ARGAGIXIYIHI WEYNA, KARLOS-Q-3AAD

 

 

Dhowr bilood ka dib codsigoodii waa la ogalaaday balse wali hal dhib ayaa jiray oo ahaa, waraaqihii Lenin oo dhan waa la soo diray, balse kuwii Ilich lama soo dirin, intii la sugayay howshu dhamato labada wiil waxaa loo diray si ay afka ruusha ka bartaan, islaan da’ ah oo rush ah oo dalkaan baqool ku timid oo ayada oo weyn noqotay wadaad Orthodox ah, waxna ka dhigaysay Cambridge, mother alexia hackle waxay ruushka ka soo tagtay 1922, ninkeeda iyo ayada Ayaana ku noolaa jarmalka tan iyo 1939, markii ay ingiriiska timid ayada oo kaligeed ah intaan dagaalku dhicin wax yar ka hor, duqeedii oo doonayay in uu ka daba yimaado waxaa ku dhaxay dagaalkii waana uu ku bad xirmay, jarmalka ayuuna ku geeriyooday 1951.

 

Wax yar ka dib dhimashadii ninkeeda ayay wadaad noqotay waxaana hage ruuxiyeed u ahaa,  Orthodox Archbishop Anthony Bloom, ayada oo dumar orthodox wadaada ah ayasan joogin England darted, waxay iska sii wadatay nolosheedii cadiga ahayd waxana horay u ii wadatay howsheedii baranimada ahay, dhmaadkii nolosheeda intii aysan dhiman ka hor 1969, waxay qolal ay afka dadka ku barto ka kiraysatay aaga Holland Park. ee galbeedka London, wiilkeeda sergei hackle oo asagu noqday wadaad diimeed wuxuu yiri,

“waan uu xasuustaa hooyadiis oo ka hadlaysay laba Venezuwel waxayna tiri waa arday wanaagsan, waxayna si gaar ah u aragatay in Ilich uu u jajabnaa in afka barashadiisu ay muhiim noloshiisa u tahay”.

Dayrtii ayaa la gaaray sannad jaamicadedkiina waa bilaabmi rabaa, balse waraaqihii ogolanshada ee Ilich weli ma imaan, mar kasta aa abihiis telefoon u diro safaarada waxay u sheegaan in mar dhow ay diyaar noqonayaan, asaguna cadaadis ma saarin, asaga oo ka baqayay in ay xanaaqaan oo laba noqdaan deeqda wax barasho.

Ugu danbayn Lenin kaligiis ayaa tagay oo wata waraaqihiisii deeqda wax barasho, waxaana ka go’nayd in uu buuxiyo booskii walaalka weyn oo uu wax kasta u xalliyo walaalkiisa weyn,

markii uu Moskoow tagay waxa uu arkay in maamulkii ay la yaab ku noqotay in uusan walaakiis la socon, daahniinkaas oo dhan waxaa keenay gaf maamul sameeyay, saddex toddobaad ka dib imaatinkii Lenin, waraaqihii Ilich waxay mudh ka soo yiraahdeen safaraada Sovietka ee London, Ilich oo dulqaad kii ka dhamaaday oo doonayay in uu jaamicad kale codsado.

Labadii walaal waxay dareemeen in howsha joogtada ah ee jaamicadu ay aad adagtahay, waxaa la siiyay hal gu’ oo ay aqoonta afka Ruushka ku gaarsiiyaan heer u ogolaan kara barashada  cilmiga saynis ka, howshooda toddobaadlaha ee jogtada ah waxaa ka mid ahaa lix saacadood oo muxaadara ah,

 

laga bilaabo   aroortii tan iyo 3 galabnimo, lix maalmood toddobaadkii, is diyaari iyo howl shaybaar oo dheeriya ayaa maalinkta inteeda kale ku dhamaan jirtay, kaliya afkoodii ruushka inta eber ka soo qaadeen kor ma gaarsiin, ee waxay isku dayeen in ay la qabsadaan cimilda moskoow ee eberka ka hoosaysa iyo cunadii, gaar ahaan Lenin oo la qabsashadii cunadu aad ugu adkaatay oo mudo badan ku noolaa ukun cunid kaliya.

Waxay qol la qaybsan jireen oo wada dagnaayeen arday Nikaraaguwa ah, saaxiibtimo wanaagsana dhex martay.

Sida caadada u ahayd jaamicada walaalihii waxay xubin ka noqeen ururka ardayda Venezuwela  oo hoos taga ururka ardayda koofur Ameerika, dallado badan ayaa jiray sida ardada Afrika, Asiya, iyo Carabta.

Xilligaas ururda aradadu qayb wayn ayaa ku lahaayeen jaamicada Patrice Lumumba, in badan waxaa hogaamin jiray arday, sida cad arday loogu tala galay in ay xisbiyada shuuciga ee dalalkooda ay noqdaan dad muhiim ah,  una arka in howshooda ee weyn jaamicadu ay tahay sidii ay kala danbaynta iyo niyad dhiska aradada dalalkooda ka timid u hagaajin lahaayeen,

markasta shaqao joogta ah ayaa jirtay, markasta in dib loo dhigo tumashada iyo iska baashaalka, waxayna ka qayb gali jireen  kaliya jaamicada siyaasad ahaan la xeeqay iyo in ay iska ilaaliyaan in ay ka weecdaan wadada loogu tala galay iyo in ay iska jiraan wadiiqooyinka siyaasadaha ee Trotskyism, Maoism, Titoism, tif tif yada ama ruufiyaanimdana waa la dhiiri galin jiray.

Xilligaas ayay bilaabatay in daruuro hareeyaan nolosha Ilich Ramirez,  si fudud aan lagu dareemi Karin , si aayar aayar ah ayay ugu  baahday, waxaana bilowday is badalkii “El Gardo” uu ku noqonayay aragagixiye Karlos Martinez, lixdii bilood ee jaamicada u horeysay ka dib labadii walaalaha ahaa gaar ahaan Ilich, waxay qaadeen dhaba kasta oo farxad la’aan ku ridaya maamulka, aabahoodna sidii caadada ahayd lacag ayuu ka daba waday iyo dhar reer galbeed, sigaar, cajalado heeso ah, oo indhaha dadka u muujiyay, intaas waxaa dheerayd ayga oo si bareer ah u sheegay in aysan ka heli jadwal dheerigaa ee ku saabsan siyaasada ee maamulku qaban qaabiyo.

Ardaydii waxay isku dayeen in ay toosiyaan oo wax u sheegaan balse walaalihii waa ay ka madax adaygeen ayaga oo leh, anagu xubin kama nihin xisbiga shuuciga ee Venezuwela sidaa darteed kuma qasbaniin in aan noqono shuuciyaal yar yar oo wanaagsan,

Mar ayaa xisbiga shuuciga ee venezuwelo ku yiri Dr Ramirez ka jooji lacagta aad wiilasha siinayasid balse waa uu ka diiday, ka dib Ilich ayaa ka mid ahaa arday lagu qab qabtay ayaga oo safaard ku hor mudahaaradaya , banaanbax aan jaamicad Patrice Lumumba.u fasixin ardada dhigata ee dalkaas ka timid.

In kasta oo caanan loo soo jeediyay Ilich, hadana banaanbaxaas wuxuu u muuqday in uu noqday bartii uu ku kala wareegay Ilich,  gaar ahaan xariirkii uu la lahaa tusaaleeyaasha siyaasada. Khamri iyo naagu uu ka hor mariyay wax barashadii Ayaan keentay maamulkii jaamicada Patrice Lumumba ay cadaadis saaraan ka dib markii uu ka hoos maraya buundooyinkii laga filayay ardayda xisbiyada.

Mar kasta khilaaf ayaa ka dhex taagnaa asaga iyo maamulka, wuxuuna dhibsaday codsigoodii ahaa in uu yareeyo la socodka naagaha, tumashada xafladaha, iyo baararka markaas ayuu bilaabay in uu la socdo ardada carabta oo badankood falastiiniyiin yihiin oo uu ayaga aad uga helay, xilligaasna waxay ahayd laba gu’ ka dib dagaalkii lixda maalmood ee Carabtu ku guuldaraysatay, Falastiiniyiintana waxaa ka go’nayd in ka guul keenan weererada Fidaa’iyiintu [komaandooskooda] ku qaadaan gudaha israa’iil ayaga oo ka duulaan tagayay dlka Urdun.

Waxay aad ugu riyaaqeen iska hor imaadkii loo yaqaanay dagaalkii Karameh, ee

ka dhacay dooxada Urdun Maarso1968, koog israaiiliyiin ah, oo raad raacdo ku joogta oo gudbaysa soohdinta ayaa waxaa soo gaaray khasaare xoogan ka dib markii qayb kumadoos ah, oo ay ka gees dagaalamayaan ciidan Urduniyiin ah oo ka amar qaadaynayeen ay weerareen, dagaalkaas wuxuu in badan bid u soo celiyay karaamadii carabta.

Inta badan falastiiniyiintii dhiganayay Patrice Lumumba, waxay ahaayeen kuwa ku yimid darajada labaad ee jaamicada Kadib markii ay soo qalin jabiyeen jaamicadaha, Suuriya, Ciraaq , iyo Masar.qaarkoos qarsoodi kama dhigin in ay ka tirsanyihiin ururo dagaalyahaniin, xataa kuwa aysan Mookoow taageerin sida jabhada xoraynta shacabka xoraynta falastiin (PFLP).

qaarkood waa u soo mintideen in ay jaamicad soo gaaraan waxayna ka yimaadeen xeryaha qaxootiyada ee ay maamusho (UNRWA). Badankoodna waxay ahaayeen caruur cido dabaqad dhexe ah oo soo dagay dalalka carabta ka dib markii ay ka soo qaxeen guryahoodii dagaalkii carabta iyo israa’iil 1948,

waxayna ka soo bara kaceen, Xayfa iyo jafaa, tan iyo caruurnimadoodii waxaa la tusayay sawiro iyo furayaashii guryaha laga soo xaqay, faah faahin wanaagsan ayay ka bixin karaan, geedihii, masaajidyadii, kaniisadihii, aysan waligood arkin, waxaa dareemaysaa in dhamaantood ay qabaan hiloow si ay u hantiyaan dhaxalkoodii laga soo tagay, wixii intaas ka soo harana aysan wax macna ah la lahayn.

Falastiiniyiintii waa ay xamaasad galiyeen Ilich, dagaal jabhadayn oo dhab ah ayaa ka socday dhinaca kale ee dhiiqada iyo biyaha cas ee Urudun tan iyo Libnaan, qaar ka mid ahaa dhallinyaradaan waa ay ku dhinteen jabhadayntaas, ayaga qudhooduna waxay u carcar qabeen shahiidnimo, sida Ilich oo kale waxay rumaysnaayeen, waxa kaliya ee macna samaynaya ay tahay xabada.

La soco

Diyaariye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

alishka5@gmail.com  website  https://akhri.so/

Leave a Reply