BASAASADII AMIINA DAA’UUD MUFTI-Q-10

Soo xera galintii Maron Xayka faa’iido weyn ayay u yeelatay Israa’iil, waayo dhahaysiga telofoonada hogaamiyaasha Falastiin, waxaa lagu ogaaday waxa ay ka qabaan dowlada siraa,iil, iyo qarax iyo dagaal ay ka  damacsan yihiin in ay ka fuliyaan gudaha Israa’iil.

Hadalada madaxdu ku wada hadlaysanayna maahayn hadallo caadiya ee waxay ahaayeen kuwa maldahan oo baaritaan iyo fur furid u baahan, balse mar mar intay is illoban ayay si caadiya u wada hadli jirren, taasna gaf weyn bay ahayd, in hadalkooda la tif tifo waxay ahayd mid aan dhici karin, oo qolo walba aad ayay u ilaalinayasay is gaarsiintooda, sida khadad magaalada iyo kuwa dibadaba, sida kaliya ee warkooda laguheli karay waxay ahayd in qalab dhagaysi lagu xiro oo la duubo, sida Maron oo kale oo asagu jooga qolka maleeshiyaadka masiixiyiinta ee Beyruut oo dhagaysta muslimiinta.

 

Falastiiniyiinta qudhoodo waxay xarun tif tif ku lahaayeen xaafada Fukhaani ee batramaha iyo koofurta Beyruut, waxayna ka dhignayd caasimad Falastiin, madaxdooduna waxay daganaayeen dhismayaal aan la aqoon, ilaalo xoog lehna laga hayay, uruka Falastiin waxaa unkayYaasir Carafaat, oo ku soo qalin jabiyay injineernimo, magaalda qaahira1956, balse ururkii uu unkay kacdoon dad kaliya ma noqon ee wuxuu aha ciidan hubaysan oo tan iyo gudaha Israa’iil howl gallo ka soo fuliya.

Amiina waa ay ogayad lana socotay in ilaalo xoog leh saaran tahay xaafada Fukhaani, oo xarakada al fatax oo ah tan ugu weyn ururada Falastiinyiinta goobaheeda aad loo ilaaliyo, sidoo kale waxay ilaalin xad dhaaf ah ku arki jirtay xarunta carafaat markasta oo ay booqsho ugu tagto asaga.

 

Markii Maron uu la soo xariiray aroortii wax yar ka hor, ayaduna waxay furatay raadiyaheedii oo Fariin halis ah u dirtay Mossad, aroortaas 25 may 1974:

”R.Q.R 37 daqiiqo ka dib, siddeed nin oo Falastiiniyiin ah ayaa soo weerari doona degaanka Zarciit, ku hubaysan ak47 iyo bambiiyin 57m/ M.D. nafiya shalom”

 

Arrintiina waa dhabowday, ciidamada Israa’iil na waa u ganabadeen Falastiiniyiintii, waxayna ka dileen lix labana waa ay qabteen, ayada oo Amiina qudheedu tif tifaysa telefoonda Falastiinyiinta, ayay waxay ka dul dhacday khadka sirta ah ee u gaarka ah xafiiska Joorji  Xabash, dhowr teleefoon ka dib waxay dareentay in ay jirto isku duba rid ciidan oo si qarsoodiya loo diyaarinayo, markii danbe Joorji  Xabash ayaa caro kula qarxay gacan yarihiisii Siida joogay, asagoo aad u xanaaqsanna wuxuu ku amrayay in howl galka la fuliyo, maalinta 13 Juun,  xanaaqiisii badnaa waxa ka soo fakatay asaga oo aan is ogayn magac, ayaduna lama daahin ee madaxdedii ayay horay ka gaarsiisay intay maqashay, saddex maalmoo ka dib maydka shan Falastiiniyiin ah ayaa warnaa tuulada Kibootis Shamyir, 27 juunna 1974 saddex kale oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay ka dib markay dileen afar askari ioo Israa’iilyiin ah.

diyaaradaha Israa’iiliyiintu si naxariis darro ah ayay u aargoosanayeen mar kasta oo howl gal ka dhaco Israa’iil gudaheeda, waxay duqaynayeen goobaha Falastiiniyiinta ee koofurta Libnaan, xeryaha ciidamda, goobaha ilaalada, warbixinadaas oo dhana Amiina ayaa ka soo heshay qolka xarunta isgaarsiinta oo u gudbisay Mossad, hubaalana waa warbixino heer sare ah oo lagu kalsoonaa karo oo aan tuhun galayn, lagana helay ragga u sareeya Falastiin.

dowladda Israa’iil waxaa ka go’nayd in ay burburiso dhamaan asaaska ciidamada Falastiinyiinta ee jooga koofurta libnaan, waxayna ku dadaalaysay in ay xarriir hoose la yeelato Libnaan, waxaana dhex maray Israa’iil iyo maleeshiyaadka masiixiyiinta –al kataa’ib- xariir hoose 1974, masiixiyiinta markaas baqdin ayaa ku jirtay oo madaxdoodu waxay ka baqyeen in awoodu gacantooda ka baxdo, ka bib markii is gaanshaan buursi ay wada yeesheen muslimiintii iyo Falastiiniyiintii libnaan, waxayna dalbanayeen in qayb weyn laga siiyo siyaasada dalka, balse masiixiyiintu waa diidanayeen in wax is bedel ah lagu sameeyo siyaasada dalka, waayo xilligaas sida siyaasada dalku ahayd masiixiyiinta ayaa dan ugu jirtay, sidaas ayaa loogu qanciyay hoggamiyaashii maleeshiyaadka masiixiyiinta, kamil Shamcuun iyo Biyaar Jamiil, in ay wada hadal qarsoon la galaan Israa’iiliyiinta.

 

Shamcuun oo ahaa madaxweyne hore, iyo Jamiil oo ahaa wasiir hore, waxay wada hadalo qarsoodiya oo dheer la yeesheen, Isxaaq Rabiin, madaxa wasiirada Israa’iil, markii ay ka heleen kaalmo qalab ciidan iyo tababaro ay siiyaan kataa’ibta si ay uga hortagaan awooda Falastiiniyiinta iyo muslimiinta.

tan iyo bartamihii 1974 waxay Israa’iil dhiirri gali ayay ku waday xariirka ayaga iiyo masiixiyiinta, ayaga oo ujeedkooda ahaa in la aamusiyo Falastiiniyiinta koofur jooga iyo in loo soo basaaso ciidamada Suuriyiinta, sidaas ayaa basaasiinta Mossad uga shaqaysan jireen gudaha libnaan, ayaga oo wax baqdin ah aan ka qabid dowlada Linbaan, balse baqdintoodu waxay ka imaanaysay sirdoonka Falastiiniyiinta oo uu madax u yahay Cali Xassan Salaama, oo in ka badan 20 basaas Mossad oo ku jiray ciidanka iska caabinta Falastiiniyiinta uu asagu qof ahaan uu daldalay.

Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply