AF DUUBKII CIR KA SOO DHACA-Q-1

 

 

Afduubkii cirka soo dhac [aliens] ama noolaha waqalka [space] ka yimaada ay gaystaan kii ugu yaabka badnaa oo si loo rumaysto ay adkay wuxuu bilowday arootii, 6dii Abriil, 1974, wuxuuna ka dhacay magaalada Kitami ee dhul beereedka ah, ee Jabaan, aroor hore oo mugdi ah ninka beeraleyda ah ee la yiraahdo Yoshihiro Fujiwara ayaa sariirta ka soo booday, waxaana riyadii uu ku jiray ka kala gooyay qof si kadis ah albaabkiisa u garacaya iyo eeygiisa oo banaanka ka qaylinaya. Goobta oo ah dhul beereed go’doon ah oo meel dadka ka fog u taal, waxay ahayd wax aan caadi ahayn in la soo booqasho cidi u timaado 3da aroornimo, Fujiwara waxaa ka sii careysiisay markii hore asagaoo  u malaynayay in ay yihiin waxa illinka garaacaa caruur meela wareegaysa. Ma jiri wax kale uu ugu fikiro in aqalkiisa yaraka ah ee uu nabada ku joogo ay jiri karan in ay ku soo garaacan xilligaa caruur edeb daran maahine.

Dhinicii illinka inta u boodayn ayuu alaabkii furay, balse wuxuu arkay waxay ahayd wax noloshiisa badalay. sidaas waxaa ku bilawday sheekadii ugu yaabka badanay ee Jabaan ay waligeed aragtay oo ku saabasan booqashooyinka cirka soo dhaca, [UFO]

Waxaa taagnaa meel mugdi ah aroornimadaas  noole soo habaabay oo dhererkiisu 1 mitir ahaa oo xidhnaa dhar cad oo u muuqdya inuu ka sameysan yahay walax aan muuqa qarin, wuxuuna lahaa muqaal bani aadam qabdaran, oo sida ninkaan markhaatiga ah sheegay gadaal danbe nooluhu wuxuu u ekaa isku jir bani aadam iyo kalluun, oo leh afar farood, madax farabadanta badda u eg oo koofi ku jirto, indho jeexniin dheer, san u eg qaabka xarafka V, maqaar khafiif ah oo bunni iyo midab kale oo isku jira ah oo u eg kan raha,  laba lugood leh ayuu ku istaagnaa, wax dhaq dhaqaaq ah ma uusan samaynayn, kaliya koofidiisa yaabka eh, laba anteeno oo ka taagan ayaa guux bixinayay, danab la arkayana siidynayay

Beerlihii fajacsanaa iyo noolihii sidaa ayay isku hortaagnaayeen oo is eegayeen uun, laga yaabee in midba kan kale la yaabanaa, aamusnaantii waxaa kala tuuray markii noolihii uu wax u eg laan dhuuban cirka u taagay , waxaana ku xigay iftiin aad u xoog badan oo carradii oo dhan qabasaday, abuurayna kulayl aad u badan, ninkii beeraleyda ahaana baqdin darteed ayuu gadaal guriiga ugu carary oo illinkii soo xirtay, dariishada markii uu ka soo fiiriyaya waxuu arkayay in iftiinku jaalle xigeenka ah ee xoogga badan uu ka imaanayo walax xeero oo kale ah oo dhirir jeeda ilaa 8 mitir.

Haddii Fujiwara uu is lahaa gudha aqalka iyo dariishaada uu wax daawanay waad ku nabad galaysaa, waa uu qaldanaa, si kadis ah ayaacagahiisi horay loogu dhiftay, waliba si awood badan ku jirto, markii hore dhulkaa loogu jiiday si uu la yaabay, ka dibna asagii dhan ayaa dhulka ka go’ay oo meel dhexe heehaabay ka dibna sidii gamuun dariishadii uga baxay una sii haaday dhinicii xeerada iftiinku ka imaanayay, si xawaare sare ah ayuu ugu sii xiimayay dhinicii walaxda oo aad is leedhay amay isku dhacaan, balse intii uu ku dhici lahaa birta kore ee xeerada, wuxuu dareemay in darbiyadu soo jiidanyaan waxuuna is arkay asaga oo sakxadii xeerad ee gudaha yaal,

Gudaha duushadu wuxuu ahaa midab buluug furan ah, darbiyadeeda waxa ku qornaa far uu beeraaluhu waxba ka garan waayay, waxaana ka soo karayay ur qudhmoon oo uu ku dawaqay, markaas ayay ahayd markii laba noole oo kii hore u eg sidii ay mataamo yihiin illinka si ka cabsiisay uga soo galeen oo si dareen maskaxeed ah ayaga oo aan hadlin ugu yiraahdeen

“Halis ma jirto, waan kuu ballan qaadaynaa in aan gurigaagii kugu celinno”

In kasta oo ay  dajiyeen haddana labadii noole si xoog leh inta u qabteen ayay dhulka ku celiyeen, baqdintii inta ka tagtay Fujiwara ayaa naftiisii u sheegtay in uu is bad baadiyo, inta kala tuuray labadii ayuu orod is qaaday oo illin furan dalaq yiri, hawa cidla ah ayuu u baxay wuxuuna ku soo dhacay dhulkii, Ayaan wanaag dhulku wuxuu u jiray saddex mitir oo qudha.

Fujiwara wuxuu aqoonsaday halka uu joogo in ay ka fogtahay 3 kiilo mitir meeshii laga soo qaaday, si waalli ah ayuu u orday oo u cararay qof uu yaqaanay oo meesha ka dhow, markii uu tagay aqalkii ninka uu yaqaanay ayuu ogaaday in ay hal saac oo dhan ay ka soo wareegaty markii loo qaaday xeerada duusha, oo asaga waxaymula muuqatay in ay ahayd daqiiqado uun, in kasta oo wixii uu soo maray ay qarracan ahayd, haddana Fujiwara waa uu qaboobay oo dagay haddiiba laga soo gudbay wixii ku dhacay, gurigiisii ayuuna ku laabtay asga oo dhacdadaan sidii waxaan dhicin uga soo qado ka baaran dagaya, balse nin war hayay maahan, howshii weli ma dhamaan.

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Leave a Reply