Intii jaamicada uu ku jiray wuxuu kasbaday sumcad hagaamiye siyaasadeed, oo intaas ardada ayaa ku xoonsanaa oo uu khudbooyin kana u jeedin jiray, raad ku reebkiisa aradada waxuu sii kordhay markii ay ogaadeen in aabihiis ay Israa’iiliintu dileen.
Eradaya uu aalaa oran jiray markuu khudbaynayo waxaa ka mid ahaa:
”Waa nala illoobay, hadi aynaan wax samayn waligeen sidaan ayaan dhiiqada iyo wasakhda ugu dhex jiraynaa, u ahaanaynaa dad duleysan oo aan dal lahayn”
Jaamicadda wuxuu kaga baxay injineer, xilligaas ayay kulmeen asaga iyo Carafaat oo markaas unkay jabhada xoraynta Falastiin, kulankaas noloshiisii ayuu dhinac kale u rogay, wuxuuna noqday madaxa qabta 17, ka dibna madaxa sirdoonka Falastiiniyiinta ee magaalada Rasda, kadibna wuxuu noqday madax ururka Sibtembarta madoow oo hawl galadoodu ay Israa’iil iyo Yurub ba ku jaha wareereen.
Markii loo keenay warkii in basaasad carab ah oo Mossad u shaqaysa ay joogto Beyruut, sadeex maalmood ka dib waxaa horyaalay liis dheer oo ya ku qoran yihiin magacyada 37 dhaqtarad oo magaca Amiina ku jiro.
Intii warbixin laga sugayay sirdoonkii yurub joogay oo warka soo hubsanayay, Salaama wuxuu amray in affar ka mid ah dumarka dhaqtarrada ah la saaro ilaalo 24 ka saac ah, waqtiguna aad ayuu ugu socday oo in si dhaqsa ah loo ogaado dhabta ayaa la rabay, tuhun badana oo hawada ku jirayna waa jiray, Amiina oo ahayd basaasad aad u tababaran, waxay dareentay in lala socdo oo daba gal jiro, madax banaani yar ayay weyday oo sidii ay horay ugu dhaqdhaqi jirtay ay ugu socoto, wixii u horreeyey ee maankeeda ku soo dhacana wuxuu ahaa in ka takhalusto raadiyaha isgaarsiinta, waayo wuxuu u horseedaya in xariga daldalaada qoorteeda la galiyo, waxayna dirtay farintii u danbaysay:
”R.Q.R, tan iyo shalay waa la I daba joogay oo kor la iga ilaalinayay, waan baqayaa, nafiya shalom”
xeel dheerayaasha sirdoonku waa u beer jilcaan basaasiinta gaar ahaan kuwa ka howl gala dal nacb ay yihiin, waana ogyihiin dhibaata nafsiyad ahaaneed ee uu maro basaasku, taas oo gaarsiin karta in la qabto ka dib markii nerfahiisu daalo baqdin ogweed, markii basaasku heerkaas gaaro waxay door bidaan in basaasku baxsado, wax kasta ha ku qaadatee, nus saac ka dib farrin ayaa u timid Amiina oranaysa:
” Raadiyaha isgaarsiinta ku rid danbiisha qashinka ee dabaqa kore, qoraalka hal xiraalaha ah gub, Beyruut ka bax soo aad Dimishiq, dhulka soo mar, farrin ayaad ugu imaan doonta maqaayadda shaaha ee al Shaam”
Amiina neef ayaa ka fuqday, durbadiina waxay bilowday in ay amaradii madaxdeeda fuliso.
In ay kooxdeeda la kulaanto ma aysan ahayn, balse inay u digto ayay ahayd, sidaa darteed Khadiija Zahraan ayay telefoon jidka ah ka wacday oo u sheegtay in ay dalxiis u tagayso Dimishiq,
war war iyo baqdin ayaa ayadoo dhan hareereeyay, gurigeedii ayayna ka baxday ayadoo wadooyinka maagaalada dhex qaadaysa oo rabta in ay daba galka ka fakato, markii ay is tiri waad ka fakatay oo ay joogtay goobta basaska Dimishiq laga raaco ayay bas kortay, kursina fariisatay ayada oo xoogaa sidii hore ka dagan, balse waxay ku baraarugtay laba nin oo dhinaceeda taagan, baqdin xuna waa haleeshay, waxayna ku qanacday in socdaalkii nolosheeda basaasnimo halkaan ku dhamaday, waxayna go’aan ku gaartay in aysan ku dhiman gacanta Falastiiniyiinta, sidii biriq oo kale ayay gacanteedii madaxa ula aaday oo farihii timaha dhex galisay, ayada oo ka raadinaysa kabsool sun ah, balse nimankii ayaa gacmaha ka qabtay, waxaana loo waday dhinaca fatuurad meesha taagnayd oo irdaheedu furanaayeen, durbadiina waxay fatuuradii xawaari ugu dhaqaaqday dhinaca xaafada Fukahani, waxaana sii hor ordaysay fatuurad kale oo audi -80- ah oo affar nin oo hubaysan saaran yihiin.
Dhisme u dhow garoonka ciyaraha ayay hor istagen oo Amiina fatuuradii ka soo saareen, waxayna geeyeen qol yar oo cariiri ah oo dhulka hoostiisa ku yaal, garba dible ayaana loogu xiray sil silad dheer oo darbiga ku dhagan, kaabsolkii lagu qabtay markii la baaray waxaa caddatay in uu yahay sunta saanayd ee dhibic yar oo ka mid ah ilbiliqsi ku dili karto maroodi, kaabsolku wuxuu noqday cadayntii kaliyaa ee lagu helay, waayo warbixintii Yurub weli lama helin, ilaalintii kor laga ilaalinayay iyo baqdintii Amina gashay ayaa laga shakiyay iyo socdaalkaan kadis ah.
Dhowr maalmood in aan loo tagin oo Amiina godkeeda ku jirto ayaa la goostay, si ay u kala daadato oo u daciifto una burqato markaas ka dib, waayo gurigeedii markii si walba loo baaray waa laga waayay wax cadayn ah, wax walba oo dhimasho u soo jiidi karay waa ay dheeraysay, kaliya waxaa gurigeeda loogu tagay kitaab quraan ah oo dhowr bog ka maqan tahay, taasna dhinac loo qaado waa la garan waayay.
Sidaas ayaa Amiina ugu jirtay xabsigii yaraa ee dhulka hoostiisa ahaa ayada oon cidi wax weydiin, dhimasha tartiib tartiib ugu soo socotana sugaysay, waxaa ka sii siibmayay oo ka sii dhamaanayay awoodii nafsiyad ahaaneed, daqiiqad walba oo martana jaxiima ayay u ahayd, sugitaankii dheeraana baqdin ayuu isku rogay.
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/



Leave a Reply