Saacadu markii ay garacday bartamihii habeenkii u danbeeyay ee 1972 dii oo carabadeeduna usii gurguuranayeen daqiiqadii 1-aad ee Sanadkii 1973-dii waxaa ka jiray Magaalada Qaahira farxad iyo damaashaad weyn, in kastoo ay jirtay caro dadweynuhu qabay gaar ahaan dhalinyarada iyo ardayda ayagoo diidan xaalada dagaal la`aanta iyo nabad la`aanta ee dalku ku sugnaa, iyo dhulka Masaarida laga haysto oo ay Israa`iil xassuuq ka waday, waxayna la yaabanaayeen sida daganaansha ah ee ay arrinta u wadaan hoggaamiyayaasha siyaasaddu.
Si kastaba dabaaldaggu habeenkaas waa socday, xafladaha muusigga,nalalka guryaha dhexdooda ka shidnaa ayaa ka soo baxaayay dariishadaha.
Laakiin dhismaha sirdoonka Masaarida waxaa ku kulansanaa niman kale oo sabab iyo u jeedo kale ugu kulansanaa.
Mudo markaas laga joogay hal gu’ ayaa waxaa soo gaaray sirdoonka Masaarida warar sheegaya hab difaac cusub ee Israa`iil oo halis ah oo ay ku samaynayaan kanaalka suweys oo ay ku talagalayaan inay ku joojiyaan soo gudub kasta oo ay isku dayaan ciidamada Masaaridu, inay kaga soo gudbaan kanaalka iyo xariiqda baarleef oo ku caanbaxday inay tahay xariiq difaac tan ugu adag ee taariikhda soo martay.
Inkastoo wararkaas laga helay meelo lagu kalsoon yahay haddana waxaa lama huraan ahayd in si fiican loo hubsado ayadoon wax tallaabaa la qaadin.
Gu’gaas oo dhan waxaa adduunka dhinac walba ku baahsanaa sirdoonka Masaarida oo wada shaqaynaya si ay u keenaan warbaxin ayna soo ururiyaan wax walba oo arintaas ku saabsan, halistana ku ah dalka Masar, waana soo ururiyeen dhab ahaantii.
Waxaa la ogaaday in Isra`iiliyiintu rabaan in ay ku xireen tubooyin waaweyn dhirirka kanaalka suweys, ujeedaduna tahay in tuubooyinkaasu soo daayaan walax holcinaya gabi ahaan dusha kanaalka hadii ay isku dayaan ciidammada masaarida inay lug soo dhigaan ama isku dayaan inay gudbaan kanaalka, walaxdaas oo u badalaysa kanaalka jaxiima aduun oo dhab ah, arintaas halisteeda awgeed iyo cirib xumada ka imaan karta hadii ay dhacdo ayaa nimanka sirdoonka Masaaridu waxay ku jireen dadaal weyn si ay u helaan jawaabo ka qanciya su`aalo dhowr ah oo lays weydiinayay oo ay ka mid yihiin, sideebaa walaxdaas loogu soo daynayaa ama loogu soo yaacinaya iyo xageebaa tubooyinka soo marayan iyo afafka tubooyinka xageebaa kanaalka kaga ooli doonaan, ugu danbayna waa maxay walaxdaa keeni karta halista intaa la eg ee holcin kaarta kanaalka ee ay doonayaan inay adeegsadaan Isra`iiliyiintu .
Sidaas darteed Masaaridu waxay si geesiinnimo leh sanadkaas oo dhan u raadinayeen inay helaan jawaab qancisa ,sirdoon jooga France ayaa si la yaab leh waxuu u soo ogaaday nuucyada ay yihiin qlabka soo tuuraya walaxdaas ay adeegsan soonaan Isra`iiliyiinta
mid kale oo jooga Tel’abib waxuu soo ogaaday Magacyada injineerada habeeyay tubooyinkaas ,xoghayn Israa`iilayad ah oo asalkeedu yahay Boland kuna shaqaysa xisaabta sirdoonka Masaarida oo joogta bartamaha war isdhaafinta waxay soo koobiyaysay habka loo dhigayo tubooyinkaas, waxayna usoo dirtay Masar waxaana u soo gudbiyay Masar oo ay u dhiibtay ninka ugu halisan sirdoonka Masaarida ee ka shaqeeya Israa`iil. waxaase haray su`aasha ugu weynayd oo ahayd waa maxay walaxdaas?
Daqiiqadaha u horeeya ee 1973-da Shirka loo fadhiyo waxuu ku saabsan yahay arinta ah waa maxay walaxdaas?
Wararkii sirdoonaka Masaaridu soo gudbiyeen waxay sheegayeen in walaxdaasi tahay isku dar naabaal iyo fosfor iyo curiyayaal kale oo magacyadooda iyo isku darkooduba ay sir u yihiin Israa`iiliyiinta si aadana loogu ilaaliyo warshada ay leeyihiin ciidamadu ee ku taal lama dagaanka Naqab.
Arinta lo ordayaana waxay ahayd in la helo haba yaraatee wax ka mid ah walaxdaas, taasoo keentay in nimankii shirka u fadhiyay ay u soo baxdo jawaab ah “ma dhici karto in la helo, waayo warshada lagu sameeyo walaxdaas waxay ku taalaa meel go`doon ah waxaana ku wareegsan ilaalo aad iyo aad u adag dadka ka shaqeeyaana waa dadkii hore oo lasoo xaqiijiyay sooyaal nololeedkooda kunjeer ka badan kiiba, wax haba yaraatee tuhun ahna laga qabin oo ah dad lagu kalsoonyahay.
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/



Leave a Reply