waxay ka fakareen godkii la gayn lahaa, ugu danbayn waxaa la doortay god u dhaxeeya maagalada Suur iyo Sayda oo xeebta 19 km u jira oo dadka daggan meeshu ay u yaqaanaan ”godkii Sacraana” una dhow saldhig tababar ee ciidanka Falastiiniyiinta.
habeennimo ayaa baabuurkii jeebka ahaa ee Amiina waday u dhaqaaqay halkii godku yaalay oo siddeetan kiilo mitir jirta, Amiina maalintaas oo dhan cuno lama siin, gaarigii markay ka dagatay laba nin oo murqo waaweyn aya gacmaha ka qabaty, jiriirico ayaa ku jajabtay Amiina markay aragtay meesha cid lada ah ee aan noole joogin, dhawaaqa saanta ka soo baxaya ee dhagaxaanta lagu dul socdo baqdin hor leh ayay ka qaaday, markay tiraahdo gaajaa I haysa, waxayse ugu war ciliyaan cuno maba haysano, tafniinka buurtuna aad ayuu u adkaa, waxana marmar maqlaysay dhaqaaq iyo cabaad.
markii danbe waxaa laga bixiyay galkii madaxa ugu jiray, waxayna aragtay cagaf cagafyo iyo ciidan saaran oo hubaysan, markii gudaha la galiyay oo iftiin lahaa, waa ay darentay in ay god ku jirto balse dhinac uu kaga yaal dalka ma garan karin, ayada oo barna socota barna lajiidayo ayaa gudaha la sii galiayay, baqdin oo dhan ayaa isugu timid, waxaase argagax ku riday muuqaalkii ay ku aragatay godka gudihiisa, waxay aragaty naag luguhu godka kor ugu xiran yihiin maduxuna u soo laad laado, jirkeedana uu ka muuqdo diilligimo dhiig ah oo marka danbe isugu yimaada tinteeda laalaada, ka dibna dhulka ku tifqaya.
Waxaa hal mar Amiina ku baraarugtay qayladii hoggaamiyaha oo leh:
“Xiro surweel iyo funaanad, naagaha maxaabiista ah sidaa ayay u labistaan, saan cawradoodu u muuqan marka la ciqaabayee”
Ciidankiina ku yiri ka fura gacmaha si ay u labisato, waxay siiyeen dhar ciidan oo ay xiratay, waxayna u diraayinayeen sil siladihii kor looga soo raaricin lahaa sida gabadha kale, markii hoggamiyahoodii uu yiri:
‘‘Is dhaaf lugaha iyo gacmaha isugu xira inta uu ka imaanayo Abuu Hool”
Abuu Hool waa sarkaal ka tirsan sirdoonka Falastiiniyiinta markii danbana madax ka noqday.
Sidaas ayaa Amiina darbiga silsilado loogula xiray, dhaqtar ayaa yimid oo xooga dhayay dhaawacyadii gabadha kale, dhamaantoodna waa ay baxeen.
waxaana is qabsaday amusnaan iyo mugdi iyo taahii gabadha dhaawacan, iyo maskaxda Amiina oo ay ku wareegayso sheekadii ku tiri ku keenta ahayd ee godkaan magaca loogu bixiyay oo ah, beri ayaa eey jiran oo raabiya qaba naag qaniinay, naagtii waa ay waalatay oo buurha iyo togogga ayay iska meeraysan jirtay, dadkuna ku cayrasan jireen ulo iyo dhagaxaan, markii danbe ayay godkaan ku soo ganbatay meydkeediina laga dhex helay, godkiina ayada ayaa loogu magac daray.
In yar ka hor aroortii ayaa gabadhi kale soo naaxday ayada oo ku hadaaqaysa afka faransiiska oo Amiina si fiican u taqaano, muddo laba saac ah ayaa Amiina isku dayaysay in ay la hadasho gabadha balse waa ka quusatay, ugu danbayn markii ay faransiiska ku hadhashay ayaa Amiina tiri:
‘‘Sidayda oo kale inaad carabiyad tahay baan u malaynayay’
Aad ayaa godku mugdi u ahaa, haddana Amiina si feejignaan ku jirto ayay dhinaca gabdha u eegaysay, ugu danbayn cod aad u liita ayaa ka soo baxay gabadhii oo ay tiri:
‘‘Adiga carab miyaa tahay”?
”Haa.. Urdun baan ka imid, maxay kugu sameeyeen”?
”Ayaankaygaa xun, ayaan darraa meeshaan I keentay”
‘‘Adigu faransiis miyaa tahay”?
‘‘Haa”
‘‘Maxaa halkaan u joogtaana”?
‘‘Sheeko dheer weeye oo kuuma wada sheegi karo, waxaan kaa codsnayaa oo kaliya in aad lambarkaan kor ka qabatid oo aadan illoobin haddii ay ku sii daayaan, waa telefoonka hooyaday”?
‘‘Oo kuma sii daynayaan miyaa”?
‘‘U malayn mayo, waa dad dugaag ah oo aan naxariis aqoon”
” Waan ku baryaa ii sheeg maxay halkan kuu keeneen, horta magacaa abaayo”?
‘‘Simon Daupervice”
”anigana amiin mufti baa lay dhahaa, dhaqtarad kaalmayn uga shaqaysa Libnaan, waxaa laygu soo xiray eedayn ah inaan Mossad u shaqeeyo”
‘‘Waad ayaan dardan tahay, waxay igu sameeyeen ma kugu sameeyeen”?
‘‘Kuwee”?
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply