Si aayar aayar ah ayaa unugyadii ANM ugu abuurmeen bariga dhexe oo dhan, oo ay ka mid tahay liibiya oo markaas dal sabool ah ahayd oo uu xukumay boqor Idriis, Sucuudi careebiya iyo Kuwayt oo weli ku jiray gacanta gumaysiga biritishka, isla markaasna waxay u sii dhawaanayeen garabka bidix.
Ninka aad xamaasada u galiyay Xabash iyo dhaliyarada goobta qaxwada Bayruut fariisata wuxuu ahaa Jamaal Cabdi Naasir, oo iska caabintiisii Anglo-French ee kanaalka suweys u riyaaqid iyo taager badan kaga kasbaday dunida Carabta, soofiyeetkana soo istaajiyay dhinaca Carabta, Naasir wuxuu ku fakarayay haddii uu garab ka helo soofiyeetka in uu dhisi karo ciidaan xoo leh, iyo in israa’iil lagu jabin karo dagaal ay qaybtooda ka qaataan Falastiiniyiintu, Xabash iyo jaalayaashiisu aad ayay u xamaasadysnaayeen, gudaha isra’iilna unugyo ayay ku beereen, balse wax intii u dhaxaysay 1965 iyo 1967 dhaqdhaqaa jabhadeed oo badan ma samayn.
jabhada xoraynta dadka ee falastiin oo gudaha diblomaasiyiinya Bayruut loo yaqaanay ‘P-flippers’ niyad jab ayaa helay markii Carabta looga guulaystay dagaalkii lixda maamlmood, israa’iilna ay qabsatay gaza iyo daanta galbeed, ciidamadeeduna ay ahaayeen gacal reer galbeed, 1968 ciidamada PFLP waxay dhamaayeen tiro 2000 ilaa 3000, waxay ahaayeen qaybta labaad ee ugu badan jabhada falastiiniyiinta marka laga reebo jabhada al fatax.
Bilowgii PFLP waxay ahayd mabda’ Marxist-Leninist, waxayna rumaysnaayeen in boqortoyada Urdun iyo Sucuudigu ay yihiin qalab uu ku adeegtaan inbiriyaaliyadu sida Israa’iil oo kale, sidaas darteed ayay ahayeen fidaa’iyiintii ugu mintidsanaa dagaalkii wadoonyinka Cammaan ka dhacay ee u dhaxeeyay ciidamada badawiyiinta urudun iyo falastiiniyiinta balack September 1970, dagaal uu carafaat si aada iskugu dayay in uusan ka qab qaadan.
Xilligaas Xabash wuxuu hub gadasho ugu maqnaa shiinaha iyo kuuriya, balse waa uu ogaa waxa socday eeda u weyn in ay asaga ayay ku dhacaysay, PFLP tu waxay rumaysnaayeen in Ciraaq  oo qayb baabuurta gaashaaman joogto Urdun lahayd, ee ka mid ahaa jabhad carabata ooga hor tagayo Israa’iil, in ay u soo gurman doonto, sidaasna awooda labada dhinac ay ku dheeli tirmayso, qasabna ku noqon doonto boqorka in la galo wada hadal nabadeed oo dan weyn ugu jirtay fidaa’iyiinta, sidoo kale waxay filayeen in ciidamada jabhada xoraynta falastiin (PLA) ee Suuriyiintu tababareen ay Urdun waqooyi kaga imaan doonaan, oo kaalmo soon doonaa, balse taas ma dhicin oo Ciraaqiyiintii dhinac ayay ka istaageen oo wixii soo baxaya sugayeen,  gawaaridii gaashaanaa ee (PLA) waxaa jidka u galay ciidamada legion ee boqorka, tuhuna kuma jirin in hanjabaad ka timid Israa’iil ay u diiday Ciraaq iyo Suuriya in ay fal ku kacaan.
Dagaalkii 12 ka maalmood ka socday wadooyinka Camman waxaa ku naf waayay 2000 oo isugu jira fidaa’iyiintii falastiiniyiinta, ciidamdii Urdun iyo dad weyne labada dhican ah, waxaa soo dhex galay oo xabad joojin ka dhex sameeyay Jamaal cabdi naasir, awoodii fidaa’iyiintuna baaba’ ayay ku dhawaatay, waxaana la isdaba dhigay oo ciribta la mariyay bishii julay gugii xigay, oo kooxihii falastiinyiinta la xasuuqay intii hartayna waxay isku dhiibeen Israa’iil, ayaga oo taas ka door biday in ay isku dhiibaan boqortooyadii haashimiyiinta, tan iyo dagaalkii sokeeye ee Libnaan falartiinyiintu ma lahayn awoodii ay ku lahaayeen urudun lix gu’ ka hor.
Qof kasta oo Cammaan joogay xagaagii 1970, waa arkayay in dhibaato soo socoto, waxayna sadaal u ahayd wax ka dhici doonay Libnaan, waxaa jiray awood ciidan oo adag oo iska hor imaad la gali jiray ciidanka, jidadka Camaan ayay dhex mushaaxi jiren sidii ay ayagu leeyihiin, si haddi loo eegana ay lahayeen ba,
Camman ta cusub waxaa dhisay qaxootigii yimid 1948 iyo 1968, wiilal yar yar oo ku raran qoryaha AK47 ayaa caasha qoryaha ka gain jiray dadka qalaad iyo Urduniyiintaba oo ayaga oo ka dalbanaya lacag lagu taageero qadiyada falastiin, soohdimaha tuulo joogyadii Urdun waxaa layn jiray oo dhici jiray Israa’iil oo aargoosasho u socota ciidankii waxay khaati ka taagnaayeen wiilasha yar yare ee falastiinyiinta ee hubaysan ee jees jeeska la daba jooga, kadib markii jurusalaam iyo daanta galbeed la Israa’iil qabsatay, in kasta oo Urduniyiinta ay ahaayeen kuwii ugu dagaalka badnaa carab oo dhan, taliye unug taanki ayaa rajabeeto [naasa gashi surayanteenadii taangiga asaga ka banaya sida naagaha oo kale loola dhaqmayo ciidanka, markaas ka dib xaalu waa sii xumaaday, Dr waadi xaddadna ciidankiisii wuxuuna bilaabay dhoola tuskii ugu danbeeyay ee dan daansi.
Hal toddobaad gudaheed PFLP waxay af duubeen affar diyaaradood, mid waxaa loo duuliyay Bayruut ka dibna qaahira, inta kale waxaa lagu dajiyay garoon dagalkii labaad ee aduunka la adeegsan jiray oo hada laga guuray oo loo yaqaan Dowson field oo ku yaal Urdun, saddexda diyaaradood ee Urdun lagu soo dajiyay mid waxay ahay swiss air, midna biritish kay aa lahaa midna maraykanka, saddexdii dowladood ee siyaasad ahaan boqor xuseen taageeri jiray.
Waxaala filayay in howl galada af duubka lala beegsan doono el caal bilowgii hore, balse Dr Xaddaad ayaa keenay in cadaadis la saaro dalalka reer galbeedka ah oo la af duubo ama la qar budo duulimaadyadooda gar ahaan ku Israa’iil u soo jeeda, feberaayo 1970, abaanduulha saree ee PFLP ahaan jirayna sarkaal sare ee ciianka suuriya axamad jibriil oo saldhigiisu yahay dimishiq ayaa bob ku qariyay diyaad Swissair ah oo usoo jeeday Israa’iil waxaana ku dhintay affartan iyo toddobo qof.
Layla khaalid in yar ayay uga fakatay dilkii Mossad u maleegatay markay joogaty guriga Dr Xaddaad, waxay ahay gabar uu dhalay dukaanle, ayada oo 4 gu’ jirta 1948, ayaa ayada iyo walaalaheed ku soo baxsadeen baabuur kira ah, waxayna dageen tyre Libnaan, ka dibna waxay gashay jaamicada maraykanka ee Bayruut, lix gu’ na waxay bare ka ahayd dugsi hoose oo wax baraysay badowda kuwayt, tan iyo da’deedii toboneeyada waxay xubin ka hayd ANM, waxayna ku biirtay PFLP, wax yar ka dib markii la abuuray, 1976,
Markii u horeysay ee Layla magaceedu wararka laga maqlo waxay ahayd markii ay afduubtay duulmaadkii TWA haadada nooca boeing oo maraykanku leyahya, kuna so dajisay magaalada dimishiq si qasab ah, kaliya cadaadis ka yimid faransiiska, maraykanka, ingirisska iyo iyo ururka duuliyaasha aduunka ayaa lagu sii daayay laba Israa’iil oo saarnaa diyaarada, oo kala ahaa professor wax ka dhiga jaamicada Hebrew ee tal aviv iyo nin kale o oaf duubayaashu ay u maleeyeen in uu yahay sirdoonka Israa’iil, oo shaqadiisu tahay waraysiga iyo jir dillida maxaabiista fidaa’iyiinta.
La soco
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
alishka5@gmail.com website https://akhri.so/
Leave a Reply