BASAASADII AMIINA DAA’UUD MUFTI-Q-11

Amina ayadoo isku dhawaanshaha Israa’iil iyo libnan ka faa’iidaysanaysa ayay , waxay daba oraday Bashiir Jamiil, wiilka Biyaar Jamiil oo qareen ka ahaa dal aan sharci jirin, waxayna ka soo aruurisay warbixinno badan oo ay Mossad u gudbisay.

 

Bashiir waxaa lagu yaqaanay in uu dhagar badan yahay, mujrim yahay, in kasta oo caruurta qoyaska uu ka ahaa da’da lixaad, haddana horay ayuu u saan qaaday, oo kama laba labayn inuu dilo masiixiyiintii gaashaan buursiga la ahayd, iyo qoysaskii Shamcoon iyo Sulayman Faranji, tan iyo intii uu ka noqday hoggamiye maleeshiyada masiixiga ee ugu weyen wuxuu waday dilkaas iyo khaarijiskaas,

1974 ayada oo ku jirta qolka sirta ah ee xarunta is gaarsiinta, ayay waxay maqashay wada hadal dhex maraya Cali Xassan Salaama iyo gacan yarahiisa, waxayna markaas hubsatay in dhammaadkii boqor Xaseenka Urud ay soo dhawaatay, iyo shirka carabtaa ee Rabaat lagu qabanay, Amiina waxay xasuus qorkeeda ku tidhi:

” Qolka sirta ah ayaan ku jiray howlna ku fooraraay, waxaan xir xirayay fiilooyinka qalabka wax lagu duubo oo dhinacayga yaalay, Maron Xayka na kursi iga danbeeya ayuu ku fadhiyay, in kasta oo qolku qaboobaa haddana jirkaygu kululayl ayuu dareemayay fiirada uu I fiirinayay oo kaliya, qol weyn buu ahaa oo laba illin leh, midkood mar kasta waa xiranyahay oo amar gaara ayaa lagu furaa, wuxuuna aadaa marinka weyn ee dhismaha, kan kalese waa qayb ka mid ah armaajo darbiga ku taal, jaranjar ayaana ka sii baxda, waxaan dhagaysanayay sheeko caadiya oo u dhaxaysayhaadi Cabdiwahaab Kiyaali, madaxa jabhada xoraynta Carabta ee ku xiray xisbi al Bacat ka ciraaq, iyo Axmad Jibriil, madaxa jabhadda xoraynta shacabka oo ayadu dhowr hawl gal ka fulisay gudaha Israa’iil, waan ku caajisay sheekadoodii.

Waxaan ku jeestay Maron oo weydiiyay immisa qof ayaa taqaan qolkaan sirta ah,

“Dad yar ayaa yaqaan” ayuu igu yiri, “soo galideeduna waa hawl aad ku adag, haddii aanan 40 liiro siin lahayn waardiyahuhu nooma oggolaadeen galiinkeeda”,

Maron waxuu ku hadlay cod kalsooni ku jirto, oo aad ka arkaysid inuu hawl geesinimo leh u qabatay ani dartay, waana uu soo istaagay oo dhunkaday, waxaana arkay in uu wax badan rabo, tartiib ayaan howshaydii ugu labtay, waxaan abbaaray khadkii Xawaatma, iyo Abuu Iyaad, waase xirnaayeen dhammantood.

 

Wax yar ka hor saqdii dhexe waxaa sheekaysanayay Cali Xassan Salaama iyo nin jaallihiisa ah oo la yiraahdo abu Nidaal, waxaan riixay badhankii duubida,maqal baahiyihiina  dhagaha ayaan gashaty una fiijignaaday hadalkii dhex marayay, Maron weli wuxuu iiga nabnaa gadaal oo qoorta iga dhun dhunkanayay, jirkayguse wuxuu jiriiracooday oo tintu I istaagtay markaan maqlay  Cali Xassan Salaama oo leh,

 

”Kaligiis nama kaafiyo, waa in madax maska, saaxiibka yuhuuda oo ka takhallusnaa, shirka Rabaat na wa fursada aan haysano, is ilaaliya ilaahayna ha idin garab galo”

waxaa socday qorshe lagu dili rabo boqor xuseenka Urdun, howshaasna waxaa fulinaya ururka Sibtembarta madoow, markaan maqal bahiyiin iska siibay madaxu waa I wareergayay, Maron gacanta ayuu gadaal iiga hayay, waxaan ku iri jid nabada iiga bixi halkan, tan iyo wadada igaarsii.

Qolkayga markan tagay waqti ma dhumin oo dhar siibitaan kama gaarin,  farriintii baan horay ka diray, 36 daqiiqo ka dib farrin baa ii timid la iiga dalbanayo in aan mar kale soo diro farriintii, waana ogaaday ii Israa’iil uu war war badan galay, ayaga oo u baqaya saxiibka kaliya ee ay carab ku leeyihiin boqor Xuseen, saddex saac iyo hal daqiiqo markii ay soo wareegtay fariin kale oo yaab leh ayaa ii timid, oo laygu amrayo in aan raadiyo si aan ku galo guriga Cali Xasan Salaama, aniga oo iska dhigaya dhaqtarkii qoyska, markaas ka horna ma ogayan in Cali Xassan Salaama caruur leeyahay iyo naag kale oo ay qaraabo yihiin muftiga Falastiin xaaji Amiin Xussayni”.

isku dayga dillida boqor Xuseen mid meel cid la’ ah ka dhalatay maaha, Falastiiniyiintu ciil aad u weyn ayay  u qabeen, boqor xusseen tan iyo 1970,  Iraa’iil wuxuu la lahaa xariir adag oo qarsoodiya, asaga oo ku ilaalsanaya kursigiisa, Moshe Diyan ayay si qarsoodiya in badan ku kulmeen, xilligaasna dadka urudun kala bar waxay ahaayeen Falastiin, dhib badana waa ku hayeen boqortooyada, waxay ku dhufo oo ka dhaqaaq ka samayn jireen gudaha Gazza ayagoo ka duulaan tagaya Urdun.

 

Israa’iilna waxay ugu soo jawaabtaa duqayn, waxayna cadaadis saartay boqorka si qaraxyadaan loo joojiyo, oo uu boqorku dharbaxyo culus ugu dhufto Falastiiniyiinta si awoodooda loo wiiqo.

 

Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply