ASHLEY MAGAALADII LA WAAYAY-Q-1AAD  

                                          

Fiidnimadii Ogost siddeedeedii,1952, hal saac iyo saddex iyo toban daqiiqo, nin la yiraahdo Gabriel Johnathan, oo daganaa magaalada Ashley ayaa soo wacay booliiska magaalada Hays, maadaama magaalada Ashley ay yarayd oo aysan lahayn rug booliis, wuxuuna  sheegay in cirka lagu arakay mucjiso, wuxuu sheegay in magaalada halka ku began ee cirka ah uu ka furamay god madoow, shan iyo toban daqiiqo ka dibna waxaa saldhigii magaalada Hays ku soo dhacayay telefoono tira badan oo dhamaantoodna ka war bixinayay dhacdadaan yaabka leh ee la arkay, dhacdadaan oo aysan soo sheegin degaanada kale ee magaalada u dhow maagalada Ashley. booliiskii Haysna waxa ay go’aan ku gaareen in sarkaal arrinta soo baara loo diro magaalada Ashley.

 

Toddobadii iyo konton daqiiqo, 9kii Ogost, Allan Mace oo ahaa sarkaalkii loo diray Ashley, waxa uu sheegay in kasta oo halkii jid ee adayay Ashley uu raacay haddana waa uu dhumay, wuxuu warbixintiisii ku qoray,

“Waxaan qumaati u raacay wadadii Ashley aadaysay, balse si ay wax noqdeen maaqaane dib Ayaan ugu soo laabtay magaaladan Hays oo wadadii i keentay”

 

La yaabkuna wuxuu ahaa, wadada Ashley aada ee ka baxda Hays ma lahayn wada kale oo ka leexata ama dhinac uga baydha, balse waxay ahayd hal wado oo si toos ah u tagta magaalada Ashley.

 

Saddex saac iyo shan iyo toban daqiiqo, waxaa la diray toban ciidan ah oo wata toddobo gaari, si ay xaalada u soo qiimeeyaan, dhammaantoodna waxay soo laabteen ayaga oo hal natiija wada, wadadii kaliya ee Ashley aadaysay hadda ma aado ee dib ayay ugu soo laabataa magaalada Hays, intaas ayay wadasheegeen. Arrin lala fajaco oo meel loo qaado la garan wayay ayay noqotay, sida ay ku dhacday in la gaari waayo Ashley oo ciddii loo diraaba ay dib ugu soo noqoto magaalada Hays.

 

Ku soo burqadkii telefoonada ee saldhilka Hays sidii ayay u socdeen, waxayna dadka soo dirayaa sheegayeen in godkii madoobaa ee cirka ka furmay uu sii weynaanayo, dadkii soo wacayay waxaa ciidanku u sheegay in ay guryahooda ku jiraan oo aysan ka bixin in waxa lama huraana ay u baxayaan maahine.

 

Laba saac iyo toddobo iyo toban daqiiqo ayaa Mrs. Elaine Kantor, telefoon u soo dirtay saldhiggii booliska oo sheegtay in dariskeedii, Mr. and Mrs. Milton, iyo labadoodii caruur, Jeffery and Brooke, la waayay, sida ay sheegtay Kantor, reer Milton waxay isku dayeen in ay magalada ka baxaan waxayna wateen fatuuradoodii, balse sooma aysan laaban, ciidanka booliiska iyo maamulka magaalada Haysna ma aysan arag wax fatuurada ama dad ah oo ku yimid hal ka jid ee Ashley ka yimaada.

 

hal saac iyo bar aroortii tobankii ogost, 1952, telefoonadii ka imaanayay Ashley waxay sheegeen in magaaladii ay mugdi noqotay gabi ahaanba, oo qoraxdii aysan soo bixin, affar saac iyo toban iyo shen daqiiqo ciidanka Hays waxay ka codsadeen, magaalada Topeka Kansas, diyaard kuwa qumaati u kacada ah, markii diyraadii ay dul tagatay halkii ay ku taalay Ashley, magaaladiiba waa arki waayeen oo maba muuqan.

 

Laba iyo tobankii iyo affartan iyo saddex daqiiqo ee duhurnimo, 11 Ogost 1952, Ms. Phoebe Danielewski, ayaa soo wacday saldgiga booliiska ee Hays, waxayna u sheegtay in gabadheeda Erica ay ala sheekaysanaysay aabaheed, balse aabaheed uu saddex gu’ ka hor ku dhintay shil baabuur.  

Ms. Danielewski waxay sheegtay in Erica ay doonayso in ay banaanka u baxdo si ay aabaheed ugu tagto, 12 kii saacadood oo ku xigay waxaa saldhiga ku soo dhacay 329 telefoon oo dhammaan sheegaya in caruurtoodu ay ku sugan yhiin xaalada Erica oo kale.

La soco……..

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply