BASAASADII AMIINA DAA’UUD MUFTI-Q-12

Taasna wxay keentay in tobonaan kun oo Falastiinyiin ah lagu laayo Urdun bishii Sibtembar, loona yaqaan sibtembertii madoobay, magacaansa ay qaateen markii dabne kooxda uu hoggamiyo Cali Xasan Salaama, oo ah koox qarsoon oo raacsan carafaat, oo dilal ka fuliyay, Israa’iil iyo Yurub ba, shirkii carabta ee Aljeeriya markii lagu aqoonsaday in jabhadda xoraynta Falastiin ay tahay tan matasha dadka Falastiin, taas wareer ayay u keentay boqor Xusseen oo asagu aaminsanaa in Urdun tahay tan matasha reer Falastiin.

 

1974 madaxweyne Saadaat iyo boqor Xusseen waxay  ku heshiiyeen in jabhada xorayntu ay matasho Falastiiniyiin marka laga reebo Falastiiniyiinta Urdun joogta, go’aankaasna  boqorka ayaa waji gabaxnimada looga ilaalinayay, balse boqorku aad ayuu uga xanaajiyay jabhadii Falastiinyiinta, markaas ayaana Salaama si dhab ah uga fakaray in uu  boqor Xussen ka takhaluso.

boqor Xusseen aad ayuu u ayaan wanaagsanaa oo dowlada Marrooko waxay gacanta ku dhigeen koox ka tirsan komandooska Falastiiniyiinta oo si qarsoon ku soo galay dalka oo doonayay in ay dilaan boqor Xussen.

22 novembar 1974 Yaasir Carafaat wuxuu galay dhismaha qaramada midoobay, waxyana markiisii ugu horreysay, wuxuuna dalbaday in la joojiyo dowlad Yuhuud, oo la dhiso dowlad dimoqraadi ah oo sadexda diimood  ka kooban, -Muslin, Masiixi, Yuhuud- safiirkii Israa’iil u fadhiyayna waa uu ka baxay kulankii asaga oo xanaaqsan oo yiri:

”Carafaatkii caruurta yuhuuda laayay miyaan na leh dowlada Yuhuuda ha la baabi’iyo oo dowlad Falastiin oo dimoqraadiya ha la dhiso”

Todobaad ka dib kulankii New York, Amiina waxay dirtay farriin halisteeda leh oo ay ku tiri, saacado ka dib dableey hubaysan oo Falastiiniyiin ah ayaa weereri doona mid ka mid ah magaalooyinka waqooyiga, intii Israa’iiliyiintu ay ku jireen isku dubaridid ka hortag, saddex dabley oo ka tirsan jabhadda Falastiin ayaa weeraray magaalda Bet Shiin, madaxyadana ka jareen dad Israa’iiliyiin ah, dhiigoodiina ku qoreen:

”Caruurtiina ka qixiya oo ka guura halkaan, intaan sidaan oo kale idin qabsan”,

 

Laba maalmood ka dibna affar dableey ayaa xaluulatay garoonka diyaaradaha ee Dubay, oo xabbad ku furay diyaard Ingriisku leedahay oo shidaal qaadanaysay oo u sii socotay Kalkata iyo Singabuur, waxaana ku dhaawacmay hal Hindi ah, 47 qofna waa af duubteen oo kala dageen dalka Tuunis, isla markaas xoghaya qaramada midoobay ayaa sheegay, in Falastiiniyiintu xaq u leeyihiin in aay aayahooda ka taliyaan iyo in jabhadda xoraynta Falastiin ay ka noqoto qaramada midoobay xubin dul joogto ah.

Amiina waxay codsatay in fasax la siiyo oo ay Tel aviv ku soo noqoto, balse amarkii hore ee la siiyay ee ahaa in ay isku daydo in ay guriga Cali Xasan Salaama gasho oo ka keento magacyada sirdoonka jabahada ee Yurub jooga iyo wixii howgal ah ee aaayatiinka la qorshaynayo, amarkaas ayaa  dib loogu soo celIyay.

 

Amiina ayada oo ka faa’iidaysanaysa fursad ay kula kulatay Salaama oo joogay koral biij, ayay weydiisay xaalada caruurtiisa, taasna gaf weyn oo ay gashay ayay hayd, aad ayuuna ula yaabay Salaama weydiintaas, waayo waligood kama aysan hadlin caruurtiisa, tuhun ayaana galay wuxuuna raadis ugu dhaqaaqay tagtadii nolosha Amiina, wuxuuna warsaday ragiisa Urdun jooga in ay soo baaraan Amiina oo dhaqtarad Urdinyad ah, oo qoyskeedu dagan yihiin xaafadda Suweylax oo ah halka maalqabeenadu ka daganyihiin Cumman.

warbixintii ka timid Urdun waxay sheegtay in Amiina ay dhab tahay dhaqtarad, dalkeedana ka tagtay aadayna Aswtariya, muran ayada iyo cideeda dhex marayna goosatay in aysan dib ugu soo laaban Urdun, kalsoonidii Salaama ku qabay Amiina waa soo kabantay, balse war kale oo sir ah ayaa yurub ka yimid oo arrintii oo dhan madax iyo majo u rogay.

waxaa laga soo sheegay nin dhallin yar oo falatiini ah kuna nool Farankfort, in uu nin Falastiini ah kula kulmay Fiyeena, dhowr is arag ka dibna wuxuu u sheegay in uu lahaa saaxiibad Aswtriyaan ah oo Yuhuudiyad ah, oo maan mooriye intay iska badisay geeriyootay oo walaalkeed uu qabay gabar carab Muslin ah oo ay Israa’iil ula fakatay, ayada oo ka baqaysa in siroonka Carabtu ogaadaan, waxayna baranaysay caafimaadka, waxayna u guurtay Libnaan markii diyaaradii ninkeeda lagu soo riday Suuriya dhusheeda, warkaas tuhun badan ayuu xanbaarsanaa, haddii uu run yahayna waxaa jirta basaasad Carb ah oo Falastiiniyiinta ku dhex nool.

Cali Xasan Salaama wuxuu amray sirdoonkiisii Jarmal joogay, in ninkii dhalin yarada ahaa mar kale laga soo faah faahsado warkaas, haddii laga fursan waayana asaga ha loo wado Aswtriya si kii uu warka ka keenay uu  idiin tusiyo.

 

Cali Xasan Salaama wuxuu ahaa nin dhallin yar oo maskax badan, oo garaadkiisu caadiga ka sareeyo, shan iyo toban jir markuu ahaa ayaa Yuhuudu aabihiis ku hor dileen, hooyadiis markaas waxay goosatay in ay Urdun u soo guuraan oo ay ku noolaayeen xera qaxooti oo aad u  liidata oo biya socda iyo danab toona lahayn, wax barashadiisii wuxuu ku dhmanaystay Naabulis, aad ayuuna ugu fiicnaa oo mar kasta kaalimada sare ayuu gali jiray, in kasta oo uu qurxoonaa haddana raga gabdhaha cayrsada ma ahayn, waqtiggiisii oodhan wuxuu siiyay wax barashada, ka dib wuxuu deeq wax barasho jaamicadeed ka helay jaamicadda Maraykanka ee Beyruut.

Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

 

Leave a Reply