
Nario Suzki oo ku caajisay noloshii japaan ayaa xil dhabarka saartay una dhaqaajiyay dhinacaas iyo dalka pilibiinis, asaga oo ay ka go’an tahay in uu soo helo nin loobadiaya in uu mar hore geeriyooday, ninkaas magaciisu waa laba xiddigle Hiroo Onoda, sarkaan ka tirsanaa ciidanka sirdoonka ee bqortooyadii jabaanka, wuxuuna aaday sarkaalkaan jasiirada Lubang ee filibiinis 1944, si uu caqabad ama dhuun gal ugu dhuqdo weerar la filayay in isbahaysigii aduunku ay ku soo qaadaan jasiirada 1945, waxa ku dhaliyay Suzuki in uu xulo kaynta Lubang waxay ahayd in uu raadiyo askarigaan jabaanka ah, xilligu wuxuu ahaa gugii 1974, laba xiddigle Onoda na wuxuu weli ku sii madax adkaa in uu dagaalkii soddon gu’ ka hor dhamaaday uu sii wado, dagaal dadkii ka qayb qaatay ay mar hore guryhoodii aadeen.
Onoda wuxuu ku dhashay tuulada Kamekawa ee jasiirada Honshu, 1922, sida dhallinyaradii da’diisa ahydna wuxuu u hamuun qabay in uu wacdaraha dagaalka ka qayb galo, wuxuuna is qoray ciidankii boqortooyada jabaan, 1940, waxaana loo diray dugsiga tababarka komaandooska ee Nakano la yiraahdo, halkaas ayaa lagu baray Onoda, farshaxanka dagaalka ku dhufo oo ka dhaqaaq ama jabhadaynta, sidoo kale waxa lagu baray, falsafada, howl galada qarsoon, dacaayda ama borobagaandada, iyo farshaxanka dagaal gacmeedka.
Markii jabaan culayskii dagaalku ku batay, oo ay muuqatay in laga gacan sareeyo, ayaa 1944, la go’aansaday in ay haboontahay in laba xiddigle Onoda loo diro filibiin, wuxuuna ka dagay jasiirda Lubang oo la filayay in ciidamada maraykanku ka soo dagaan, Onoda hawshiisu waxay ahay in uu qarbudo oo bur bur u gaysto, dakadaha iyo garoomada, kana dhigo goobo aan adeeg u galin ciidamada isbahaysiga.
Ayaan daradii onoda qabsatay waxay ahay, markii uu jasiiradii tagay saraakiishii joogtay waxa ku jiray garaad kale oo ah, in dakadahaas iyo garoomdaas ay u adeegsan doonaan in ciidankooda laga daad gureeyo jasiirada haddii si wax noqdaan, meeshii uu amaradii jabaan laga soo siiyay uu fulin lahaana waxay ku qasbeen in uu kala shaqeeyo qorshahooda cusub ee daad guraynta imaan doonta.
“SADDEX GU’ HA QAADATO AMA SHAN, BALSE WAX KASTA OO DHACA WAA IDIIN SOO LAABAN DOONAA’
Ugu danbayn markii dagaalkii soo gaaray jasiirada, muddo badan ma aysan qaadan in ciidankii jabaan ee jasiirda difaacayay, qoorkood la dilay, qaar la qabtay, qaarna ay baxsadeen, onoda asaga oo isku qaban qaabinaya in uu jasiirada ka baxo, ayaa taliyihiisii gaashaanle dhexe Yoshimi Taniguchi, Onoda iyo raggii haray siiyay amar rogay majarihii nolosha ninka dhallin yarada ah, wuxuu ku amray Onoda in uusan marna is dhiibin ee uu dagaalamo,
“saddex gu’ ama shan, balse wax kasta oo dhaca waan idiin soo laabanaynaa” ayaa Yoshimi ku yiri Onoda, asaguna erayadaas siday ahaayeen ayuu u qaatay.
jabaan waxay is dhiibtay, 15kii Ogost 1945, balse Onoda is dhiibidaas qayb kama ahayn, isma dhiibin, asaga iyo saddexdii ciidan ee la socday, dable Yūichi Akatsu, alifle Kinshichi Kozuka saajin Shōichi Shimada, waxay qorsheeyeen in ay cadwga u gaystaan qarbudaad iyo dhibaato inta ay awoodaan, cadow aan joogin oo xilligiisii dhamaaday ayay wacad kumareen in ay dhibaateeyaan.
Markii u horreysay ee affarta nin maqlaan in dalkoodii is dhiibay waxay ahayd Oktoobar 1945, koox kale oo ciidan ah oo buuraha ku jirtay, ayaa tusay waraaqo la soo daadiyay oo leh, “buuraha ka soo daga” dagaalkii dhowr bil ka hor ayuu dhamaaday, onoda tuhun ayaa ka galay warkaas, dhagna jalaq uma siin, sidoo kale waraaqaa diyaarado soo daadiyeen, waxa ku qornaa,amar uu soo biyay, jeneraal Tomoyuki Yamashita, waa ka adkaysaty, Onoda hii la soo baray dacaayada ama borobogaandada, markii uu waraaqihii si fiican u sii eegayna, wuxuu ku tilmaamay in ay yihiin been abuur, sida asaga u muuqatayna been abuur waraaqa ah oo maraykan soo daadiyayu joojin mayn.
Gu’yaal badan oo dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo uu kula jiro rayidkii jasiirada Lubang ayuu bilaabay, booliiskii filibiin iyo ciidamo maraykan iyo filibiin ah ayaa dhowr jeer isku dayay in soo qabtaan, beeraleeydii ayagu wax kala doorasha ah malahayn, waa ay ku qabsadeen xaalka burcadaan jabaaniiska ah oo sida kadiska ah kaynta uga soo baxa diginin la’aan, lo’dooda ka xada, kaydka bariiskooda guba, xataa toogta.
Asaga oo ay ku soo badatay dareenka ah in dagaalkii joogsaday, Akatsu wuxuu go’aansaday in uu kooxda ka goosto, Sebtember 1949, lix bil ayuu kaligiis kaynta dhex meeraysanayay ka hor intii uusan isku dhiibin filibiiniyiintii 1950, warbixin ku saabsan koodiisiina waxa uu siiyay dowladii, oo ayadu mar kale waraaqo iyo sawiradii waraaqo ay soo qoreen qoysaska saadeda duur gal diyaarad ku soo daadiyay 1952, saddexdii nin waa heleen waraaqihii iyo sawiradii, balse waa been abuur ayay uga baxeen.
MAALIN KASTA WAXAY U AHAYD AYAGA DAGAALKII LABAAD EE ADUUNKA
Gugii ku xigay dable Shimada ayaa lugta xabbad looga dhuftay mar ay weerar ku qaadeen tuulo kallumaysato, in kasta oo xaalad faaydhowr xumo ku noolaayeen, haddana Onoda waa isku dayay in saxiibkiis uu dib u bogsoodo, ayaan darrase 1954, ayaa koox baadi goob ahayd oo ayaga raadinayay iyo ayagii is xabdeeyeen, halkaasna waxa ku dhintay Shamida,
Gu’ba gu’ ayuu daba rogayay, ayaguna keytii ayay ku jireen oo ay ku noolaayeen, moos, qumbe, hilbo ay soo xadaan, bariis, ayay ku noolaayeen, Onoda iyo Kozuka wax badan oo aduunka ka dhacay ayaa gafay oo aysan war u hayn, dagaalkii kuuriya, halistii gantaalihii kuuba ruushku dhigay, dilkii john kennedy, kii martin luther king, ciyaarihii olombikada e tookiyo 1964, dhisddii barbigii baarliin, dayaxa lagu dagay iyo dagaalkii fiyatnaam, ayaga maalin kasta waxay u ahayd dagaalkii labaad ee aduunka, waxayna awooda saarayeen dhibista beeraleeyda iyo booliiska.
Lixdameeyadii waa laga baxay oo la galay 1970kii, nolosha ay ku noolaayeen keyntuna waa adkayd, siiba kulaylaha oo kaneeco noloshii ku adkaysay, sidaas oo ay tahay waxaa weli ayaga ka go’naa in fuliyaan amarkii 25 gu’ ka hor la siiyay
Oktoobar 1972, ayaa booliis kale oo soo hela ciidanka la diray, waxayse la kulmeen labadii ciidanka ahaa oo bariis dhacid ku jira, is xabadayn ayaa meeshii ka bilaabay, waxaana goobtii ku dhintay Kozuka, onoda na kaligiis ayuu noqday, balse isma dhiibin, oo amar ayuu qabay.
Warkii dhimasha Kazuka waxay gilgilshay dowladii jabaan, waayo 1954 markii Shamida dhintay waxa la istusay in aysan maangal ahayn in kuwii kale noolyihiin, markii maydkii Kozuka loo duuliyay jabaan, waxay garwaaqsatay dowaldii in ay dhici karto in onoda weli nool yahay, isweydiinta hortaalay dowlada waxay ahayd, side ugu qasbaan Onoda in uu is dhiibo?
1974, hal askari oo jabaaniis ah ayaa weli ku jiray dagaal soddon gu’ u socday, waxay ahayd warka ugu weyn ee jabaan la hayay, markaas ayaa Suzuki go’aansaday in uu daba galo sheekadaan uu la dhacay oo baadi goobo halkaas askari ee dagaalka ku jira, wuxuuna yimid lubang oo baaritaan iyo baadi goob bilaabay, la yaab, 20kii feberaayo ayuu helay Onoda.
Onoda diyaar ayuu u ahaa in uu toogto Sazuki, nasiib wanaag Suzuki baaritaan wanaagsan ayuu ku soo sameeyay Onoda iyo xaalkiisa, wuxuuna yiri
“mudaane Onoda, boqorka iyo dadweynaha jabaan aad ayay kaaga war warsanyihiin” intas ayaa ku filnaatay in Onoda oo qorigiisii hoos u dhigo oo dhagaysto Suzuki, daagaalkii soddon gu’ ka hor ayuu damaatday, xilligii aad soo guri gali lahahyd ayaa la joogaa, ayuu u sheegay.
Dhabtuna waxay ahayd, wax dareen ah oo ay ku reebeen hadaladii Suzuki onoda majirin, wuxuuna u sheegay, halka mid uu isku dhiibi karo in ay tahay, in sarkaalkii amarka siiyay oo u sheego in uu is dhiibo, bes, suzukina dib ayuu ugu laabtay jabaan, asaga waa wata sawiro uu la galay Onoda oo cadayn u ah in uu nool yahay ruug cadaagii, dowladu markii ay intaas ogaatayna waxa baadi goob loogu dhaqaaqay in la helo, sarkaalkii amarka ku siiyay in uu dagaalmo oo cadowga hor istaago intaas oo gu.
1974tii gaashaanle dhexe Yoshimi Taniguchi, nolol qaboow ayu uku jiray oo wuxuu lahaa dukaan buugta lagu iibiyo, kadis ayayna ku noqotay in dawlada jabaan ay weydiisato in uu u duulo filibiin, si uu u fasaxo askari uusan arkin ku dhawaad soddon gu’, intaasna heegan dagaal ku jiray, waana uu oggolaaday wuxuuna u duulay Lubang, aroortii 9kii maarso 1974tii, ayaa Taniguchi ka soo baxay ballantii uu qaaday 1945, markii uu kaynta kula kulmay Onoda, ballantii ahayd waan kuu soo laaban doonaa, wuxuuna si rasmi ah amarkii uu bixiyay uga dul qaaday Onoda, ballatiisa uu galay oo ahayd 5 gu’, ayaan kuugu soo laaban doonaa muddo dheer ayay qaadatay.
ONODA JABAAN UU GARAN WAAYAY AYUU DIB UGU LAABTAY
Sidaas ayaa Onoda isku dhiibay, ka dib ku dhawaad 30 gu’ oo uu ku jiray dagaalkii labaad ee aduunka, inta badana la dagaalamayay beeraleey, wuxuu wareejiyay qorigiisii ahaa, nooca Arisaka 99 bolt, shan boqol oo xabadood, mididiisii, iyo bam gacmeedyo, asaga oo weli xiran dharkii ciidanka ee 1940 taneeyadii, una duulay jabaan.
In kasta oo Onoda uu dilay in ka badan 300 oo beeraleey iyo booliis isugu jira, hadana Madaxweynihii dalka filibiin Ferdinand Marcos, waa uu aqabaly isa soo dhiibidii Onoda wuxuuna u fidiyay cafis, Onoda wuxuu ahaa askarigii labaad ee u danbeeyay ee isa soo dhiiba, dable Teruo Nakamura ayaa ugu danbaynbeeyay askari isa soo dhiiba, 18kii December 1974tii.
Teruo Nakamura
Teruo Nakamura
Nakamura wuxuu ka mid ahaa ciidankii jabaanka ee joogay jasiirada Morotai ee indunisiya, dagaalkii ka dib kaynta ayay ku noolaayeen, balse 1954, ayuu ka tagay raggiisii oo kaynta kaligiis ku noolaa tan iyo intii laga helay 1974, markii la weydiiyay sababata uu ciidankiisii uga tagay, wuxuu sheegay in ay dili rabeen, waxaana loo aqoonsaday askarigii ugu danbeeyay ee hubka dhiga dagaalkii labaad ee aduunka.
Onada jabaan uu garan waayay ayuu ku soo laabtay, markii uu ka tagay 1944, dhul guryaha inta badan alxaaw ayay ka smaysnaayeen ayuu ahaa, soddon gu’ ka dib, wuxuu u yimid, dhulk dhimayaashiisuu cirka ku shareeran yihiin, tareeno xawaare sare ku rooraya, danab ku baahsan meel kasta iyo dadweyne aan aad ugu jilbaysnayn imparadoorka, Onoda asaga oo ku wareeray noloshaan ku cusub iyo asaga oo caanimadiisi culays u keentay, ayuu wuxuu go’aansaday in uu ka tago dalkiisa mar kale, wuxuuna u guuray baraasiil oo uu noqday lo’ dhaqde, mar uu wargays ka akhriyay wiil yar oo jabaaniis ah oo waalidkiis dilay, ayuu go’aansaday in uu dib ugu soo laabto jabaan 1984, asaga iyo xaaskiisii Machie na waxay fureen dugsi lagu toosiyo oo wax looga qabto caruurta dhimir ahaan aan fadhin, noloshiisa intii ka hartay wuxuu ku noolaa, asaga oo magac iyo maal leh, wuxuu dhintay 16kii janaayo 2014, asaga oo jira 91gu’.
Qore
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://akhri.so/
Leave a Reply