Waxaa jira in dad baan oo gaalo ah ay rasulka wax ka sheegaa taas oo keenta buuq iyo dhibaato ka hex dhacda muslimiinta iyo gaalada, balse waxaa is weydiin mudan xagee gaaladu ka keeneen warakaas ay meelaha wareejiyaan, sida rasuulku waa sinaysan jiray, waa galmo jeclaa, dad dilaa ayuu ahaa, iwm, dhabtu waxay tahay waxay ka arkeen itaas iyo in kale kitaabda muslinka, tusaale, حدثنا أنس بن مالك قال: كان النبي صلى الله عليه وسلم يدور على نسائه في الساعة الواحدة من الليل والنهار وهن إحدى عشرة، قال: قلت: لأنس أو كان يطيقه؟ قال: كنا نتحدث أنه أعطي قوة ثلاثين، وقال سعيد عن قتادة: إن أنسا حدثهم تسع نسوة”(البخاري : الغسل ؛ إذا جامع ثم عاد، ومن دار على نسائه في غسل واحد)
Xasiith kaan wuxuu leeyhay rasuulku naagihiisa sagaalka ah hal saac ayuu isku mari jiray oo awood galmo oo 30 nin ayuu lahaa, halkaan gaaladu waxay ka qaateen in rasuulku yahay nin galmo, tan kale ma jiraa nin naga mid ah oo raali ku ah in laga sheekeeyo galmadiisa iyo xaasakiisa iyo in uu waali ku qabo galamada oo uu yahay [maniac],
روى الإمام أحمد في مسنده من حديث ابن عمر رضي الله عنهما: أن النبي – صلى الله عليه وسلم – قال: «بُعِثْتُ بَيْنَ يَدَيِ السَّاعَةِ بِالسَّيْفِ حَتَّى يُعْبَدَ اللهُ وَحْدَهُ لاَ شَرِيكَ لَهُ، وَجُعِلَ رِزْقِي تَحْتَ ظِلِّ رُمْحِي، وَجُعِلَ الذُّلُّ وَالصَّغَارُ عَلَى مَنْ خَالَفَ أَمْرِي، وَمَنْ تَشَبَّهَ بِقَوْمٍ فَهُوَ مِنْهُمْ»
هذا
Markii ilaahay yiri rasuulka waa naxariis bani aadam ka loo soo diray, xaddiiskaan si kale ayuu nabiga u muujiyay oo aan ahayn tii alle noo sheegay, seef ayaa la ila soo diray iyo irsaaqadayd waxay k jirtaa warankayga hooskiisa ama caaradiisa, gaalkii hadda xadiiskaan arka muxuu is oranaya? Aaway nabigii naxariista ahaa ee loo soo diray insi iyo jinni, gaalkuse markii uu arko xadhiithkaa sidee ayuu u qaadan.
Culumada islaanku dhamaan waxay isku raaceen in rasuulku uusan qabin ama nikaaxsan maariya al qudubi, xaaskiisii u dhashay wiilka ibraahim, balse ay u ahayd adoon uu haysto oo uu ku raaxysto, kitaabka siirat al xalabi asagu intaas waa ka daray oo waxaa ku qaran in rasuulka oo maarya kaga sinaysanaya sariirt xaaskiisa xafsa ayaa aydii u soo gahsya oo ay xanaaqday…… ka fiiriya السيرة الحلبية م2 ص215
Ilaahay quraankiisa wuxuu ku yiri, وَأَنكِحُوا الأَيَامَى مِنْكُمْ وَالصَّالِحِينَ مِنْ عِبَادِكُمْ وَإِمَائِكُمْ إِنْ يَكُونُوا فُقَرَاءَ يُغْنِهِمُ اللَّهُ مِنْ فَضْلِهِ وَاللَّهُ وَاسِعٌ عَلِيمٌ iyo aayad kale وَمَن لَّمْ يَسْتَطِعْ مِنكُمْ طَوْلًا أَن يَنكِحَ الْمُحْصَنَاتِ الْمُؤْمِنَاتِ فَمِن مَّا مَلَكَتْ أَيْمَانُكُم مِّن فَتَيَاتِكُمُ الْمُؤْمِنَاتِ ۚ وَاللَّهُ أَعْلَمُ بِإِيمَانِكُم ۚ بَعْضُكُم مِّن بَعْضٍ ۚ فَانكِحُوهُنَّ بِإِذْنِ أَهْلِهِنَّ وَآتُوهُنَّ أُجُورَهُنَّ بِالْمَعْرُوفِ مُحْصَنَاتٍ غَيْرَ مُسَافِحَاتٍ وَلَا مُتَّخِذَاتِ أَخْدَانٍ ۚ فَإِذَا أُحْصِنَّ فَإِنْ أَتَيْنَ بِفَاحِشَةٍ فَعَلَيْهِنَّ نِصْفُ مَا عَلَى الْمُحْصَنَاتِ مِنَ الْعَذَابِ ۚ ذَٰلِكَ لِمَنْ خَشِيَ الْعَنَتَ مِنكُمْ ۚ وَأَن تَصْبِرُوا خَيْرٌ لَّكُمْ ۗ وَاللَّهُ غَفُورٌ رَّحِيمٌ , labaaas ayaadood sida kuwa kale oo quraanka ku jira waxaa ku cad oo alle ku yiri guursada adoomadiina oo fasaxa ehelkooda ku guursada oo xaqooda siiya, ma dhici kartaa rasuulkii ugu sharaf badnaa ugu anshax iyo wanaag badnaa intii alle abuuray in aayadahan ku soo dagay uu garab mari lahaa oo amar eebe diidi lahaa oo naag uusan qabin ugu tagi lahaa, waa adoon waa kuu banaan tahay asaga oo mar marsiyo ka dhiganaya ilaahay amray in la guursado, waa maya oo rasuulka kama suuroowdo in uu amar alle diido, wadaada inta badan aaydahaan iyo kuwa la mid ah waxba kama aysan soo qaadin oo waxay ku adkayteen in maariya ay ahayd adoon rasuulku u galmoodo uun.
Is weydiintu waxaa weeye annagii ayaan rasuulkeena sharfayn ee sidee u doonaynaa in gaal sharfo, kitaabadeenii ayay ka buuxaan boqolaal qoraal oo rasuulka dhibaataynaya, ay ku leeyihiin waa uu waashay oo muddo ayuu waalnaa oo asaga oo xaaskiisa u galmooday ayuu u malayn jiray in uusan u galmoon oo ku noqon jiray, waxay ka hadlaan waa noloshii gaarka ahayd rasuulka iyo xaasakiisa, sidii uu ugu galmoon jiray siduu u dhuuqi jiray iwm, saacadaan la joogana ma jiro nin doonaya in laga hadlo ama la ogaado sida asaga iyo xaaskiisu u raaxaystaan, marka sidee ugu dhiiradeen wadaadadu in ay ka hadlo cirdiga rasuulka oo in kooda laga hadlo ay xaraam u tahay.
Waxyaaba badan ee dhibaataynaya rasuul iyo asxaabta iyo aqalka rusuulka waa in laga dhowrsadaa laga hor yimaadaa, ee maahan in aan faafino oo beentaas ay gaaladu ka faa’iidaysato oo ku dhibaatayso rasuulkeena.
Rasuulku wuxuu yiri, qofkii naftiisa sharfa ayaa shariif ah, rasuulkeena aan sharafno si dadyowga kale u sharfaan.
diyaariye
Suldaan Cali Adam Americo
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply