200 oo wiil oo soomaaliya, oo wax wayn ka baddalay dagaalkii 1977-1978. Qaybta 8aad.

 

 

 

Raggii kale iyo hubkoodii oo dhufays ku aasnaa, una siijeeday hore iyo dirirdhabe, maantoo dhanna kujiray dagaal, xabashidii oo lug ahna wali soo butaacayso, xaalkaasi xaal aan gartay maahayn. Qaar idinka idinka mid ah baa dhihi doona oo maxaad u daggaallami waydeen? Habar fadhida, lagdan la fudud baan maqli jiray. Rag habqan ah, baa habeenkii soo baxay. Dhaawac iyo dhimasho, waa laga soo tagay illeen maalintii oo dhan baa dagaalku socdaye. Caddaanku wax ay qabteen iyo waxay dileen, baa loo batay. Waliba nagama harine way na daba galeen illaa xudduudda ay na geeyeen. Rag anigu aan ka mid ahaa intaan is-urursannay baan dib uga hortagnay russia iyo cuba. Maxaad wax iskaga dhicin, illeen hubkii waa laga soo tagaye. Hadalkaygaa meel ku qorta, waxaa dhacday inay caddaanku taangiga silsiladdiisa ay dulmariyaan askarteena. Marna kuubaanku isagoo beebee wata, iyuu kuleetiga ku soo dhagaa askariga soomaaliga oo marsiiyaa. Sheekadaas wali cidkale ugama sheekayn.

 

Habqan baa la noqday 4 maalmood iyo 4 habeen kadib, baa raggii ugu horreeyey soo galeen goroyo-cawl. Hangarro ingiriisku dhisay, oo goroyo-cawl ah, ayaan iska hoos fariisannay. Tol la’aan, iga dheh. Waxaa borame habeenkaas soo galay, illaa 10 baabuur oo ciidamo gurmad ah wada. Waa 2 urur oo ka mid ahaa raggii qafaalka lagu soo qabtay oo 2 bilood tababar ah, la siiyey baa durba la soo jafay. Hub waawayn ma wataan, laakiin hub fudud iyo baasuukayaal bay wataan. Kulligood waxaa laga keenay jawhar iyo beledwayne dhulkan hadda loo baxshay hirshabeelle.

 

Waa habeenkaan qosol u bakhtiyi gaaray. Raggan cusub waxay leeyihiin “aaway amxaarka qurunka ah”. Waa rag carcartoodii qaba. Annagana 1 sano baa noo buuxsamay oo ay injirtu naga dheregtay. Waxaan ku niri aayaroo gibina, adeerrayaal waagu markuu baryo, nimanka dabada uga dhaca. Amxaaray moodayaan. Waa warsaw oo mekanism ah, kulli waxay ku wadajiraan gawaarida qafilan iyo taangiyo.

Xasaradaha iyo dagaalladu marwalba kaama farxiyaan. Qaybta dambe ee sheekada waa kharaar aan nin dhiiglihi uusan ku farxayn. Laakiin khubaradu waxay ka qaataan cashar iyo waaya-aragnimo aad kula dhaqanto xalka mushkiladda soo socota. Gaar ahaan saraakiisha soomaaliyeed ee wali ku hawlan dhisidda iyo dagaalgalinta ciidamada maanta jooga.

 

Markii ay arrintu barakabeel noqotay oo habqanku batay, ayaa saraakiishii waawaynayd ee aan goobaha dagaalkaba iman jirin, waagu ku baryey. Kala orod iyo in ciidamada mooraalka loo dhiso, ayey billaabeen. Kornayl aanan hadda magaciisa sheegayn oo hadda jooga maraykanka oo qaabilsanaa logistics-ka ayaa billaabay inuu bixiyo mushaarkii ciidamada oo intii la joogay furimaha aan la bixin. Anigu isaga kama maqal, laakiin nin ka agdhawaa baa yiri xataa wuxuu amar ku baxshay in dumarkii magaalada boorame la keeno. Waxaa lagu guulaystay in la isku keeno 9.000 ciidamo ah oo la dhigay gudaha ethiopia, qaarna xadka la dhigay.

 

Waxaa billaabmay dagaal rogaalcelis ah, ciidamo gudaha kujiray oo soo noqonayey baa gadaal uga yimid cadawga caddaanka ah. Xabashku isagu ragannimo uu ku yimaaddo furimaha hore, ma lahayn. Jidgooyin badan baa loo dhigay taangiyadii caddaanka. Waddooyin badan baa miino loogu xiray. Waxay joojiyeen laba maalmood kadib gulufkii ay nagu hayeen, sababtoo ah ciidamadoodii baa kala fogaaday. Surin walbana waxay kala kulmayeen dagaal.

 

Halkaa markii xaalku marayo, ayaa dawladdii soomaaliyeed ku dhawaaqday  in ciidamada lagu soo celiyo xudduudda. Sidoo kale waxaa caalamka loo sheegay in soomaaliya ciidamadeedii xudduudda aysan dhaafi karin. Siyaasadaha dawladuhu ku dhaqmayeen, anigu war uma hayo, waxaan kaliya oo aan ogaa goobaha dagaalka qaybtii aan anigu ka joogay. Jigjiga waxa ka socday war uma hayo. Sidoo kale godey, dhagaxbuur, shilaabo, wardheer iyo dhammaan magaalooyinkii la xoreeyey war uma hayo, sababtoo ah halkaas majoogin. Waxaanse la socday in dhammaan dhulkii la xoreeyey loo dhiibay kornayl soomaali ahaa magaalo kasta. Qorshahaasu qorshe aan jeclaa ma ahayn, sababtoo ah jabhadihii deegaanka iyo madaxdoodii bay ahayd in iyaga maamulkooda lagu wareejiyo. Wuxuu ahaa khalad dhacay. Aad bayna, arrinkaas uga caroodeen.

Qore

Jen. Aadan maxamed aw-kaahiye

Awrka cirka

La soco……..

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply