Fritz cadres oo ahaa Austrian muqaal ahaan jirkiisu buuxo, gaaban, timihiisu gurdho yihiin, sankiisu weyn yahay, dhoola cadayntuna dibnihiisa ku dhagan tahay mar kasta, maanka qof kastana ma yeelayn in ninkaan uu basaas yahay, in kasta oo sooyaalkiisu dhacdooyin badani ka buuxaan sida kala iibn waxaan jirin, musuqmaasuq iyo laaluush, iyo iibinta aqoonsiyada been abuurka ah, haddana wuxuu lahaa tilmaan u gaar ah oo la gula loolami Karin, waa basaas dhagray sirdoonda xilligiisii oo dhan oo haddana si xalan uga dhex baxay.
Sooyaalka basaasnimo ee [fritz] ee ifka sirdoonku wuxuu bilowday 1939 bilo ka hor dagaalkii labaad ee adduunka, markii nin ka mid ah sirdoonka Jarmalka oo la yiraahdo Torkol uu daba dhigtay oo una raaci jiray asagoo sheedda ka fiirinaya socdaallada uu yurub ku soo maro, lana yaabay sida ninkaan uu wax isku daba marinayo iyo sida heerka sare ah ee uu wax u dhacayo asagoo maskaxdiisa uun adeegsanaya, wuxuuna markaa u soo jeediyay inuu u shaqeeyo sirdoonka Jarmalka asagana ka hoos shaqeeyo.
Dhabtii taas waxay ahayd tallaabo geesinnimo ee uu qaaday torkol waayo fritz wuxuu ahaa iska dhal hooyo Yuhuuda iyo aabe katoolik saasna wuxuu uga mid ahaa dadka laga badan yahay, caro xoog lehna loo haayay xilligii Naaziyiinta.
Balse sida muuqata Torkol wuxuu xariif ku ahaa sida dadka loo qanciyo oo fritz oo dadkiisa ciilkaas loo qabo hadana ku daray sirdoonka Jarmalka si war u uga keeno ruushka.
Waxaan qofna dareemin xataa fritz markii hore waxay ahay dawaca Torkol daacadnimadiisu ma ahayn mid u janjeerta Naaziyiinta balse wuxuu daacad buuxda u ahaa sirdoonka Soofiyeetka.Sidaas ayay ku bilaabay noloshii adduunka sirdoonka ee fritz, waliba laba wajiilinimmo, basaas laba meel u shaqeeyana ah.
Madaxdii sirdoonka Soofiyeetku waxay ka baaraandageen sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen ragga sida fritz oo kale ah, ka baaran dagidoodii kuma ekaan ogolaanshadooda fritz oo kaliya bal sal dhig waxay u noqotay baasnimadii ugu weynayd ee sooyaalka soofiyeedka xilligii dagaalka labaad.
Magaciisa qarsoon ee sirdoonka Jarmalka uu ugu shaqeeyo wuxuu ahaa Richard Clat, wuxuuna u xayd xaydtay inuu warbixinno ka soo aruuriya dowladihii yurub ee markaas aan dagaal ku kicin weli Jarmalka iyo dadkiisa.
Tallabadii koowaad ee Soofiyeetku qaaday si fritz uu cagaha si fiican ula helo sirdoonka Jarmalka waxay ahayd in ay siiyaan warbixino ku saabsan dhaqaalaha ciidanka Soofiyeetka oo sax ah si uu ugu gudbiyo Jarmalka oo la yaabay sida uu warkaan u keenay waxyna u aqoonsadeen basaas aan caadi ahay oo gaartaayna in jalmalku siiyo abaal merino iyo lacag.
Balse fritz ma ahayn mid dhaqaale raadis ah ee higsigiisa u weyni wuxuu ahaa in uu helo aqooniga ku biirida isirka Aryan ka , taas oo uga dhignayd qof bar Yuhuudi ah xilligaas in ku biiridu ay ahayd in qofkaas la soo baaray la soo hubiyay halisana uusan ku ahayn Jarmalka, qofkana ay u noqonayso aqoonsi uu nabad iyo nolol ku helo, balse ma jirin qof madax ah oo ku dhacay in uu aqoonsigaas oo kale siiyo bar bar ka Yuhuudi, waxaan dhici Karin ayay ahay in la helo qof Yuhuud wax u galeen oo qaata, balse sirdoonkii Jarmalku waxay siiyeen aqoonsi kale oo aan ka dhicin kuu rabay, oo ah aqoonsi gaara una fududeynaya la dhaqankiisa ciidamada iyo booliiska sirdoonka qaranka ee Jarmalka [gestapo] oo xussida magacooda oo qudha ay nin walba oo geesiya wadihiisa cabsi ku beerta.
Shilisnaanta iyo sax ahaanta warbixinnada uu keenayo awgeed ayaa waxaa soo baxay go’aan ah in uu si dhab aha ugu biiro sirdoonka Jarmalka taas oo la gees maray sharcigii ahaa in qof Yuhuud wax u galeen uusan ku biiri Karin sirdoonka Jarmalka, balse waxay u arkeen fritz inuu yahay basaas wada dahab ah, sidaas darteed wuxuu weydiistay in loo diro sofiya [bulgaariya] lana siiyo qalab war tabin oo gaar ah si warka toos ugu soo tabiyo oo aan loo baahan dhexeeye.
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko



Leave a Reply