200 oo wiil oo soomaaliya, oo wax wayn ka baddalay dagaalkii 1977-1978. Qaybta 7aad.

 

 

Billawgii gulufka

Bartamihii december, 1977, ayaa subax aroortii waxaa jiidaha hore ee dagaalka halmar isqabsaday dagaal aan u baxshay “hooyadii dagaal oo dhan”. Waxaa billawday qorshihii ay dajiyeen warsaw. Dayuuradaha dagaalka ethiopia oo lagu soo kordhiyey kuwa russia, ayaa billaabay gulufka. Kadibna ciidamada dhulka ee ethiopia, kadibna gacanta ayaa la iskula tagay. Kadiba tii dheerayd baa dhacday. Raacba raac ka dambeeya, ayaa noo imanayey. Nololna kuma laabtaan. Taangiyadoodu iyagoo gubanaya, ayey rasaasta ka dhex ridayaan. Waa maalinta aan maqlay dhawaqa codka rasaasta aanan waligay maqal. Marka 50 nooc oo qori ah, ay halmar isla daryaamaan, waxay u ekaanayaa sidii musik la tumayo oo kale. Waan yaabay. Xabbadu ma istaagto. Qoryaha marka laga rido 20.000 xabbo, ayaa dhuutu caddaataa. Markaas baa dhuun cusub la galiyaa. Waa markii ugu hortaysay ee aan sankayga baaruuddu buuxisay, dhuuntuna qallashay.

 

Galabtii casar-liiqii markay tahay oo aan jabinnay saddex raac oo xabashi ah, kuna mashquulsannahay xirxiridda iyo iskugaynta maxaabiista,  ayaa gadaal iyo waddadii boorame waxaa nooga yimid kolonyo gaadiid iyo taangiyo ah. Waxaannu kor ka aragnay uurada iyo boorka cirka isku shareeray. Waxaan u qaadannay waxani inay yihiin gurmad nalooga soo diray taliska iyo harmukaale. Nimanku gurmad maahee, waa russia iyo cuba oo saaka ku qulqulayey xudduudda djibouti oo halkaas ka soo qaaday weerar dhabarjabin ah. Kuna hubaysnaa qiyaastii 500 taangi. Waxay soo qaadeen 3 dhabarjabin ah. Mid waxay la eegteen xudduudda soomaaliya, midna taliskii harmukaale iyo mid gadaal uga yimid ciidamadii soomaaliya ee maanta oo dhan dagaalku ku socday. Waxay saddexdoodii ku kulmeen buundadii aannu kujirnay agteeda.

 

Ciidamo maanta oo dhan dagaal lagu hayey oo aan madaxaba kor u qaadin, rasaastu ka dhammaatay, cunto aan cunin, dhimasho iyo dhaawac haysta, aan ogayn wali sida xaal noqon doono, ayaa haddana ciidamo caddaan ah oo qalabaysan gadaal uga yimaaddeen.

 

 

Khubarada ku takhasustay dagaallada ka dhaca caalamka, waxay isku waafaqsan yihiin in dagaalkii dhexmaray ethiopia iyo soomaaliya 1977, uu ka mid ahaa dagaalladii waawaynaa ee dunida soo maray “conventional war”. Taariikhahana lagu dhigto. Schoollada ethiopia waa lagu dhigtaa, dhinac waxay barayaan nacaybka, dhinaca kalana waxay da’yarta u sheegaan in ciddii ethiopia soo gardarraysta aysan guulaysan abid. Talyaani iyo soomaali bay miithaal u soo qaataan. Waliba waxay nagu sheegaan inaan nahay dad reer baadiye ah oo ka tirsan boqortooyadii abyssinia. Waxay doonaan ha dheheen, laakiin la i sbaray 1964 iyo 1977.

 

Haddaan dib ugu soo laabto mawduucii dhexda ii marayey oo ahaa markii gaal iyo muslimba isku kaaya tagay. Ethiopia, yemen, libya, e. Germany, cuba iyo odaygoodii russia ahaa baa qawmiyad yar oo 10 million ah, isugu habarwacday. Dadka facebook kujira, waxay u badan yihiin dhallinyaro. Waxay isoo waydiiyeen “warsaw” maxay tahay? Wuxuu ahaa gaashaanbuur burburtay oo ahaa dalalkii shuuciga, lana tartami jiray “nato”.

 

Galabtaas waxaa nagu dhacay oofwareen, aan dawo iyo miciinsi midna lahayn. Buundada (bridge) wixii midigta ka xiga illaa xudduudda djibouti waa bannaan. Waana halka ragga iyo hubku kujiraan. Buundada wixii bidixda ka xiga, waa buuro taxan illaa harar. Russia iyo cuba waxay kuyimaaddeen waddadii buundada. Markaas wixii midig ka xiga soo ma leedin oo salaama ma aha. Soomaaliya hadday hub lahayd, ciidanna lahayd gabbaldhacaas bay go’een. Cid aniga iga dambaysa, ha waydiinina. Madaxdu way qarin jireen. Haddii uusan gabbalku dhicin oo aysan habeen noqonna, hal fiiga lama arkeen. Intii buundada ka agdhawayd oo buurta agteeda ku jirtay oo anigu aan ka mid ahaa, baa buurta fantay oo wax kale lama qaadi karee qori ak gacanta ku soo qaatay. Ciidamada koofurta joogay ee uu madax ka ahaa cabdullaahi yuusuf baa soomaaliya markii dambe ciidan u noqday. Kuwii woqooyiga 70% ma soo noqon.

Qore

Jen. Aadan maxamed aw-kaahiye

Awrka cirka

La soco……..

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply