Sida la ogyahayna sunta siyanayd laguma gado sayladaha iyo farmiyayaasha, waxaa adeegsada oo kaliya sirdoonka markii ay rabaan in ay qof qarsoodi ku dilaan, warka Amiina mid tuhun babadan ku jiro ayuu noqday, habkii jarmalku markuu socon waayay abuu Daa’uud wuxuu ka fursan waayay in si kale lagu dayo, dhanka ciqaabta iyo garaaca, inkasta oo dhankaas uusan jeclayn, sida laga soo sheegay wuxuu yiri,
“Abeeso jir suluba leh ayay ahayd oo markaan qabtaba waa iga siibanaysay, sidaas darteed waxa ku wareejiyay Abuu Hool, inuu howsheeda ciqaabta galo”.
Raggii mosaad war warkuma yarayn, waayo Amiina waxay ku dhex waayeen Beyruut intii ayasan u fakan Dimishiq, xaalad walbahaar ahna waa ay ku sugnayd, taas oo keenta in basaasku jilco oo kala fur furto, taasna keeni karto in madaxa laga qabsado marka waraysiga lagu hayo, si kasta oo uu isku adkeeyo ama dhiiranaan u muujiyo ugu danbayn waa isku dhex yaacayaa oo wax walba waa qiranayaa, si fududna lagu gaari karaa dadka la shaqeeya, balse markii ay arkeen, Manuwel iyo Maron, iyo Khadiija oo aan la qaban, waxay ogaadeen in aysan weli hadlin oo aysan wax kashifin, haddii aysan Falastiinyiintu uga dan lahayd qabasha la’aanta kuwaan in ay dabin tahay oo ay ku gaadayaan ciddii la soo xariirta.
xaalkii waa ku xumaaday raggi Mossad, waxayna amar ku siiyeen indhahoodii ama dadkii Beyruut u joogay in ay ka dheeraadaan saddexaas qof wax kasta ha ku qaadatee, waayo waa ogyihiin sida ay ula dhaqmaan sirdoonka Falastiiniyiintu marka ay qabtaan basaas qalaad, Amiina na warkeedaba daa oo waa Urduniyad dhagartay oo ku dhex noolayd, oo goobaha ciidamdooda dhex wareegtay.
dhibka Mossad haysaty waa ka weynaa basaasad la qabtay, war warka dhabtaah wuxuu ahaa, walaaca galaya basaasiintooda Linbnaan joogta haddii wargaysyada lagu soo qoro arrinta Amiina, markaas waxaa laga yaabaa in kuwa kale la kashifo oo ay jilcaan oo laga awood badiyo oo ay hadlaan, markaas waxaa dhici karta in shabaqa basaasiinta Mossad ee badan oo Beyruut jooga oo dhan uu dumo, kuwaas oo hadda si nabad ah ku howl gala oo baqdin ka dheer,
Amiina Muftise naag yaab leh bay ahayd, inkasta oo ay rumaysatay in Moshe nool yahay oo dalkiisii lagu celiyay haddana damiirkeedii wax is badal ah kuma dhicin, waxayba u xuub siibatay qof kale oo aad iskula weyn, waxayna bilowday in ay iska dhigto miskiin xanuunsan oo dhalanted ku nool,
Runtuse waxay ahayd in ay ku dhex noolayd dhalanteed ahaan guulaha ay gaartay, waxayana is tusaysay sida Israa’iil loogu soo dhaweyn doono, oo ay gacaliyeedada arki doonto, waxay rabatay in ay u caddeyso in ay tahay naag wax jecel, marwo jacaylka qabantintay ilaa heer sakhrad.
Qolkeeda xabsiga oo ay kaligeed ku xiran tahay markii ay joogtay, waxay u diyaar garoobaysay dagaalka soo socda, sidi ay awood iyo dhoolla tus u samayn lahayd, si ay u adkayso xarriiqdeeda difaaca, waa ay ogayd in caddaymaha lagu hayo aysan xoog badnayn oo ay ka fakan karto, dadkii ayada kala shaqaynayay Beyruutna mid wax ku cadeeya ayada lama qaban lamana hayo, waxayna is tustay in ay inkiraadaas ku adkaysato, marka danbana intay ka daalaan ayay ku qasbanaanyaan in ay Bayruut ka cayriyaan oo ka bax ku yiraahdaan.
Balse kadiskii aan cidna filayn wuxuu ahaa in amnigii dowladda Libnaan uu soo dhex galo arrintii oo ay ku qasbaan Falastiiniyiintii in ay Amiina sii daayaan oo ku soo wareejiyaan ayaga oo ay baaritaankeeda galaan.
Sidii ay filaysaba Amiina guul ayay kaga baxday xabsigii, waxaana la wareegay dowladii Libnaan oo ayagu qabay in Amiina aysan danbi lahayn oo tuhunka laga qabo aan waxba ka jirin, oo ay tahay dhaqtarad carbeed oo daacad u ah dalkeeda carbeed, waxaana la kala doorsiiyay in ay Beyruut joogto iyo in ka baxayso, waxayna dooratay in ay ka baxdo, waxay dalbatay in baasaboorkeeda looga keeno Falastiiniyiintii xiray.
Abuu Iyad iyo Cali Cali Xasan Salaama iyo abuu Daa’ud waxay u arkayeen dhiibintaanka Amiina loo dhiibay dowlada mid lagu ixtiraamayo dowladda Libnaan si aan khilaafaadka hadda jiraa aysan u sii kordhin, xilligaan oo dagaal sokeeye holcayo oo baqdin laga qabo in xariirka ururadu ay bur buraan.
Is aragyo dheer ayaa dhex maray Abuu Iyaad iyo shiikh Bahiij Taqi diin, oo ahaa wasiirka arrimaha gudaha ee Libnaan, si ay iskula meel dhigaan is kaalmaysi dhinaca nabadda ah, oo la soohdimeeyo qul qulka basaasiinta Libnaan ku soo gurmaya oo baqdin la’aan uga Dhex shaqaynaya, kulakii u danbeeyay wasiirku wxuu kursi ku fadhiyay beerta gurigiisa xagaaga, tusbax dheerna gacabta ayuu ku haystay oo uu ku wardinayay, si feejignaan ahna u dhagaysanay Abuu Iyaad oo lahaa:
”Shiikh Bahiij, waxaa jirta halis anaga iyo idinkaba na sool fool saaraysa haddii aynaan iskaalmaysan, isku xirnaanshada iyo is garabsiinta nabad sugida Libnaan iyo tan xarakada iska caabintitu waxay noqtay mid waajib wadaniya ah”
Wasiirkii waa ku raacay hadalkaas, hoggamiyihiina hadalkii ayuu sii watay:
”anagu waxaan diyaar u nahay, shiikh Bahiij, in aan idiin soo bandhigno war bixinada aan hayno oo dhan, sirdoonkeena dibadda gaar ahaan Yurub aad ayuu u xooggan yahay, waana is kaalmaysan karnaa si aan dabinnada iskaga jirno ama u bur burino, anagu kaligeen ma shaqayn karno gaar ahaan Libnaan gudaheeda, idinkuna kaligiin ma shaqayn kartaan, marka waa inaan is garabsanaa”
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply