaysan, toban maalmood baan halkaan ku xirnahay, soddon doofaaradaan ka mid ah ayaa I xoogtay, waxaan biyo iyo rooti ahayna layma siin, doqonnimadayda ayaa noloshaydii ku baaba’day, hubaalna waa I dilayaan kuwaan, hooyaday murug bay u dhimanaysaa oo madi baan ku ahay, wac oo u sheeg waxa I qabsaday’’

Lambarkiina waa ay u sheegtay.
‘‘Kuuma ballan qaadi karo inaan waco, waayo anigaba arrintaydu si ay noqon doonto maaqaan”

‘‘Adigana ma kaa shakiyeen? Dad bugto tuhun qaba weeye”

”Haa balse wax cadayn ah iguma hayaan”

‘‘Massad baa siday ii dhagreen kuu dhagray, waxay iga dhadhacsiiyeen in Falastiiniyiintu doqomo yihiin, oo haddii ay I qabtaan aysan Mossad iga harayn, oo ay I soo qafaalan doonaan oo I soo xadi doonaan, in badan ayay sidaas igu yiraahdeen”

 

‘‘In badan bay igu yiraahdeen sidaas, oo ii balan qaadeen in aan wax dhiba arkayn xataa haddii la I qabto” sidaas ayaa Amiina dabinkii ugu dhacaday, ”waxba ha qiran, markaad qiratid wax kale ayay kaa sii raadin, eyadoodayna kugu sii dayn oo cad cad kuu jar jaraya”
”in aysan ii naxariisan baan ka baqayaa”

‘‘Waa ku sii daynayaan, qof qalaad baa tahay, haddii aad u sheegtid dhicayada kula shaqeeya, balse kuwaan ballan ma fuliyaan”

”Ilaahayoow, waa kuwaan inay idilaan bay rabaan”

 

Sheekadii waxaa ka kala jaray maqalkaii sharqan saan oo culus, waxaana u soo galay saddex sarkaal oo faynuus iftiin badan wata, waxayna u dhaqaaqeen dhinicii gabadhii Farnsiiska ayahd oo dhowr tallabo u jirtay Amiina, baqdin aad u badan ayay la gariiraysay, indhaheeduna waxay hadba dhinaca ka raadinayeen rajo wax badbaadsha,  balse sarkaalkii sare ayaa raggii la socday u sheegay in ay weydiyaan markii u danbaysay, yaa weeye  dadka Libnaan jooga oo ay isla shaqeeyaan, markay ma jiraan ay tirina sarkaalkii gacanta ayuu tilmaan ka bixiyay, waxaan saf galay affar askari oo qoryahoodii cabaystay, kuna furay gabdhii oo ay xabadka kala haleeleen, ayada oo mayd ahana dhulka ku dhacday, qaylo ayay ku dhufay Amiina darbiyadii godku isku celcesheen, oohin ayaa ka soo baxday dareen xun xanbaarsan, kolkaas ayaa mid ciidankii ka mid ah yiri:

‘‘Mudane Abuu Hool, tana ma dilaynaa?
si dhaqsa ah ayaa Abuu Hool ku yiri:

“Tan, tan iyo kala barka maalinta hadaysan hadlin, xal kale ma jiro”

Iftiinkii faynuusyuhu wuxuu qabtay maykii gabadha oo dhiig dhex yaal markii ay banaanka u jiidayeen, muuqaalkaas markay aragtay Amiina waa isku dhex yaacday, difaaceediina waa bur buray, waxay ku qaylisay:

‘‘Waan hadlayaa, wax kasta waan idiin sheegayaa, meeshaan iga bixiya, dhiigaan baan ka baqayaaye”

‘‘Beenleey dhagar badan baa tahay, waqtigaad naga dhumin uun”

Wuxuuna amar ku bixiyay in lugaha laga xiro oo madax madax loo soo laadlaadiyo tan oo la karbaasho tan iyo intuu ka soo laabanayo duhurkii.

Godka bannaankiisa waxaa taagnaa gabadhii Faransiisk ahayd oo dhoola cadaynaysa, dhiiggii beenta ahaana uu foolka dhan kaga yaal, Abuu Hoolna intuu garabka gacanta si tartiiba uga garaacay ayuu yiri:

“Saaxiibteena faransiiska ah wax mucjisa ah ayay samaysay, dhammaanteena mahad baan uga haynaa”

 

Markii oo sii socday oo ay la socotay François casteeman, dhawaaqa Amiina waxaa laga maqlayay buuraha ayadoo ku qaylinaysa:

”waan idin baryayaa, meeshaan iga saara, waan hadlayaa, wax kasta waan qiran”.

Balan ayaa u taalay Abuu Iyaad iyo wasiirka arrimaha gudaha shiikh Bahiij diin, in baaritaanka lagu dhameeyo saddex maalmood kaliya, markaas ka dibna Amiina lagu wareejiyo dowlada Libnaan, waxaana ka haray ballantii 50 saacadood, markaas ka dibna waan in lagu wareejiyo dowlada Libnaan hadii aan qirasho dhab ah laga helin, inay dalka ka baxdana waa loo ogolaan, il biliqsina waa ayay kaga baxaysaa, ayada oo guul gaartay.

Abuu Hool wuxuu iska dhaga tiray rabitaankeeda ah in ay qirato runta, waayo beentii iyo iska daba laabadkeedii hore ayuu xasuutaa haddii marka u horeysa warka laga dhagaysto, wuxuuna u arkay ciqaabtu inay watiga soo gaabinayso, siiba ayadoo oo gaartay meesha dad ugu jilicsan yahay oo ay in la dilo ka baqayso oo nafata ay ku dhagan tahay, Waqtiguna waa socday, naagtaana waa naag garaad badan oo dhagar badan oo Mossad soo tababartay oo si ay isku difaacdo oo umeermeerto aad u taqaan, jir dil xun na wa ay ku kala daadanaysaa, waxaan ahayn in ay nafteeda badbaadisana kuma fakarayso.

 Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

Leave a Reply