BASAASADII AMIINA DAA’UUD MUFTI-Q-14

Sirdoonkii Falastiiniyiintu waxay wadeen ninkii Farankfoort joogay oo ay aadeen Fiyeena, waayo asaga qudha weeye qofka garan kara ninka kale, sidas ayay ku yimaadeen fiyeena oo meel walba laga raadiyay ninkii warka markii hore soo sheegay, balse waa la waayay sidii uu dhulku liqay, waxa qudha ee ay markaan qaban kareen waxay ahayd arrin halisteeda leh, oo ah warka dhabtiisa laga ogaado faylasha yaal xafiiska guurka siiba kuwa dadka qalaad guursada, aadna waxay uga baqayeen in wax dareen ah uu galo sidoonka Mossad ee Awstariya jooga, sidaa darteed waa in howshu ku dhammataa qarsoodi aad u sareeya iyo aamusnaan, waraaq been abuur ah oo ka soo baxday Dan jiraha Urdun ee Awstariya ayay ku qanciyeen maamulkii xafiiska guurka dadka qalaad, sidaas ayay ku ogaadeen halkii ay daganayd iyo guurkeedii, isla durbadiiba mid sirdoonkii ka mid ah ayaa u duulay Beyruut, asaga oo wada nuqul ka mid ah xaashidii nikaaxa, waxaana dib loogu laabatay baaritaan kale oo lagu sameeyo guriga Amiina, markaan waxaa la helay xusuus qor yar oo Amiina ay qortay intii aysan Tel aviv ku laaban oo tababarka culus la soo siin, oo ku faah faahinayso howl gallo ay Beyruut ka smayasay.

sidaas ayaa wax walaba baanaanka u yimaadeen, ayada oo sirdoonkii Mossad ee Fiyeena ku hex yaacsanaa ayasan waxba dareemin, wixii caddayn ahaa waxaa layskugu keenay xafiisaka Abuu Iyad, kaliya waxa u haray waxay ahayd in Amiina laga soo saaro oo ay shegto sirta ay mossd u gudbisay inta ay la egtahay, doorka ay ka qaadatay tif tifida xarakada, iyo in ay sheegto inta kale oo kooxdeeda ku jirta ee Beruut iyo dibada dalka ba joogta.

Siyaabo kala duwan aya basaasiinta la qabto warka oo laga soo saaraa, balse markaan Cali Xasan Salaama wuxuu soo jeediyay in si aan weli la arag Amiina loo jabiyo oo loo kala daadiyo si ay u burqato, sidaa darteed waxay u sheegeen in ninkeedii Moshe ay hayeen dowlada Suuriya, laguna sii daayay maalmo ka hor heshiis maxaabiis is dhafsi,

wargaysyadana lagu soo qoray, waxay u keeneen, wargays ay boggiisa hore ku qorantahay maxaabiis is dhaafigaas, oo Moshe uu ka dhex muuqdo rag badan oo maxaabis ah, ayaga oo Suuriya ka baxaya oo ay wadaan ururka bisha cas,

 

Wargayskuna halkaas xabo ee ayada la tusay uun buu ahaa oo si gaara loo soo sameeyay, markii ay akhrisay wargayska aamusnaan dheer ayay gashay, jug kadis ah ayay ku noqotay waxay akhrisay, ayada xilligaas halista u ahaa ka hadlaysay waxay xusuus qorkeeda ku tiri:

 

‘‘Lixdii Sibtembar 1975. Aniga oo ku xiran xabsi yar oo qurun ah, darbigana sil silad kula xiran, ayaa illinkii la soo furay, waxaana soo galay ilaaliye hubaysan oo shaaribo waaweyn leh, oo ii sida quraac ka kooban, rooti iyo cad baacug ah –cheese-sidii caadada u ahydna hortayda ayuu fariisatay oo wargayskii uu watay fiir fiiriyay, markii aan isha ku dhufaty bogga koowaad warka ku qoran, waa Moshe…. Haa asagii….sawirkiisaa ka muuqday iyo magaciisa oo buuxa, inaan riyoonayo ayaan u qaatay, ciil baa madaxii ila xanuunay, waxaa noqday qof suuxsanaan ka soo naaxday, waxaan ka codsaday ilaaliyihii In uu ii akhriyo waxa ku qoran, balse si jees jees ku jiro ayuu iigu diiday, cod dheer ayaan ku barayay in uu ii akhriyo,  balse rootigii ayuu inta afka iiga riixay igu aamusiyay, oo yiri,

“maxaa kaa galay warkayskaan adiga, sharmuutayahay”

rootigii ayaan tufay, ka dib wargayskii ayuu hortayda dhigay, intaan ku foorarsaday ayaan akhrin ku bilaabay, waana rumaysan waayay wixii ku qornaa.

Si dhab ah uma sifayn karo dareenkii markaas aan dareemay oo dharabaxyo oo kale ahaa, madaxaygu inuu qarxo ayuu ku dhawaaday, inaan qaylsho ayaan rabay…..qayliyo…foolka iska xagto inaan dhiig ka keeno, balse gacmaha silsilad ayaa iiga xirnayd, waxaan awoodi karay waxay ahayd inaan ooyo, waana ooyay, marna qoslaa”

Siddeedii bishii sibtembar 1975, sagaal maalmood ka dib markii la qabatay, Amiina waxaa la keenay xafiiska Abuu Daa’uud, halkaas oo wadiimo lagu weydiiyay, waxaa loo warsanayay qaabkii sirdoonka Jarmalka Gastapo ee dagaalkii labaad ee adduunka ay basaasiinta ula dhaqmi jireen, waana qaab ku dhisan in qof nafsiyad ahaan la jabiyo oo baqdinta laga baabi’iyo, ayada oo aan garaac iyo ciqaab kale loola tagin, waxaa la hor dhigayaa warbixinada qofka iyo madaxdiisa laga hayo, marka danbe wuxuu qofku uu is leeyahay, wax la qariyo meesha maba yaalaan, marba haddii wixii uu u haystay sir qarsoon la ogyahayba, markaas ayuu bilaabayaa in uu asna qirto inta uu ogyahay,

Si aan u faahfaahino habka Abuu Daa’uud basaasada ula dhaqmay, waa inaan dib u eegnaa, hadalkii laba xiddigle Sacraf uu ku yiri hay’adda barritaanka ee Maraykanka, markii dagaalkii labaad ee addunku dhamaaday jarmalkuna uu ku jabay, hay’addaan baaritaanka waxa la sameeyay markii dhowr boqol oo duuliye oo jarmalku qabtay lagu eedeeyay in ay sirar sheegeen, dhammantoodna waa diideen in ay sir fakiyeen, waxayna sheegeen in aan la garaacin, la ciqaabin oo cidna aysan ku qasbin hadal, sidas darteed waxa hay’addii baaritaaku u yeertay Sacraf si wax looga weydiiyo arrinta duuliyaasha,

Hadalkii uu meesha ka sheegayna, wuxuu ka dul qaaday danbigii duuliyayaashii, hadalkiisiina wuxuu ku bilaabay.

Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

 

Leave a Reply