[Sheeko murug leh]
aan idinka dhex gale aniga dhaqan ahaantayda layma soo barin la shekeysiga raga dumarka walidka ii ah qaba, oo dhaqan hagaagsan oo ixtiram leh aya laygu soo koriyay, sida hablaha soomaaliyeed badnkooda,
“haye adeer” ayaan idhi
inta cabaar amuusna ayu igu yiri
“imisaad jirta?”
waxaaan ku iri
“14 sano’
“waaw” ayu yidhi wuxuna ku daba daray
“si khaas ah baan doonya in aan kuu la hadlo ee eedadaa may jogta?”
sidaas markuu igu yidhi, ayaa eedo qolka ka soo dhawaaqday oo tiri
“naa qofma ayaad albaabka ka furtay”
Intii anan hadal ayuu yidhi
“Waa Aniga ee maxad u qaylin” horay ayuu ii dhaafay oo qolkiisii aaday.
aad baan u naxay, waayo waxaaan darensanaa in wixii uu adeer I waydiyay iyo si khaas baan kuu rabaa kuula hadlo, inay khalad tahay, waayo aniga walid buu ii yahaay, qolkaygii ayaan aaday, bisinkana hoostaan ka waday, hooyaday aya markay yabto aad ugu celcelin jirtay
bisinka allow na badbaadi
Kaso guduub
Habenkaas iska seexday, waxaaanse ku qarwayay eegitaankii adeerkay, aroorti hore ayaan kacay jikadaan galay ,cuntadi aniga oo samaynaya ayaan maqlay sanqadh guriga gudihisa, waaba adeer waa uu ii so dhawaaday, micnaha jikadii aan ku jiray ayu soo galay wuxuna igu yidhi ma ficantahy haa ayaan iri, wuxuu igu yidhi
“dhagayso gurigaan shaqale ayaan keenaya, subax danbena kici maysid, waayo waa kugu dhib, gabadh yarna wa tahay”
“haye adeer, mahadsanid”
“miyaana ku oran adeer hay oran”
intaan xishood daremay ayaan haye idhi, cakuye naftaay hayed badan ha odhan lahaaydaa.
Ka soo gudub.
aan sheekada so dhaweyo iyo halkay u dhimataye, adeer, eedo ninkeedu wuu i wanajiyay, wanaag xad dhaafay, wuxuu I geeyay goob wax barasho, wuxuu I siin jiray lacag aan badankeeda hooyo iyo reerka wax ugu iibin jiray, xata marmar ayu isagu jeebkisa rashin uga diri jiray sidii uu ii sheegay, xataa guriga shaqale ayuu keenay, waxaa jiray habeen xasustayda markay ku soo dhacdo aan aad uga murugoodo, hadii habenkaas la ii soo celin lahaa runti waxaaan ka noqon lahaa ogolanshahada waxkasta oo aan ogoladay, habenkas sida runta ah wa habenka sababay burburka farxadayda gabadhnimo iyo dhalinyarnimadaydi, xataa noloshaydi
Habenkas subaxnimadisii ayay eedo ii sheegtay in ay cawa tagi doonto aroos, marka waxaay igala hadlaysay sidaan uu ilalin lahaa carurta iyo guriga iyadoo ileh,
“adiga iyo inantu isla ilaaliya guriga, adeerna cuntada fadhiga uu geey oo ha soo bixina intuu ka tagayo qolkiisa jiifka”
sida aad idin kuba ila daremaysaan eedo adeer way jeceshahay, xooga yar oo kalsoni darro xagisa ahna way ku jirtaa, eedo haye ayaan idhi, waxaaana la gaadhay habeen, eedna way naga tagtay oo arooskii aaday, waxaana yimid adeer, ani iyo inantii qolkeena ayaan galnay, waana ay ga’maday inantii, mudo 2 saac kadib ah ayuu adeer ii yedhay, cabaar ayaan is dhaga tiray, ugu danbeyna waan kacay oo uu dhaqaqay xaagisa.
Wixii dhacay dhace, awood aan iskga celiayana ma lahayn, hanjabaad iyo xoogintaba waa igu dayay, asna dhurwaa dhayla helay ayuu noqday, dantiisii iga gaaray, muddo ayay socotay awood sheegashadii adeer, ka dibna eedo ogaatay, see wax yihiin iyo wax u dhaceen ayadoo I weydiin ayay booradii banaanka noo dhigtay aniga iyo ilmihii yaraa ee eebe calooshayda ku abuuray, illinkana naga soo xiratay.
Cayda iyo xumaanta iyo af la gaadada ay adduunka ii marisaa iiga sii darnayd, guri uma laaban Karin, aniga oo meel fadhiya oo oynaya ayaa islaan iga waday, ii naxariisatay, buul yar oo aqalkeeda agteetiisa ahaa deg I tiri, hooyo labaad ii noqotay, waxay odhan jirtay
“Ma qaldame waa ilaahay oo kaliya”
Wiil baan dhalay, sidii ayaan hooyadayda cusub ula joogay, fiid ayaan suuqa aaday, markaan soo laabtayna aqalkii oo gubtaan u imid, meydkii wiilkayga iyo hooyana banaanka dadkii u soo baxsheen.
Qarracankii ayaan la duulay, duur gal la noqday, aadmi aaminadiis uga baqay, dugaaggana u weheshadaa, cidlaada qaylo dhaanshaa, qiyaamaha inta alle ani iyo adeer ku sheegii noo kala gar qaadayana, sidaan ayaa tii waallayd la ii oran, sidaan ayaa ilmuhu iiga daba shiri oo ii dhagaxyayn, sidaan ayaa illintu iiga quban,
DHAMMAAD
W/Q
Hibo Axmad Mayrane
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira alishka5@gmail.com ama website ka https://akhri.so/



Leave a Reply