ASHLEY MAGAALADII LA WAAYAY-Q-3AAD

 

 

Sarkaal Welsch: Marwo, aniga-

Foster: Gugii hore ayuu dhintay, anaa soo koriyay tan iyo caruurnimadiisi, aniga iyo asaga kaliyaan ahayn, waxaan ku iri iska jir baabuurta markaad bushkuleetiga wadatid, balse warkayga ma uusan yeelin.

Sarkaal Welsch: Marwo, waxaad sheegaysid macna ma samaynayaan, waxaa tiri dhammaantood waa soo laabteen?

Foster: MA DHAGAHAAD LA’DAHAY, IMA MAQLAYSID MIYAA, ayagii oo dhan, ayagii oo dhan waa soo laabteen, kuwii dhintay iyo kuwii la wayay intaba, anagay na raadinayaan, [cod ilmo ayaa yiri hooyo ku aaway inaan ku arkaan rabaa [april waa oyaday oo tiri], wuxuu yiri “mommy waa fiicnahay hadda, waan socon karaa, inaan ku arkaan rabaa” [oohin]

Sarkaal Welsch: …Marwo, xaggee joogtaa hadda? Meel aad ku nabad galaysid miyaa?

Foster: Waan dhuuntay uun, sida dadka kale, waxaan aragnay ayaga oo ka soosocda dhinaca beeraha…. dadka qaar baa irdaha ka furay, ilaahayoow, [qaylo] wax ku dhacay maaqaan kuwii irdaha ka furay, balse guryihoodii waa gubteen, daahyadaa ii sii daysan aniga, armaajaan ku dhex dhuuntay, waana-

[Aamusnaan]

Sarkaal Welsch: Marwo, ma nabad qabtaa?

Foster: [Shib]

Sarkaal Welsh: Marwo?

Foster: [Muraayad jabtay] ilaahayoow, ilaahoow.

Sarkaal Welsh: Marwo?

Foster: Waxbaa soo galay guriga, [Oohin hoose]

Sarkaal Welsch: Marwo, is daji, shanqarta iska ilaali, shanqar ha samayn.

Foster: [oohin, cod ilma yar, “mommy…mommy”] guduhuu soo galay, [ilma yar, mommy…. mommy]

Sarkaal Welsch: Ha is nuuxin, dagganaansho

Foster: [shanqar socod, cod ilmo, “Mommy…. Mommy, ku aaway, xaggee ku dhuumatay”?

Sarkaal Welsch: Ha shanqarin

Foster: [shanqar saanqaad culus, qosol ilma yar] waan ku arkay MOMMY [qaylo iyo sawaxan]

Sarkaal Welsch: Marwo, MARWO

[talefoonkiina waa go’ay].

Intii lagu jiray habeennimadii 16kii Ogosto, 1962, magaalada yar ee Ashley ee ka tirsan gobolka Kansas magaala jirta oo muuqata ayay ahayd,  sagaal saac iyo labaatan iyo siddeed daqiiqo, [3:28] 17kii, Ogosto,1952, waxaa dhacay dhul gariir cabbirkiisu ahaa 7.9, siday ay sheegeen culimada cilmi dhuleedka ee maraykanku, dhul gariirkaas waxaa laga dareemay tan iyo galbeedka dhexe ee dalka, balse waxaa lagu qiyaasay in bu’diisu ahayd magaalada Ashley, markii gurmadkii gobolku uu yimid magaladii halka ay ahayd oo dhul beeraleey ah ahayd, waxay ugu yimaadeen carro gubatay iyo god dhererkiisu tahay, 1000 mitir, ballaciisuna yahay, 500 oo mitir, qotadiisana aan la qiyaasi Karin.

  • Laba iyo toban maalmood ka dib waxaa dowlada gobllka Kansas joojisay oo la soo af jaray baadi goobkii lagu baadi giibayay 679 kii qof ee dagganaa magaalada Ashley, saddex saac iyo shan iyo toban daqiiqo, habeenkii Ogost 29dii, 1952, waxaa loo badiyay in dhammaan 679 kaas qof ay geeriyoodeen, siddeed saac iyo bar Ogost 30dii, 1952, waxaa dhacay dhul gariir cabbirkiisu yahay 7.5, bu’diisuna ay tahay halkii ay ku oolli jirtay magaalada Ashley, kolkii la tagay halkii dhul garirki ka dhacay oo ahaan jirtay Ashle, waxaa loo tagay godkii waynaa oo duugmay oo afkiisii xiran yahay.

dhammaad

 

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://akhri.so/

 

 

Leave a Reply