Mar kale ayaa shiikhii ku raacay, abu Iyaadna hadalkii sii watay:
” Iga raalli noqo runta aan ka hadlayo mudane wasiir, balse arrintu wa halis, waliba aad bay halis u tahay, kana halisan intaan moodayno, anagu markii aan qabanay basaaskii faransiiska ahaa ef di toris, ee lahaa maqaayada ef li mishu, waan hubnay in uu howlgal wado oo uu shaqaynayay Mossad, si kadis ah Beyruut markaas waxaa joogay nin la safan xarakadiina, oo la oran jiray Maxamad bu Diyaa, afka faransiiska oo uu si fiican u yaqaan darteed waxaan ka codsanay in uu nagu kaalmeeyo baaritaanka iyo waydimaha basaaska Faransiis ka ah, markii ay soo dhawaatay in ninkii uu qirto, waxaa cadaadis xoog badan na saaray dowlada Libnaan, nala ku eedeeyayna in dowlada Libnaan howsheedii aan fara galinay, waan sii daynay waxaana u dhiibnay dowlada Libnaan, 24 saac gudahoodna waa lagu sii daayay, inuu dalka ka bixi kara ayaa loo oggolaaday, bil ka dib fariin aan ka helnay bu Diyaa oo markaas joogay Bariis wuxuu yiri
” Wax kama ku dhaca maahan in meel kasta oo aan magaalada ka aado aan ku arko, ninkii faransiiska ahaa, di turis, ee Beyruut aan wax ku weydiinaynay”
laba maalmood ka dibna waxaa na soo gaaraty in bu Diyaa la dilay oo baabuurkiisa bam loogu xiray……
Waxaan qabanay dhaqtarad Urduni ah warbixinteenuna ay cadaynayso in ay la shaqayso Mossad, mar kale dowlada ayaa soo dhex gashay, waana sii daynay oo ku wareejinay xukuumada Libnaan, mar kale waxay u oggolaadeen in ay dalka ka bixi karto oo Fiyeena aadi karto, mudane wasiir waxaan idinka codsanaynaa in aad noo ogolaataan in aan baaritaan ku samayno mar kale, noo oggolaada muddo aan ka badnayn saddex maalmood, markaas ka dibna idin tusno natiijada aan ka gaarno” ayuu yiri, hadalkiisiina sii watay
“Nin waxaa jiray watay baasaboor Marookaan ah oo noo qirtay in uu u shaqeeyo Mossad, oo dhowr jeer Libnaan yimid si uu u basaaso jabhadda Falastiin, waxaan haynaa 20 gal oo kale oo basaasiin ah oo Libnaan yimaada kuna soo daga hoteelada waaweyn ee qaaliga ah, sheegtana inay ganacsadayaal yihiin, waana naqaan, balse inaad xirtaan ama baaritaan ku samaysan idinka dalban mayno anaga oo xushmaynayna madax banaannida dowlada Libnaan, waxaan idinka codsanaynaa oo kaliya in aan loo ogolaan is ay dalka soo galaan, waa wax fudud mudane wasiir, anagu ma awoodno inaan daawano oo aan waxba ka qaban nolosheena oo halis ku jirta”
Shiikh Bahiij si fiican ayuu u dhagayanayay Abuu Iyad, markii uu hadalkii dhammaystayna waa uu u oggolaaday dalabkiisii ahaa in Amiino mar labaad la soo xiro, lana raadiyo basaasin kale si dalka looga mamnuuco.
Sidaas ayaa Amiina mar kale ugu laabatay gacanta Falastiiniyiinta ayada oo dowladda Libnaan aysan fara gashi ku samaynayn.
Dib ayaa loogu celiyay qolkii xabsiga ee dulka ka hooseeyay, si ay u qirato runta una sheegto dadka la shaqeeya, waa in markaan wax laga badalaa habka loo warsanayo, waxaa jirtay aragti ah in Amiina oo Beyruut dagaalkii sokeeye aad ugu soo xoogsaday laga kaxeeyo oo meel ka baxsan la geeyo laguna waraysto.
Habeen dhan ayay ka baaraandagayeen, Abuu Iyad, Cali Xasan Salaama, Abuu Daa’uud iyo abuu Zaciim, halka la gayn lahaa oo lagu qarin karo Amiina, Cali Xasan wuxuu qabay in meesheeda loo daayo, waayo dayrku aad ayuu u dheeryahay ku wareegsan dhismaha, dhismayaashii jabhada Falastiinna isla goobtaas ayay ku yaalliin, balse abuu Zaciim tuhun ayaa kaga jiray in meeshaas ay ammaan tahay, waayo Israa’iil waxay isku dayi kartaa in ay xoog ku wataan ayaga oo kaga aarsanaya Cali Xasan, oo ka danbeeyay afduubkii Munikh iyo saddexii ka noolaatay intii howlkaga fulisay oo si aad ah loogu ilaaliyo xarunta jabhada dimoqraadiga ah oo dhismaha agtiisa ah.
Abuu Daa’uud wuxuu soo jeedayay in si dhaqsa ah loogu qaado waadi Biqaac, halkaas oo gacanta Mossad aysan soo gaari karin, arrintuna qarsoodi ahaanayso, halkaa oo ka dheer haddii Israa’iiliyiintu isku dayaan in Falastiinyiinta gudahooda ay dad ka laaluushaan, ugu danbayn waxaa hadlay Abuu Iyaad, wuxuuna yiri:
”Sababta aan Amiina uga fogaynayno Beyruut oo meel kale aan u gaynaynaa maahan nabad galyo la’aan Beyruut taal, mana ahan cabsi laga qabo Israa’iil oo kuma dhacaan in ay howl gal komandoos ka fuliyaan halkaan sidii horay u dhacday oo kale, waa ay ogyihiin in aan qaadnay tallaabooyin aan ku ilaalinayno xarumaheena iyo degaankeena iyo basaasiintaan dhalashooyinka kala duwan ee jidadka yaacaya, wareejinta Amiina dhinac kale ayay muhiim u tahay, oo ah in Amiina nadab ku dareemayso xabsiga ay hadda ku xiran tahay, waxayna samaysatay iska caabin ay weydiimaheena u samaysaty, meel kale loo wareeriyo war war ayay galinaysaa, baqdinna waa galaysaa oo mesha kale wax ay kula kulmi doonto ma oga, mar hadday baqdana dheelitirka garaadka ayaa ka lumaya, waxaan oran lahaa haddii la rabo in ay si dhaqsa ah wax u qirato, waa in si dhaqsa ah meel cabsi leh loogu wareeyiiyaa, god godadka koofurta ku yaalba ha ahaadee, qofku markii uu noloshiisa inuu badbaadiyo rabo wax yaabo badan oo xagiisa ku weynaa ayuu quuraa, inkiraad ay inkirto in ay Mossad u shaqayso waxaa kala weynaanaya badbaadinta nafteeda oo ay badbaadsato qiratana runta.
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply