Fiidnimadii ku xigtay Fujiwara asaga oo aqalkiisa kaligiis jooga, shaki la’aana ka fakarayay wixii soo qabsaday iyo duushadii loo afduubay, ayuu hal mar dareemay xanuun nab ah oo dhexqaaday dhagahiisa iyo faraha foodooda, wuxuuna dareemayay in uu sii suulayo oo garaadku ka sii tagayo, si aan la sheegi Karin ayaa gacantiisii midig nolol ayada u gaar ah soo gashay markii jirka intiisii kale dansanaa oo qalin meesha yaalay soo qaatay oo wax ku xar xariiqay waraaq, waxaana ku xigay cod madaxiisa ka dhex yeerayay oo leh,
“markii xeeradu ku dagto buurta dusheeda, imoow oo soo fuul kaligaa”
Indhaha maskaxdiisa ayuuna ka arkay ayada oo muuqaal ah halka la yiri imoow, markaas ka dib xaniinkii ayaa si dhaqsa ah u daayay, Fujiwara oo gariiraya ayaa eegay wixii uu gacantiisa ku qoray bals halna waa ka garan waayay.
Beer lihii waxay ula muuqatay meesha codku u sheegay in ay ahayd meel u dhow buurta Nikoro, in kasta oo wixii qabsday uu ka sii baqayay hadana wuxuu dareemayay in ay qasab tahay in uu aado arkana waxa dhaca, wixii uu u baahnaa ayuu urursaday laba ninna horay ayuu usii watay waana dhaqaajiyeen, asaga oo aan hubin waxa ku sugaya fiintaas buurta ee cidlada ah, Fujiwara kaligiis ayaa aaday halkii uu muuqaalkeeda maskaxda ka arkay asaga oo labadii kale ka hareen, waxaana sugayay xeeradii oo wada iftiimaysa, waana uu fuulay asaga oo buuq iyo dagaal midna kicin, sida muuqatay markii uu fuulay cirka soo dhacyadii waxay duullimaad ugu qaadeen waqalka [dhulka ka bannaankiisa, space ka] dhulka iyo dayaxa ayay laba jeer ku soo wareegeen, intaasna waxay ku qaadatay hal saac wax dhan waaa sada uu is yiri asaguye, markii ay ka soo laabteen socdaalkii dawashada haa beera lihii miyirka ayaa ka tagay, waxayna dhigeen oo uga tageen buurta dhinaceeda si saaxiibadiis ay u helaan.
Tanise dhamaadkii ma ahayn, oo Fujiwara wuxuu sheegay socdaalkii u danbeeyay ee uu galay in uu ka helay awood uu walxaha ku nuuxiyo asaga oo aan taaban oo qaadooyinka ku laabi karo, sodaalkaas wuxuu ahaa Abriil 13, 1974, markaan waxay galeen socdaal dheer oo ay ku soo mareen meerayaasha, Jupiter, sidoo kale dayaxa Saturn, iyo Titan mid noolihii waday ka mid ah inta dagay Titan ayuu dhagax haddiyad ahaan uu kaysado uga keenay.
Dhagaxii maldahanaa muran badan ayuu dhaliyay, waxaana loo diray dhagixii culumo saynis yahanno ah, balse jawaabtii ay soo celiyeen waxay ahayd in dhagaxaan uu la mid yahay dhaxaanta godka Kitami, taansa ceeb ayay dusha uga riday Fujiwara iyo sheekadiisii yaabka lahay.
Balse isla xilligaas Fujiwara wuxuu isa siiyay ama isku magacaabayay ninka dhulka u fadhiyo oo wakiil u yahay [ururka isku yaarida waqalka] wuxuu sheegaty in awoodiisii sii korortay, una suurto galisay in uu walaxaha ka dhigo in ay hawada dhexe heeheebaan, in uu saadaalin karo musiibooyinka dhici doona, iyo in uu iskaga gooshi garo masaafooyin dheer oo uu yiri
“ waxaan u socdaali karaa xiddig noo jirta 250 milyan oo xawaaraha iftiinka ah oo aan ku tagi karaa muddo aan ka badnayn lix daiiqo, sidoo kale howshaydu waxaa weeye in aan daahiyo misiibooyinka waaweyn sida dhul gariika iyo folkaanaha”
Wuxuu sheegtay in uu dhulka iskaga gooshi karo si uu u joojiyo qaraxa folkaanaha iyo in uu isku soo jiidi karo oo isku celin karo lakabyada dhulka si aan dhul gariir u dhicin,
Waxoo dhanba waxay u muuqdeen been aan maanka galayn, balse saynis yahan Jabaaniss ah oo la yiraahdo Ninichi Arai, ayaa keenay caddaymo in sheekada Fujiwara wax ka jiraan, waxa uu soo helay dad badan oo aaggaas daggan oo aan Fujiwara aqoon u lahayn oo ayaguna sheegay in ay cirka ku arkeen iftiinkaan yaab kaleh isla xilligii Fujiwara sheegay, qaar kale waxay sheegeen in ay goob joog u ahaayeen awooda maskaxeed ee uu leeyahay, taasna waxay garab siinaysay sheekadiisa yaabka leh, ma quruumo kale ayaa ka yimid dhul kale mise wuxuba been abuur ayay ahayd? Ma waxbaa ka jira sheekadaan mise Fujiwara wuxuu ahaa qof aan maskadiisu fadhin oo aan markhaati galin? Waa adagtahay si loo ogaado, balse waxaan la qoon oo aan run iyo been toona la xaqiijin Karin oo dhan ayaa iska ah ha socoto.
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina
DHAMMAAD
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Leave a Reply