200 oo Wiil oo Soomaaliya, oo wax wayn ka baddalay dagaalkii 1977-1978. Qaybta 2aad

 

.

 

Waa qiyaastii December 1976, subax barqaddii ahayd, ayaan ka dhaqaaqnay Muqdisho oo laga baxay dhinaca Koontroolka waddada Balcad aadda. Waxaan ahayn Kolonyo baabuur ah oo ay ku raran yihiin hub iyo raashinka ciidamada. Laba gaari oo jiib ahna ay kolonyada ugu horreeyaan. 4 sarkaal oo aanan hadda magacooda sheegaynin,  ayaa jiibta saaran. Maanta afartaas hal nin baan arkay oo ka nool.

 

Waxaannu dagnay Buurane oo malaha ah dhulka laga xukumo Baladwayne oo ahayd buur dusheed dhagaxyo badan. Safarkii ku xigayna, waxaannu dagnay Gaalkacyo. Dhulkaasi ma ahayn dhul aan waligay tagay. Intaa aan sii soconnay, waxay ishaydu qabanaysay ugaadha ay ka mid ahaayeen sagaarada, cawsha, doofaarrada iyo qaar aanan aqoon magacooda. Nin la oran jiray Suudi oo naga mid ahaa, ayaa yiri

“dhulkan ayaaba naga badan ee, xaggee loo socdaa”.

 

Maalintii dambe waxaannu dagnay duleedka Burco. Dhul dooxo iyo togag u badan ayuu ahaa. Ciidduna guduudan tahay. Magaalooyinka inaan galno, nalooma oggola. Waxaannu marwalba dagaynnay duleedka magaalooyinka, hayeeshee magaalada waxaannu ka soo dhaansan jirnay biyaha, shidaalkana ka buuxsan jirnay.

 

Maalintii xigtay waxaannu nimid Boorame. Waana halkaas, meeshii aannu u soconnay  sababtoo ah waxay u dhawdahay Xudduud-beenaadka. Waxaannu halkaas ugu tagnay 3 urur oo laga keenay degmada Lughaya oo Saylac u dhaw. Saddexdaas urur waxay ku takhasuseen cilmiga miinada Ciidamadu isticmaalaan. Waxaa kaloo halkaas nooga sii horreeyey 2 Batallion oo Milleteri ahaa iyo hal urur oo ahaa daraawishta u tababaran sida milleteriga “Filfoos”. Waxay ahaayeen ciidammo xul ah oo la doonayo inay jabhadeeyaan.

 

Waxaa la isku fidiyey tuulooyinka Xudduudka ku yaalla ee Cabdulqaadir, Xariirad, Qullojeed iyo kuwa kale. Dadka deegaanku aad bay noo soo dhaweeyeen, noolana shaqaynayeen isla markaan noo ahaayeen “dhulyaqaan lagu kalsoon yahay”. Ciidamadii rasmiga ahaa ee Soomaaliya, wali ma soo galin dagaalka la doonayo in la qaado. Ciidamadan waa Milleterigii Soomaaliya, laakiin si hoose ayaa la doonayaa in loo galiyo gudaha Ethiopia iyo dhulka la doonayo in la xoreeyo. Ciidamadii Ethiopia markaas meel walba ma joogin. Waxay ku xaraysnaayeen xerooyin ay lahaayeen oo ay isku ilaalin jireen. Ma jirin wax dhaqdhaqaaq ah oo ay samayn jireen kadib markii ay maqleen imaashaha ciidamada Xudduudda isku urursanaya.

 

Markaas nalooma oggolayn hub waawayn sida taangiyada iyo madaafiicda,  waloow marmar nalagu kaabi jiray iyagoo fadhiyey dhinaca Xudduudda. Waxaannu haysannay qoryaha boobayaasha ah sida Rbd, qoryaha lidka dayuuradaha ee saaran gawaarida sida laba dhuumoodka, 4 dhuumoodka, Zuuga iyo 37 iyo Takhasuuska miinada oo hawlgalka noo sahlay habeenkii. Gaar ahaan furidda iyo xiridda miinada iyo calaamaynta halka laga baxayo iyo halka laga galayo. Dharka aan sidanno waa isla dharkii ciidamada, laakiin ma jirin wax garaaddo ah oo la xiranayo aan ka ahayn ninkii sarkaal ah oo koofiyadda ku dhagsanaya waxa uu yahay. Meelaha ciriiriga ah iyo buuraha dhexdooda, waxaannu u isticmaali jirnay dameeraha oo inta la raro lagu qaadi jiray dawada, gasacadaha kaluunka Laasqoray iyo waliba jawaannada bariiska ah iyo timirta.

Qore

Jen. Aadan Maxamed Aw-Kaahiye

Awrka Cirka

La soco……..

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply