waxaan sii joogay magaalada Baqdaad anigoo wasaarada kasugaya awaamir ah in aan kusugnaado Ciraaq iyo in aan ulaabto Landan, dhab ahaan tii waxaan aad urabay in aan kulaabto Landan maxaa yelay in aan lakulmo xaaskeygii iyo wiilkeygii Raasbutin oo ahaa indhaheyga nuurkooda waraaqadihii aan sii dhiibay ayaan waxaan wasaarada ugusiiqoray in ay ii ogalaato in aan soo laabto mudo gaabanba ha ahaatee si’aan sirtooda uga warbixiyo iyo sidaan usoo nasan lahaa dhab ahaantii waxa igu dheeraaday safarkii aan u safrayey Ciraaq waxa uuna igu qaatay muddo sadex sano ah.
Waxa uu iguyiri wakilkii wasaarada ee ku sugnaa magalada Baqdaad waxa uu yiri ninyahow wax hadal ah ha igu soo celin, waxaad qol ka kiraysataa guryahay ku teedsan wabiga Dijle, si’aan waxa shaki ah aan iigalin waxa uu yiri mumatilkii kolay waa uu kuu warami doonaa markii ay war bixin ugatimaato magaalda Landan.
Waxa aan arkay maalmihii aan joogay in uu khilaaf wayn u dhexeeyo xarunta xukuumada ee Istanbuul iyo Baqdaad run ahaantii waxa aad uga walwalay maalmihii aan ka soo tagayay Basra oo aan soo aadayay Karbala iyo Najaf Muxamed Cabdi Wahaab xaaladiisa, waayo waxa aan islahaa si dhab ah ugama aad leexin wadadii xaqa ahayd wadadii aad u jideysayna ma uu qaadi doona maxaa yeelay waxa uu ahaa nin is bed bedel badan oo qabyaaladaysta ah.
Waxa aan aad uga cabsanayay hidi diilihii aan ka lahaa ninkaa markii aan kasoo tagayay waxa uu jeclaa in uu aado Istanbuul balse waan u diiday oo waxa aan ku iri war ninyahaw waxa aan ka baqayaa in aad aragto shay khalad ah balse ayagu ay wanaag u arkaan in aad ka hadeshid kadibna ay ku dhahaan gaal baad tahay oo ay ku dilaan,
waxaan kale oo kacabsanayay hadii uu halkaa tago in uu lakulmo culimo markaasna ay ka toosiyaan waxyaabaha khaldka ah oo ay uceliyaan wadadii toosnayd ee ahlu sunnaha markaasna ay burburaan dhamaan u jeedooyinkeygii aan ninkaan ka lahaa maxaa yeelay Istaanbul waxa yaalay aqoon aad ufara badan iyo dhaqanka Islaamka ee aadka u wanaagsan.
Markii aan arkay in uu san doonayn in uu ku sii nagaado magaalda Basra waxa aan kula taliyay in uu aado magaalooyinka Isfahaan iyo Shiiraas, labadaasi magaalo waa laba magaalo oo aad uqurux badan, waxaa daganaa Shiico sidaa darteed waxa aan suurta gal ahayn in Shiicadu wax saameyn ah ay ku yeelato Muxamed Cabdi Wahaab waayo Shiicadu wax cilmi iyo dhaqan wanaagsan ah ma hayaan waxaan dhibaato iyo qabyaalad ahayn kuma fikiraan dhab ahaantii waxa aan aaminsanaa haduu magaalooyinkaa tago wadadii aan rabay in uu ku sugnaan doono.
Markii aan kala taliyay ayaan waxaan ku iri ma aamin santahay waxa la yirahdo isqarxinta waxa uu yiri haa waxaa isqarxiyay mid kamid ah asxaabta rasuulka Calayhi Salaam, waxa aan u maleynayaa in uu yiri saxaabigaas waxa uu kamid ahaa asxaabta markii ay jir dileen mushrikiintu oo ay dileen aabihiis iyo hooyadiis ayuu wuxuu muujistay shirkinimo arrintaa waxaa usugay rasuulka.
Waxa aan ku iri hadaba iska qari Shiicada hana u malaynin in aad kamid tahay ahlu sunnaha si aysan kuu dhibaateen dhulkaagana aad ugu raaxaysatid una soo baratid dhaqamadooda iyo madaahibtooda maxaa yeelay waa dad jaahiliin ah oo madax adag markii aan ka soo tagayay waxa aan ku sagootiyay xoolo aan ku magacaabay Zako, zakadu waa canshuur islaami ah oo Islaamku iska qaadaan dhexdooda waxa ayna ku bixiyaan danahooda guud.
Waxaan kale oo aan usoo gaday gaadiid si uu ufuulo waana u hadiyeeyay waan ka tagay laga bilaabo xilligii aan kasoo tagay.
Magaranayo xaaladiisa meel ay ku dan beeysay waxa aan aad uga walaacay ninkaa xaaladiisa, waxa aan ku balamay in aan dhamaanteen isugu nimaano magaalada Basra hadii midkeenii soo laabta uusan saxiib kiis helin in uu waraaq u dhiibo Cabdi Ridaa
Muddo dheer markii aan ku noolaa magaalda Baqdaad wasaaradu waaxa ay amar igu siisay in’aan imaado, magaalada Landan xageed ayaan usoo kici timay waxa aan kulama la qaatay xoghayaha iyo xubno ka mid ah wasaarada.
Waxaan uga warbixiyay wax yaabihii aan soo arkay iyo wixii aan soo qabtay intii aan ku jiray safarkii dheeraa waxa ay si’aad ah ugu farxeen warbixinadii aan kasiiyay wadanka Ciraaq aad ayeyna ii gu mahad celiyeen.
Horay ayaa waxa aan ugu soo diray warqado aan ku faahfaahinayey mudadii aan safarka ku jiray.
Waxaa kale oo aan dib ka ogaaday gabadhii la oran jiray Safiyo ee uu la tuman jiray Muxamed Cabdi Wahaab in ay soo dirtay warbixin la mid ah warbixntaan, waxaan kaloo ii cadaatay xoghayaasha wasaardu in ay iga qoreen war bixin wanaagsan ayna rumaysteen warbixinnadii aan soo siiyay.
Xoghaya ayaa si gaar ah iila balamay in aan la kulmo markii aan ku booqday xafiiskiisa si aad ah ayuu ii soo dhaweeyay, waxa uu iisoo dhaweeyay soo dheween ka sareeysa markii aan ka imid magaalada Istanbuul, waxaa kaloo ii cadaatay in aan qalbigiisa ku mashquuliyay meel ku haboon wasiirka.
Wax uu ii muujiyay farxad aad u wayn sida aan u marin habaabiyay Muxamed Cabdi Wahaab waa baadidii ay doonaysay wasaarada Ingiriiska, waxaa uu yiri hawlgalkaaga hadii uu ku gaabnaan lahaa Muxamed Cabdi Wahaab ayada ayaa waxa walba kufilan waxaan umuujiyey in aan ka walaacsanaahay waxaa uu gadaashay noqondoono wasiirku waxaa uu yiri waxaan ku kalsoonahay Muxamed in uusan iska badalin sidii aad uga soo tagtay shaqada wasaarada ayaa lala xiriiriyay magalaalada Isfahaan waxa ayna wasaarada uga warbixiyeen in uusan Muxamed sidii iska badalin.
hase ahaate waxan is iri sideebay u ogaadeen Muxamed xaaladiisa waxaan su’aalo ka waydiiyay wasiirka arrimihiisa waxa uuna ii cadeeyay ninka mid ah shaqaalaha oo isku magacaabay Cabdi Kariim asaga oo doonaya in uu ogaado sirtiisa hoose waxa uu awood u yeeshay in uu helo sirtiisa kadib marka uu lasheekeystay Muxamed Cabdi Wahaab waxa uu yiri gabadhii Safiya waxa ay igadaba timid magaalda Isfahaan laba bilood ayaan la joogay Cabdi Kariim waxa uu ahaa saxiibkiisa oo dagan magaalada Shiraas waxa uu ii diyaariyaya gabar layirahdo Aasiya oo aad uga qurux badan Safiya.
Muxamed Cabddi Wahaab waxa uu gabadhaasi la noolaa noloshiisii midii ugu wanaagsanayd waxa kaloo oo ii cadaatay magaca kale ee Cabdi Kariim in uu yahay magac lasoo caariyaystay oo la dulsaaray mid kamid ah Kiristaanka dagan meesha la yidhahdo Jelfaa oo u dhaw magaalda Isfahaan ninkaasi waxa uu ka mid ahaa shaqaalaha wasaarada Aasiyana waxa ay ahayd Yahuudiyad dagan Shiraas sidoo kale waxa ay kamid ahayd shaqalaha wasaarada hadaba Muxamed Cabdi Wahaab baadi yeentiisii waxa aan ku ahayn afar qof oo kala ah aniga oo ah Hamfarib,ninkii labaxay Cabdi Kariim iyo labadii gabdhood oo Safiyo iyo Aasiyo.
Waxa aan ka rajaynaaa Muxamed Cabdi Wahaab in aan kahelno ujeedooyinkeena mustaqbalka markii aan u warbixiyay wasiirka iyo xoghaya iyo laba xubnood oo ka midah balse aan igaranayn markaa ka hor waxa uu yiri wasiirku waxa aad mutaysatay billada ugu saraysa ee wasaarada maxaa yeelay waxa aad gaartay jaranjartii ugu sareeysay shaqaalaha xoghayihii waxa uu intaa sii raaciyay waxa lagu siin doonaa sirta dowlada qeyb kamid ah oo ku anfici doonta.
Waxa ay abaalmarin iisiiyeen toban maalmood oo fasax ah si’aan u aado xaaskeyga wasaarada ayaan ka baxay aniga oo ku wajahan xaaskayga waxa aan mudo la noolaa wiilkayga yarka ahaa oo aad ka iigu ekaa asagoo markaa hadal barad ah waxa aan mooday qeybka mid ah nafteyda oo soconaysa dhulka si’aan la qiyaasi karin ayaan ugu farxay waxa aan ku sigtay in aan duulo sidii shimbirtii jacayl iga hayo cunigaa dartiis waxa aan ku raaxaystay ehelkeyga iyo wadankeyga waxa aan soo booqday eedadey oo da’ah oo aad ii jacel nasiib wanaag markii aan safarkii sadexaad galay ayeey geeriyootay
aad ayaan ugu faraxsanaa xilligaas maxaa yeelay safarkii sadexaad aniga oo ku jira ayey geeriyootay waxa aan dhameystay 10kii maalmood oo bil midnoqotay hal saac sidaa oo kale ayey maalmaha wanaagasani u dhamaadaan ayadoo aad moodid saacado, maalmaha xunna waxa ay dhamaadaan ayagoo aad moodo qarniyaal waxa aan xasuustay maalmihii aan ku xanuunsanaa Ciraaq halkii maalin waxa ay ila ahayd sanad
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira alishka5@gmail.com ama website ka https://akhriso.com/



Leave a Reply