Jidka ayaga oo maraya ayaa markii uu dhaafi rabay oo gees marayay gacantiisu ku dhacday, dur badiiba inta ku soo jeesatay ayay ku tiri
“Wasaq yahow xunka, maxaad ii taabatay?”
“Raalli ahoow abaayo, kuuma wadine”
“War raali ahaanshaada maqaan, wax yahow xoolaha ah”
“Is daji walaal, kas kuuma taaban gacanta ayaa kugu dhacday, raallina ahoow”
“War maxaad iigu haysa raalli ahoow, qurun yahow, ma anaad iga raysay?”
Seeraar oo yara xanaqqaya ayaa yiri
“Hadaadan raali galintayda rabin, waxaad rabto samee abaayo”
Aad ayay markaas u xanqqaday Saado oo inta kor u fiirisay wiilkan aadka u ga dheer tiri
“Wixii kab foolka looga garaaci jiray aya tahay, wasaqyahow”
“Cay danbe hadaad iigu laabatid ilkahaan banaanka ku soo dhigaya, saqajaamad yahay gaabnida badan, wax laga xishoodo maba tihide” ayaa asagii oo xanaaq badan ka muuqdo yiri
“Facaa waa iila dhasheen, hadaad xoog ku faanayso, ee, yur baan ku iri”
Nin oday ah oo meesha marayay ayaa kala dhex galay, oo yiri
“War maxaa jira?”
“Weydii saqajaankaan waxa jira, aniga oo halkaan iska maraya ayuu i taabtay”
“Adeer meesha waan marayay, inaan dhaafo ayaan doonayay gacantayda aya ku dhacday, waana ka raali galiyay, ee edeb daro ayay isla waalaysa”
“Dul qaadku waa wax wanaagan, ha la isku dul qaato, hadii uu yiri uma danlahayn ee gacanta ayaa iiga dhacday oo uu ku raali galiyay, raali ka noqo maandheey, buuq iyo dagaal faa’iido malehe” ayaa odagi yiri
“Raali galintiisana ma rabee, amman ha isiiyo, mar danbe yuusan ag tayda imaan” inta Saado tiri ayay dhaqaaqday.
Seeraar odagii ayuu u mahad celiyay oo asna gurigiisa oo aan meesha ka fogayn aaday.
Seeraar mar aan fogayn ayuu xafada soo dagay, dadna kama yaqaan, qol ayuu cid ka ijaartay, markuu shaqada u socdo iyo markuu ka yimaado oo gurigiisa u socdo maahane mar kale lama arko, waana wiil aad u dheer oo qurxoon oo midab madoow oo dhalaalaya leh, gabdha badan oo xaada daganna isha ayay ku hayeen, oo meel ay ka soo galaan la’yihiin, ileyn cidna wax kuma darsade.
Ayaan danbe oo buuqii labaooda wax badan ka danbeesay, Saado iyo saxiibteed oo isla fadhiya ayuu jidka soo maray, markaas ayaa Saado ku tiri saxiibteed
“Waa kaas saqajaankaan kuu sheegayay”
Idin oo Saado saxiibted ah aya tiri
“Kaas cidba wax kuma darsado, haduu ku yiri gacanta ayaa iiga kaa dhacdayna waa runtiis, wiilkaas uma eka ragga dhac dhaca badan”
“Rag wanaag maleh, ayaga oo dhan wax isma dhaamaan”
“Ilaah baa iga og taas, balse anigu kaas u malayn mayo, xaaasid ayuuba u ekyahay, dadka fur furan maba ahan, kibraani weeye sidaan is iri”
“Wuxuu yahay asgaa isku ah, ee qalad kale oo uu iga galo ayaan sugaya”
Markii u ag marayay labadoodii ayuu eegay oo horay u sii socday markaas ayaa Idil tiri
“Hogay naa ninku dayma kululaaya, siduu noo eegay ma arkaysay”
Saado waa arkaysay waana dareentay kulaylka eegmadiisa, waxayse tiri
“Asga la yiraahda”
Saado markii uu eegayay waxay dareentay sidii indhihiisu ay ka dhex baxayeen, in daymadiisi dharkeeda iyo maqaarkeeda dhaaftay oo lafaha taabatay, jiriirico ayaa ku jajabtay, niyadana waxay iska tiri, burji adkaa ninku
“Waa nin rag ah, raganimadiisa meel fog ayaa laga dareemaya, raga xaasidiinta u eg waan ka helaa” ayaa Idil oo qoslaysa tiri
“Kaas qaabka daran ee gabdhaha jidka ku taabnaya raganimo meesha kum hayo”
“Wallaahi?” aya idli oo la kaftamaysa tiri
{noocaas oo kale huguri igama galo” ayaa Saado ugu war celisay
Maalintaas oo dhan Saado waxaa ku soo noq noqnayay ee gmadii Seeraar, sidii uu u eegay, sidii uu isha ugu gubay laba dooda, sidii quruxda badnayd ee u sii socday, inta isla yaabatay ayay tiri
“Bismillahi, waa maxay waxaan ku fakaraya”
Waxay hadana is tiri, adiga iyo asagu bil iyo ka badan waaba is dagaalsantihiin, ee malaha Idil ayuu eegayay, oo muxuu Idil ka eegayay maba is yaaqaane? Macquul miyaa in uu ayada eegayay oo uusan aniga i eegayn? Ciduu rabo ha eego maxaa aniga iga galay, Idilna maxay tiri, raga noocaas ah dareenkaygay kiciyaan baa? Tolow ma is yaqaanaan? Ma laga yaaba Idil in ay raadsato oo shukansato? Ayaday jirta, haday rabto ha raadsato, aniga maxaa iga qaldan maanta horta? Acuudu billaahi.
La soco……..
Qore
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply