Intii dagaalkii xumaa uu socday 500 oo duuliye oo maraykan ah oo aan qabanay ayaan salaan askareed u saaray, marka u horreysa si edab iyo bashaashnimo ku jirto ayaan isku bari jiray, mudane, anigu waxaan ahay laba xiddigle Sacraf..waxaana u xil saarnahay in aan dhowr su”aalood ku weydiiyo ee mudane ma fariisan karaa, …… waxaa igu waajib ah in aan ku xasuusiyo xuquuqda aad ledahay ee uu xusayo heshiiskii Jineefa ee khuseeya maxaabiista dagaalka, adoo raalliya saddex su’aal ma ku weydiin karaa: magacaaga…..lambarkaaga ciidan…..iyo darajadaada ciidan intaas kaliya…. Sigaar ma u baahan tahay mudane?” Asaga oo warkii sii wata sarkalkii jarmarka ahaa wuxuu yiri:
“xafiiskayga waxaa soo maray boqolaal duuliye oo Maraykan iyo Ingriis ah oo maxaabis dagaal ah, sida caadada ahayna saddexdaas su’aalood waa ka jawaabi jireen, markaas ka dib ayaa dib laygu soo diri jiray si aan warbixinno kale uga helo, waxaana idiin caddaynayaa in shantaas boqol oo duuliya ee xafiiskayga soo martay ay dhamaantood ii shgeen waxan ka rabay, aniga oo aan bahdilin oo ciqaab marsiin, waayo waxay maanka ku haysteen sida loola dhaqmi doono haddii gacanta lagu dhigo, oo ah dil iyo cadaab la marsiiyo si hadal looga dhaliyo, waxaa meesha ka baxay markaas xaalad nafsiyeedkii baqdinta ahayd uu ku sugnaa maxbuusku, wuxuu isku arkayaa maxbuus caadiya, damiirkiisa ayaa markaa ku bilaabaya cadaadis badan iyo daganaansha la’aan, wuxuuna isku arkayaa in uu dabiile yahay, xataa haddii rabitankiisa ka dhan lagu soo qabtay, waa iska xir xiraya in uu su’aalaha ka jawaabo, marka anagu waxaan ka faa’iidaysan jirnay xaaladdas uu ku sugan yahay oo siduu filayay maahane si ka soo horjeedkeeda ah ayaan ula dhaqmaynay maxbuuska”
Abuu Daa’uud habkii jarmalka ee uu qaaday Amiina waa kaga biya keeni waayay, waxay tababar adag ku soo qaadatay sida loo fool saaro xaaladaha adag, sida ay maankeeda u qorshayso oo aysan u gafin haddii wax ay sheegtay ku soo celi la yiraahdo mar kale, layliskii wax xasuusashada aad ayay ugu fiicnaatay oo erayadeedii ay tiri marna iskama rogin, in kasta oo Abuu Daa’uud samirkii ku yaraaday oo uu tusay Amiina xasuus qoradeedii ay ayadu gacanteeda ku qortay ee laga soo helay gurigeeda Fiyeena, haddana Amiina wax walba waa inkirtay, waxayna mar marsiyo uga dhigtay xasuus qorkeeda in ay tahay qof xanuunsan oo is tusta dhalanteed aan jirin, oo soo jeedka ku riyoota, misana is ka dhaadhacsiisay inay howl Mossad u joogto Libnaan, taas waxaa keenaya xanuunka ay qabto, ayay mar marsiyo ka dhigatay.
waxaa raad reeb ku samayay sheekadii basaasaddii Holandays ka ahayd ee Mata Hari, iyo gabadheedii basaasada ahayd Louise Jeanne Maclead, intaasna ay u sii dheertahay rabitaanka aargoosioo ay Carabta la rabto, Carabta sababtay in ay ninkeeda weydo iyo awood la’aanteeda in ay aar goosato, murugta iyo kallinnimda ay dareemayso iyo oohinteeda aan kala joogsiga lahayn iyo murqaha foolkeeda oo dabcay, wax laga murugooda ayay ahay,
Waayo, dhibba dhib ayuu u dhiibayay oo kamaba bixin dhib, waxaa bad u malaysaa in sagaalkii maalmood ee ay xirnayd, ay u ahayd fursad alle ku sii ah, oo qorshaheeda iyo fikirkeeda uga baaran dagto iyo waxay ku hadli lahayd markii weydiimaha lagu bilaabo.
balse sarkaal sida Abuu Daa’uud kuma dhaco dabinkaas oo kale mana rumaysto beentaas oo kale, waayo waa nin aad u garaad badan, aadna u khibrad dheer, wuxuu ku soo tababartay gacanta sirdoonka Masaarida, wax badan ayuu ka akhriyay cilmi nafsiga iyo cilimiga caafimaad garaadka iyo noocyada bukaanada cilimi nafsiga, xariifna ku ah sida loola dhaqmo kuwa bukaanka beenta iyo dhagrida qaba.
Sidaas ayaa loo soo tababaray Abuu Daa’uud uguna fiicnaa howshiisa, Amiinana waa in uu sida ugu dhaqsiyaha badan war uga dhaliyaa, inta kuwii la shaqeeyay aysan tabin maqnaanshaheeda oo aysan dalka dibaddiisa ugu fakan, balse amankaag ayay ku dishay naagtaan dhagarta badan, oo si uusan horay u arag iskaga celinaysa, adeeg sanaysana waxay awood lahayd oo dhan oo ay isku keentay, gudaheedana waa ogtahay in dadkaan ay gacanta ugu jirto ay ka halisanyihiin ayada oo ka dhagar badan yihiin, balse siddeed iyo toban saac ka dib Amiina meesheedii kama nuuxsan, mana jilcin mana isku dhex yaacin, xataa hal eray kama badalin hadalkeedii hore, abuu Daa.uud halkii su’aal tobonaan jeer ayuu weydiinayay ayaduna jawaabtii hore uun bay siiyaa, mana iska badlayn, waana lagu qanci karay hal mid maahane , tan ku saabsan kaabsoolka sunta ah oo ay tiri waalida ay qabto darteed ayay u sidatay, oo jiiradaan ay qabto ayaa u keentay in ay mar mar ku fakarto in ay nafta iska qaado.
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/



Leave a Reply