BUUGGA-DHIBBANAHA DHEX JOOGA-Q-10  

 

CUTUBKA-5-AAD

XAMAR

 

 

Xamar oo macnaheedu yahay cassaan ayaa magaalda loogu magac daray maadaama sara cas cas oo badan ku yaaleen, dhul carro cas ahna ay ku taalay, waxaa kale oo loo yaqaan magaca Muqdisho oo asagu ka kooban laba eray oo ah muuqa iyo disho oo markii laysku qabto noqonaya Muuqa- disho, waxaana magacaas ugu yeeri jiray dadkii reer miyiga ahaa oo markay yimaadaan magaalada la yaabi jiray buuqeeda saraheeda iyo jidadkeeda aan indhaha qof baadiye iyo cagaar ka yimid aan   u roonayan, tan ama magaaladan waa muuqa dhisho ama muqaal disho ayay oran jireen, xilliyo badan ka dibna waxay isku rogtay odhaahdii magaca Muqdisho, inksata oo sooyaalka qaar yiraahdaan magacu wuxuu ka yimid Faarisi  oo macnihiisu yahay kursigii boqorka “Maqcad al Shaah” hadana inta badan waxaa laysku racaay in magacu yahay Soomaali ahaana muuqa-disho. Muqdisho ama Muuqadisho waxay ku jirtaa magaalooyinka aadka u fac weyn ee aduunka, laga soo bilaabo faraaciintii waxay ahayd meel ganacsi oo aduunku isugu yimaado waxna   laysku dhaafsado, xamar waa meeshii ay ku dhalatay qarnigii koowaad ilabaxnimadii loo yaqaanay ilabaxnimadii Sawaaxilka, oo koofur  u gaaratay tan iyo Mozambique kuna can baxday hadannimadeedii iyo ganacsigeedii, ahaydna ilabaxnimadii salka u ahayd markii danbe soo bixida afka Sawaaxilga oo asagu ka bilowday magaalada Kismaayo oo koofur u fiday balse aan waqooyi u soo fidin.

 

Ibnu Batuuta, badmareenkii Carbeed ahaana fiqi oo gu’gii 1331 Soomaaliaya yimid qorraalladii oo ka qoray waxaa ka mid ahaa kan oo uu ku yiri:

“Saylac markaan ka soo baxnay shan iyo toban maalmood ayay nagu qaadatay inaan nimaano Xamar oo dad badan ay ku nool yihiin, magaalo weyna ah, waxaana jooogay geel aad u fara badan oo maalintii boqolaal la qalo, markii aan soo gaarnay Xamar waxaa naga horyimid huuriyaal dhallin yaro saaran tahay, ganacsade walba oo soo gaara Xamar wuxuu ku dagaa guriga ninka dhalinyaradaa ee uu martida u yahay, marka laga reebo ganacsatada mar walba timaada oo dadka iyo magaalada yaqaan oo ayagu meeshay raabaan ku daga, marti galiyuhu asaga ayaa alaabta u gada ganacsadaha wuxuu rabana u iibiya, haddii ganacsadahu uu wax ka gato ama wax ka iibiyo qof, marti galiyihii oo maqan beecaas waxaa laga soo qaadayaa mid aan waxba ka jirin, habkaana faa’iido weyn ayaa ugu jiray dadka meesha dagan.

 

Markii dhallinyaridii ay doontii soo fuuleen ayaa mid ii soo dhawaaday kolkaas ayaa raggii ila socday mid ka mid ahi ku yiri, ninkan ganacsade maahan ee waa Fiqi {sheikh}, ninkii dhallinyarada ahaana wuxuu si kor ah ugu sheegay raggii kale {ninkan qaaliga ayuu marti u yahay}, waxaana ku dhex jiray dhallinyarada nin ka mid ah ragga  Qaaliga oo qaaligii u soo sheegay imaatinkeena, Qaaligiina wuxuu soo istaagay xeebta asaga oo qaar ardadiisa ka mid ahi la socdaan, mid ka mid ahna waa uu ii soo diray, markii aan soo dagnay oo aan u nimid aniga intii ila socotay waan salaannay, asaga iyo intii la joogtay ayaguna waa na salaameen, ka dib wuxuu yiri

“Bismillaahi, in mariya shiikhaan u tagaynaaye”.

“Suldaanka magciisu wuxuu ahaa Abuubakar, wuxuuna ku hadlayay afkiisa Banaadiriga ah inkastoo uu yaqaanay afka Carabiga.

 

saddex maalmmod markaan joognay oo cunno sadex jeer maalintii naloo keenyay ayaa maalin afraadii oo Jimce ahayd aan aadnay Masaajidka, markii suldaankii na tujiyay oo uu soo baxay waan salaamay asna waa uu i salaamay, dacas meesha yaal ayuu gashtay ana ii sheegay inaan mid kale oo meesha yaal aan gashto waxaana u dhaqaajinay dhinaca aqalkiisa anaga oo lugaynayna, dadka intiisa kale waa caga cadaayeen, waxaa suldaanka madixiisa korkiisa ahaa dallad afar gees leh oo gees walba shimbir dahab ah ay ka lulato, martiqaadkii qasrigu markuu dhamaaday dhamaan waan salaanay suldaankii kana soo tagnay, Xamar waxay lahayd maamul leh boqor, wasiiro, la taliyayaal iyo dhamaan adeeg dowladnimo”.

 

Qarnigii shan iyo tobnaad bad mareenkii caanka ahaa Vasco DaGama wuxuu qoray in Xamar ay ahayd magaalo weyn oo ay ku yaalaan saro waaweyn oo ilaa shan dabaq ah, waxaana ka muuqday munaarado Masaajidyo oo badan.

 

Qarnigii lix iyo tobnaad Duarte Barbosa oo ahaa sarkaal Bortiqiis ah wuxuu sheegay in boqrtooyadii “Cambaya” ee hadda loo yaqaan Hindiya ay doomahoodu aad u imaan jireen Xamar ayagoo sida dhar iyo xawaashi, ayaguna gadan jireen oo dib u qaadi jiray dahab, fool maroodi iyo xabag, wuxuu yiri waa meel aad ay u buuxaan hilbaha, qamadiga, masagada, miraha iyo farduhuba, sidoo kale Giriigii iyo Roomankii waxay Xamar u yaqaaneen Sarpion waxayna sheegeen in ay ahayd magaalo ganacsi fiican ka soco, waxaa la filayaa in magaaladii Sarpion ee hore ay ku taalay koofurta Xamar meel hadda laga helay lacagtii Roomanku adeegsan jiray.

 

Yaqur al Xamawi, sooyaal aqoonkii suuriyaanka ahaa wuxuu sheegay in dhulka la yirihaado “Bilaad al Berber” dhulkii Berber-ta oo ah magac Carabtii hore u taqaanay xeebaha Soomaaliya siiba Xamar ay daganaayeen dad madow oo berber ah horumar dhaqaale oo xoog lehna sameeyay, ganacsina la leh aduunka inta badan, Carabta, Hindiya, Yurub iyo Shiinaha oo 1416 xamar ay danjirayaal u dirtay boqrtooyadii Ming dynasty Ee shiinaha oo xariir wanaagsan ka dhexeeyey.

 

Xilligii gobonnima doonka xamar waxay ka mid ahayd meelihii ay ka bilaabtay dhinblihii gumeysi diidka oo ururo ka abuurmeen sida SYL iyo kuwa kale oo dagaal af iyo adin ah ba la galay gumaysiga, Talyaaniga markii lagu jabshay dagaalkii laayaad oo ingriisku dalka qabsay

waxay Ingriisku fuqsadeen oo tareenkii isku xiri jiray xamar iyo jowhar oo afgooyi sii mari jiray oo la dhisay 1914kii ayagoo Soomaaliada ugu darnaanayay.

 

Tan iyo burburkii laga soo gaaro magaalada Xamar waa sii dhismaysay waxayna ka mid ahayd magaalo madaxyada Afrika kuwa ugu qurxoon iyo tan ugu nabad badan, waxaa ku yaalay carwda ugu weyn ee Afrika oo dhan, markii ay burburaysay Xamar waxay ahay magaalada ugu badan ee qalabka electronic lagu gado Afrika, warshado aan qiyaas lahayn ayaa ku yaalay, intaasna waxaa u sii dheeraa bilicda magaalada.

 

Kadiye iyo Warfaa oo aan midna midka kale la hadlin oo murug foolashooda ka muuqto ayaa fatuuradii galay oo dhaqaajiyay, Warfaana uu dib u soo jalleecayo arrigii banaanaa ee saraha laga rartay.

La soco…….

W/Q Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

Leave a Reply