200 oo wiil oo soomaaliya, oo wax wayn ka baddalay dagaalkii 1977-1978. Qaybta 9aad.

 

 

20 cisho, ayaa looga soo dhammaaday gudaha ethiopia. Waxaa durba billawday iswaraysi iyo maxaa nagu dhacay iyo isla xisaabtan. Markaas saraakiishii ugu wanaagaanayd kalabar waa tageen. Raggii ruushka akadeemiyadaha kala duwan uga soo baxay waa socdeen. Kabtankii ugu caansanaa aqoonta madaafiucda goobta oo ka soo jeeday waxan ay maanta u baxsheen puntland kuma yaqaan. Waa ninkii cabbirkiisu isagoo aan haysan cid ka horraysa oo hagta  madaafiicda, isagu qiyaastiisa ku burburin jiray dhufaysyada dirirdhabe, kuna aamusiin jiray madaafiicda kuba ay soo ridayeen ayuu ahaa.

 

Aqoonta saraakiisha soomaalida

 

Intii la joogay dixda harawo ayaa dhawr mar dagaal hore loo qaaday laga samayn waayey wax horumar ah. Waxaa la iskugu yeeray saraakiishii kala haysatay qaybaha kala duwan ee ciidanka. Waxaa laga hadlay in la diro rag soo sahmiya waxa ay yihiin, waxa na haysta. Waxaa ninkasta la waydiiyey inuu isagu kaxaysan karo ragga xulka ah ee loo diri doono gudaha cadawga. Warbixin sax ahna keeni kara, si loo qaado hadhoow dagaal wayn oo lagu qaadayo dirirdhabe, sababtoo ah magaalada waxaa ku hareeraysan buuro waawayn oo ay ku rakibteen madaafiic iyo sawaariikh. Kuwaas baa la doonaya in la burbiriyo, si hadhoow ciidamada lugta ay ugu fududaato qabashada magaalada.

 

Markii la shiriyey saraakiishii, nin waliba wuu ka cudurdaartay gudashada waajibaadka la iska rabo ee khatarta ah. Sababtoo ah 90% qofkasta wuxuu rumaysnaa, inuusan soo noqonayn. Taliyihii ururkayga oo ahaa nin wadaad ah, ayaa markii su’aashu isaga ku timid aqbalay oo loogu duceeyey. Waxaan anigu ka mid ahaa raggii raacay oo u ahaa gacantiisa midig, iguna kalsoonaa. Waxaa la sameeyey laba qorshe oo ahaa koow, in rag aan ka badnayn 30 la diro oo ay 24 saac kadib ay gudaha u galaan cadawga, xog soo ururiyaan, kadibna iyagoo aan la arag ku soo noqda saldhiggii taliska ahaa ee awal laga diray. Haddii ay dantu ku khasabtana isdifaaca oo dagaallama.

 

Qorshaha labaadna wuxuu ahaa in habeennimo la kaxaysto laba taangi iyo 150 nin, kadibna miinada hore la furo oo aad loogu dhawaado buuraha ay ka soo ridi jireen madaafiicda iyo sawaariikhda. Markii aad loogu dhawaado kadib labada taangi laga rido dhawr xabbadood. Illeen way hurdaane markay soo hambabaraan oo ay billaabaan inay soo furaan oo oodda ka soo qaadaan madaafiicfa, la qoro. Qori walbana halka uu yaallo la nootaareeyo oo la soo qoro. Kadib la soo noqdo. Kadibna ciidanka ballaaran ee soomaalida ah ee dhufaysyada kujiray, la fasaxo, kadib marka madaafiic lagu burbiriyo meelihii ay xalay ka soo ridayeen madaafiicda.

 

Labada qorsheba, waa lagu guulaystay. Labadaba waan ka qaybgalay. Kadibna dirirdhabe ayaa la galay, waloow markii dambe laga soo baxay. Sheekadii aan kunoqdee;

Markii 30 nin la diyaariyey, ayaa waxaa sahay nalooga dhigay gasacadihii kalluunka laas-qoray, 4 nus jawaan bariis ah, tanag saliid ah. Shaah iyo nus sonkor ah. Waxaa naloogu raray laba dameer. Illeen waxaa la rabaa in aan buuraha intaan dhexgalno oo waadiyada sii jibaaxno oo oromada iska qarinno, aan gadaal uga immaanno cadawga. Ragga meesha socda waxaa laga soo kala ururiyey 10 kamaandoos ah, 10 daraawiishta filfoos ah iyo 10 asluubta ah. Waa rag dhaadheer oo buudku ujoogo murqaha xagasha ka hoosaysa. Waa rag madmadoow oo aniga iga sii madaw. 2 meter baanu wada ahayn.

 

Taliyihii guutada, ayaa na sii sagootiyey. Casar baannu dhaqaaqnay. Dameer yaa kaxayn kara. Waxaannu soconnaba, waxaan soo galnay laba buur dhaxdood oo quruuruxu shumuc-shumuc leeyahay. Labada dhinacba, waa gabiyo dhaadheer. Waxaannu maqalnay guux aad mooddo biyo shubmaya. Illeen waxaa nagu soo socda biyo xoog leh oo waadiga aan dhex soconno nagu soo maqan. Waadigu wuu qalqalloocan yahay oo ma toosna, hadduu toosnaan lahaa, kor baan ka arki lahayn biyaha. Halmar baa waxaa nalagu dharbaaxay biyo xoog leh. Waxaa dhacday, tii dheerayd. Labadii dameer iyo wixii ku rarnaa lugihii baa loo rogay.  Annagii ka sii daran. Baasuukayaashii iyo brigaannadii markii horeba dharbaaxadii ayaa la tagay. Waxaan ku guulaysannay, in labadii dameer oo caynsanaa, la soo badbaadiyo. Badarkii ku xirnaana qaar laga soo qabto. Annagii, waxaa nasiib lahaa ninkii gacanta la helay burcaws. Gabiyada ayaa loo baxay. Ninba nin, ayuu gacanta soo qabtay. Ilaahay mahaddii  kulligayo iyo labadayadii muun ee dameeraha ahaa, waan wada badbaadnay. Kalabar raashinkii, waxaa qaaday toggii biyaha ahaa. Hubkii inyar baa biyuhu qaadeen. Buudkii iyo dharkayagii biyaa ka buuxsamay.

Qore

Jen. Aadan maxamed aw-kaahiye

Awrka cirka

La soco……..

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

Leave a Reply