ASHLEY MAGAALADII LA WAAYAY-Q-2AAD

Aroortii ku xigtay, 12kii Ogost, 1952, xaaladii waa ka sii daratay, oo habeennimadii hore ayaa waxaa gabi ahaanba laga wayay magaalada Ashley oo meel ay ka baxeen la waayay, 217 caruur ah, 412 telefoon oo loo soo diray saldhiga Hays wax kaalama ah ma aysan noqon oo arrintaan caruurta waxba kama sheegi Karin, booliisku Hays na wuxuu ku amrad dadkii soo wacayaya in ay guryahooda ku jiraan oo aysan isku dayin in ay ilamhooda maqan raadiyaan.

Shanti iyo sagaal iyo toban daqiiqo galabnimo, 13kii ogost,1952, Scott Lunt oo nin oday ah ahaa wuxuu soo sheegay in dab ka baxayo meel magaalada in yar u jirta oo dhinaca koofureed ah, wuxuu ku tilaamay in dabku carigii madoobaa uu iftiin guduud iyo casaan xigeen ah uu ka dhigay, wuxuuna u muuqdaa dabku in uu tan iyo cirka is haysto.

Maalintaas oo idl telefoon soo diridii waa say ocotay, waxyna sheegeen in dabku uu markii danbe dhinaca waqooyi ee magaalada u guuray,

Dabkuna wuxuu u muuqday mid circa ka imaanay, degaanadii u dhawaa Ashley iyo ciidanku ba ma arag dabka iyo meel dab ka bilowday, war bixinadii soo dhacayay waxay socdeen tan iyo saqdii dhexe ee 14kii Ogost, 1952, telefoonkii u danbeeyay maalintaas waxaa soo diray, Mr. Benjamin Endicott, oo sheegay in dabkii cirka ka baxayay uu sii ballaartay oo magaaladii oo idil uu ka dhigay maalin oo kale, telefoonkiina si kasid ah ayuu u go’ay, telefoonkii Benjamin sidaan ayuu ku dhamaaday

Benjamin: Halloo, sug……sug

Cabbaar ayu aamusnaa

Benjamin: Haa, waxbaan arkaa, dhinaca koofureed, waxay u egtahay

[talefoonkiina waa go’ay]

Telefoon kii la soo dirayay waa joogsaday, maalintii danbe fiidnimadii ayaa kii ku xigay la soo diray, wuxuuna haa kii ugu danbeeyay ee magaalada Hays ay ka hesho Ashley, waxaana la soo diray sagaalkii iyo affartan iyo shan daqiiqo, fiidnimdadii 15kii Ogost, 1952, waxaana shaqada ku jiray markaas oo telefoonka qabtay sarkaal, Peter Welsch, qofka soo wacayay wuxay isku sheegtay in ay tahay, Ms. April Foster, wada hadalkoodiina sidaan ayuu u dhacay.

[bilowgii hadalka]

Sarakaal Welsch: Saldhigga booliska Hays?

Foster: HAA…. haa, helloo?

Sarkaal Welsch: Haa marwo, waa kuma qofka aan la hadlyaa?

Foster: Magacaygu waa April, April Foster, [Qufac] fadlan, mudane, fadlan I kaalmee.

Sarkaal Welsch: Maxaa jira marwo?

Foster: Xalay…… xalay ayay soo laabteen.

Sarkaal Welsch: Marwo, waxaan kaa doonayaa-

Foster: XALAY AYAY SOO LAABTEEN [Oohin]

Sarkaal Welsch: Marwo, is daji, is daji, si kala baxsan u hadal, maxaa dhacay, yaa soo laabtay?

Foster: [ayada Ooynaysa tiri] dhammaantood

Sarkaal Welsch: Dhammaantood?

Foster: dhammaantood dhinaca dabka ayay ka yimaadeen

Sarkaal Welsch: Maxaad ula jeedaa dhammaantood?

Foster: Wiilkaygii……wiilkaygii Ayaan xalay arkay, asaga oo soconaya…. jidka ayuu marayay, waa uu gubnaa, ilaahayoow, WAA UU GUBNAA

La soco……..

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://akhri.so/

 

Leave a Reply