Carraaba waxa aroor hore ah garaadkeeda kusoo dhacay fikrad saameyn xooggan nolosheeda ku yeelatey! Tolow maxay ahayd fikraddaasi?! Fikrad maankeeda gilgishey. Daba iyo dacal, kal iyo hoosba. Mar naxdin iyo uur kutaallo weyn ku noqotey. Marna farxad iyo raaxo la noqotey. Waase ku dhici weyday dharaarihii hore oo dhan. Aad ayay uga labbo labbaysay! Marnaba waa u cuntami weydday intii hore fikraddaasi. Ugu dambeyn se waxa ay is tidhi “Calool adeyg waa lama huraan”.
Carraaba waxa ay goor fiid ah, oo lamid ah fiidkii ay leexada keligeed ku raaxeysanaysay, ee ay joogtay qasrigii aabbaheed Baasaweyne. Ayaa ay daaqadda qolkeedii oo ku yaalla dabaqa seddexaad ee qasriga koonihiisa ay furtey. Si badheedh ah, oo aan ka laalaabasho lahayn ayay isaga soo xoortey!! Waxa ayna ku dhawaaqeysay weedho aad ay ula fajaceen jinkii qasriga joogey oo dhan kana mid ahaayeen:
“Xorriyaddu waa farxadda nolosha!”
“Adduun jeel ah, waxa dhaama dhimasho aakhiro!”
“Dhimashadu waa xorriyadda buuxda, ee kama dambeysta ah!”
“Marnababa kuma soo noqon doono cadaabta sidan ah!”.
DHAMMAAD
W/Q Cabdifataax Barawaani
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/



Leave a Reply