200 oo wiil oo soomaaliya, oo wax wayn ka baddalay dagaalkii 1977-1978. Qaybta 6aad.

 

 

 

Billawgii burburka (ka soo baxaay)

 

Waxaa la soo gaaray october 1977, waxaana socda daabulidda qalabka culus ee russia iyo cuba ay keenayaan ethiopia. Dawlado badan oo hantiwadaag ahaa, ayaa isku bahaystay inay ka adkaadaan soomaaliya. Waxaa lala yaabay geesinnimada ciidamadii soomaaliya iyo sida ay horumarka uga samaynayaan goobaha dagaalka. Joornaal ka mid ah joornaallada ugu afdheer caalamka, ayaa qoray in soomaalidu gashay number-ka 2aad ee dunida ugu geesisan, marka laga reebo israel. Faanka marka laga soo tago, soomaalida markaas joogtay ma ahayn soomaalida maanta joogta oo kale. 15.000 cuba ah iyo 3000 russia ah oo wata hubkii warsaw ma ahayn wax fudud. Waxaa intaas ka sii daran, russia wuxuu ogaa awoodda ciidamadii soomaaliya iyo inay wadeen dagaal 9 bilood oo ay daallan yihiin. Waxaa marba marka ka dambaysa soo kordhaya maxaysatada la soo khasbayo ee ethiopia. Halka soomaalidana magaalooyinka waawayn laga billaabay qafaal.

 

Billawgii gulufkii ugu waynaa ee ay warsaw soo qaaddo iyo jabkii ugu waynaa ee somalia.

 

Ma haysto khariiddo (map) aan ku sharraxo sidii ay wax u dhaceen, laakiin russia wuxuu soo diray dayuurado yaryar oo tartiib noogu dulmeeraysanayey hal bil iyo bar. Nagama tagaan, mana haysanno hub gaara oo lagu soo rido. Waa laba ama saddex dayuuradood oo u eg kuwa lagu barto duullimaadka. Way na duljoogaan galab iyo subaxba. Diyaaradahaasi waxay sahminayeen oo ururinayeen macluumaad ku saabsan soomaalida. Halka laga jilicsan yahay, halka loo badan yahay. Hubka culus, meesha dagan ee laga soo gali karo. Waxwalba way urursadeen. Annaguna waan arkaynnay, danse kama gali jirin oo ma haysanno qori gaara halka ay joogto.

 

Dhulka difaaca looga jiro, waa masaafo gaaraysa 45 kilometer oo ka soo billaabanaysa  xudduudda djibouti illaa magaalada dirirdhabe. Dhinaca barina illaa buuraha harar. Waa halka ugu daran ee masiibadu ka dhici doonto. Waa dhul boholo u badan oo bannaan ah, una jira dirirdhabe 15 kilometer. Waddada ka timaadda borame marka ay timaaddo halka difaaca looga jiro waa buundo. Buundadaas waxaa la dhahaa (kadarcaday). Buundadaas wixii bidixda ka jira waa buuro, wixii midigta ka jirana waa banka harawo illaa djibouti. Waana banaankaas halka ugu badan ee ciidamadii soomaaliya ay difaacyada uga jireen.

 

Dayuuradihii waxay urursadeen wixii macluumaad ahaa ee ay heli kareen. Waxay ogaadeen halka kaliya ee laga soo gali karo ciidamadii soomaaliya, inay tahay meel yar oo u dhaxaysa xadka ay iska galaan saddexda dawladood ee soomaaliya, ethiopia iyo djibouti. Waxay ku talogaleen oo xoogga saareen ciidamadii caddaanka ahaa in halkaas laga galo oo loo diro 500 taangi iyo gawaarida qafilan. Halkaas marka ay galaan ciidamadii soomaaliya looga yimaado dhinaca gadaal iyo waddada boorame. Dabcan wayna ku guulaysteen.

 

Si haddaba russia iyo cuba ay qorshahaas ugu guulaystaan, ayey sameeyaan qorshe kale oo ahaa in ciidamada soomaaliyeed ee dhufaysyada kujira ee dirirdhabe caasha kuhaya la mashquuliyo. Waxaa la doonayaa in lagu mashquuliyo weerer joogto ah oo ay ciidamada ethiopia nagu soo qaadaan oo aan kala go’ lahayn. Markaas madaxa ay kor u qaadi waayaan difaacayaasha soomaaliya. Kadibna russia iyo cuba ay ka soo galaan xudduudda djibouti oo gadaal ay ku dhuftaan 3 dhabarjabis oo isku halmar ah.

 

Runtii waxa aan ka hadlayo iyo qorshaha ay dageen warsaw, anigu waan qortay oo xusuus-qorkayga ayey iigu qoran tahay, laakiin rag badan lama socdaan ama dan kama leh. Waa taatikadii stalin in ku jabiyey germany dagaalkii 2aad ee dunida barbarossa iyo stalingrad. Waana qorshaha kaliya ee ay warsaw ku isticmaashay qaaradda africa. Waxaad xasuusataan  in britain ay dayuurado ku burbirisay  daraawiishtii mohamed abdulle xasan sanadkii 1920. Waana weerarkii ugu horreeyey ee yurub ay ku qaaddo dal afrikaan ah oo ah soomaaliya.

Qore

Jen. Aadan maxamed aw-kaahiye

Awrka cirka

La soco……..

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply