Xaqiidii taariikhda idil iyo waxa ay tahay sheekada Ayaan kusoo marnay oo hadda dib idinkuguma celinayo balse waxaan idinku dareensiinayay oo kaliya ilmaha maanta caloosha idil galay xilliga la doonayay iyo sida aadka ah ee loogu baahnaa xilligaas in aysan soo calool galin, balse maanta oo laga quustay lana filayn in ay imaanayaan ay yimaadeen waliba sabab xanuun leh oo filan waa ah ku yimaadeen.
Idil iyada oo aad u murugaysan qandhadii iyo xanuunkii hayayna uu sii laba jibaarmay balse xanuunka markan haya uu ka duwan yahay kii ay dhaqtatrka u tagtay ayey kasoo dhaqaajisay meesha. Waxaa u bilowday waa cusub, saacad ka hor dunida ay ku noolayd kuma noola, dareenka ay qabtayna ma qabto, waxaa u bilowday duni cusub oo la doonayo in ay wajahdo, su’aalo tira badan oo marba jawaabta ay u hesho ay ka laabanaysay ayaa ku furnaa maskaxdeeda.
Waddada waa ay ku socotay, balse, waddada ay socota maba ogoyn oo baabuurta wadddada marayso ayaga ayaa ka leexanayay ee iyada kamaba leexanayn, harraad iyo ilgooyo ayaa wajigeeda ka muuqday, maalmihii hore ee ay la daalaa dhacaysay xanuunka Wallaca ah ayey daciiftay oo cuntadii ka soontay, matagna wuu usii dheeraa tabarteeda sii wiiqay, nafaqo darro said ah ayaa ka muuqatay idil suuqii ay aadi jirtayna muddo laba usubuuc ah ee ugu dambaysay ma aysan aadin.
Idil idishiii la yaqiin maahan, waa idil doorsoontay oo qofkii arkaa uusan aaminayn in ay ayadii tahay, xaqiiqdii gabadhan dhib badan ayey soo martay, iyada oo dhib iyo cuqdad nafsi la noolayd jirdil dhanka maskaxda ahna kasoo qaadday noloshii hore ee aysan doorashada ku lahayn ayey maanta la kulmaysaa nolol tii hore ka culus waliba ka qatar badan.
Idil wali go’aan dhab ah arrintan kama gaarin oo maba ka fakarin xitaa waxa ay noqon doonto iyo sida ay arrintan u wajihi doonto, wax walba waxaa kala cuslaa xanuunka haya iyo fakarka faraha badan ee ay arrinta nolosheeda maanta bilaabatay ku yeelatay.
Idil awal ayuu alle u dhalshay karti iyo xilksanimo oo arrintan way ka dabaalan kartaa waa hubaal balse is waydiinta waxay tahay qofka marka uu awood ahaan iyo jir ahaanba caafimaad qabo ayuu wajihi karaa dunida qatarta badan ee iriddisa soo istaagtay.
Idil iyada oo lugaha jiidayso ayey gurigeeda soo istaagtay sariirta ayeyna ku dhacday oo markaa ayaa miyir ugu dambeysay hurdo aan la aqoon halka ay ka timid oo dhirir badan ayey seexatay maadama ay maskax ahaan iyo jir ahaanba u daalnayd.
Dhibaatada ku haysa inta aad ka garanaysid waxa ay tahay iyo sababteeda hurdo ma seexan kartid balse marka aad garato baaxadda ay leedahay iyo sababta ay ku timid iyo waxa ay tahay markaas waad seexan karaysaa inkastoo dadka qaar laga yaabo in aysan seexan Karin balse idil waa seexatay.
Idil markii ay kasoo kacday oo maskax ahaan jirkeeda waayadan hurdadii ka maqanayd ay maanta in yar oo ka mid ah dhadhamisay ayey bilowday in ay wax karsato, wax badan ma cuni Karin balse wixii ay is lahayd markaas waa cuni kartaa ayey dabka saaratay.
Waaydan idil shaqo ha sheegin, asxaabtii ay isla shaqayn jireen maalinba mid ayaa soo siyaaran jiray rag iyo dumarba maadaama ay ahayd qof asxaab badan oo suuqa aad looga wada yiqiin, Iyana waxay ahayd qof muujin jiray karti iyo rajo ay muujinayso ina y dhaawaan suuqa kusoo laaban doonto.
Idil waxay bilowday markan ka fakarka arrintan cusub ee nolosheeda lasoo darastay sidii ay u abaari lahayd, hal su’aal oo ka mid ahayd su’aalaha ugu dhibka badanaa jawaab waa u heshay taas oo ahayd ilmahan coolshaada ku jira ma haysanaysaa oo ma dhowraysa mise waa iska soo riddaa maadaama ay ilma xaaraan ah yihiin.
Idil go’aan adag ayey ku gaartay in ay xafidato ilmaheeda xaaladdu sida ay doonto ha noqoto,waxaana ka go’nayd in ay dhaxda u xirato ubadkan alle caloosheeda ku beeray, iyada oo isku qancisay in sabab ay jirto sababtaas darteedna loo imtixaanayo.
Doonista dunida waa inagu badantahay oo har iyo habeen qorshaha maskaxdeena iyo mdaxeenaba mashquuliya ayaa ah sida qof walba uu u doonayo in uu u helo noloshiisa, balse, dunidu waa mid dhib badan, waa taas idil qoorta u galisay mixnad aysan filayn in ay nolosheeda wajahdo waliba inta hadda ka dhiman ay ku qasbantahay in ay la noolaato dhibaatadan kufsiga iyo miraha ka beermay oo dhawaan soo bislaan doono.
Su’aalaha idil is waydiinaysay aad ayey usii kordhayeen oo sakan walba oo nolosheeda kusoo kordha wuxuu watay dhowr su’aalood sakan walba oo tagana wuxuu la tagayay fakar laga fakarayo su’aalahaas jawaab u heliddooda.
Nolosha ayaa ah mid mixnad badan oo marna waxaad u baahantahay xilligooda kuma heshid, waxyaabaha aad u baahantahayna qaabka aad rabtid kuuguma yimaadaan, mar raadintooda ayey jilbaha iyo xusulada kaaga murxaan, marna raadintooda ayaa kaa soo gasho meel aadan filayn oo adiga oo jilba iyo xusul murxin sida idil oo kale kula soo darsa.
La soco…..
W/Q : Mohamed Musa Sh. Noor
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply