200 oo Wiil oo Soomaaliya, oo wax wayn ka baddalay dagaalkii 1977-1978. Qaybta 4aad.

 

Sheekadan ninkii qoray waa ila soo xariiray waana oggolaaday in aan daabaco, waana jenaraal Aadan Maxamad Aw-Kaahiye, aad ayana ugu mahad celinaya ama dhamaanteenba ugu mahad celinaynaa.

 

Jiidda hore ee dagaalka

Waa anigii idin iri waxaa amar nalagu siiyey inaanan hore u socon karin, illaa dhulalka kale la soo xoraynayo. Waxaa la qoday dhufaysyo waawayn oo xattaa taangiga aan la arkayn. Waxaa dagaalka si rasmi ah u soo galay Ciidamadii rasmiga ahaa ee Soomaaliya. Wax la qarinayey markaas ma jirin,  sababtoo ah Mingiste wuxuu u duulay Moscow, isagoo Midawgii Soofiyeeti waydiistay taageero milleteri. Illaa Xudduudda Djibouti illaa buuraha Harar ayaa la isku xiray difaaca. Xargaha Isgaarsiinta oo la dhigay dhulka dhufaysyada dhexdooda ah, oo haddii waxyari soo dhacaan halmar laga jawaabayey khadka. Dawlad xoog leh inaan nahay, waa markii aan yiqiinsaday. Wax isla hadlaya majiraan. Nin walba, wuu yaqaan shaqadiisa iyo madaxdiisa. Dishibliinka Ciidamadu, wuxuu ahaa 100%. Waxaan ogaa dhawr askari oo faraxumeeyey gabdho deegaanka ah oo la toogtay, sababtoo ah waxaa la yiri waxa aan u nimid waa iyaga xorayntooda, ee ma ahayn inaannu kufsanno.

Waxaa aad u dheeraaday masaafada ballaaran ee ay ciidamadu ka dagaallamayaan. Dhulku ma ahayn, dhul ay hore u yiqiineen Ciidamadu. Togagga iyo balliyada iyo taagagga, ayaan dhibaato wayn kala kulannay. Waxaan indhahayga ku arkay gawaaridii waawaynaa oo ay ku raran yihiin hubka sawaariikhda oo intuu darawalkii qaban waayey bareeggii, ka duulay haadaan. Kadibna aan gaarin laagta hoosteeda, askartii oo koofiyaddoodii gashan, ayaa qaarna ka soo laalaada geedaha, qaarna gaariga ku dhexjira iyo lafahii askarta, si looga soo saarana ay adkaatay. Dhulkiina way ka tageen,  hoos iyo laagtiina ma gaarin. Gabi dheer bay ka lalmadaan. Waa waxyaalihii aan ka sabri waayey.

 

Ma jecli inaan carrabaabo magacyo gaar ah, hayeeshee waxaa xukumay ciidamada Generaal Geelqaad, marka laga soo tago Generaal Galaal oo ahaa Taliyaha ugu sarreeya ciidamadii ka dagaallamayey Woqooyi oo dhan. Ogoow ciidamada Woqooyiga ka dagaallamayey waxay ahaayeen kuwa ugu badan 3 meelood 2 meel guud ahaan ciidamada Soomaaliya. Waxaan ku qiyaasay inay gaarayeen 50.000 Waxaa dhab ah markii dagaalku socday 7 bilood, waxaa dhintay boqolkiiba 50% ciidamada Soomaaliya. Waxaa sidoo kale kalabar dhintay saraakiishii ugu aqoonta iyo khibradda badnayd Soomaaliya. Warkaygu ma aha waxaan ka maqlay hebel, ee waa goobjoog ninkani. Waxaan indhahaya saaray curubyo dhan oo Madaafiicda goobta ah, oo Madaafiic ku garaacaya magaalada Dirirdhabe iyo Safafka hore ee ciidamada Ethiopia oo lala helayo madaafiic ay buuraha ka soo ridayeen Kuuba.  Halkaasna ku baab’ay. Ururkayguna buur u dhaw halkaas aan kujirnay, kana ilaalinaynnay halkaas dhabarjabin.

 

Saas ooy tahay ma qabin wax walwal ah, sababoo ah 99% dhulka annagaa joogna oo ka talinna. Nolosha ciidamadu aad bay u wanaagsanayd. Majirin wax kala go’aya oo ahaa hub, saanad iyo raashin midna. Warshadaha Soomaaliya waxa ay soo saaraan, waxaa naloogu keeni jiray furimaha hore ee dagaalka sida Warshaddii Kalluunka Laasqoray, tii Hargaha iyo saamaha oo kabo soo saari jirtay waloow kabahaasi markay biyuhu taabtaan qallafi jiray oo na goyn jireen. Inta badan marka aan dilno askariiga Xabashka ah, ayaan ka furan jirnay kabaha. Iyagu waxay gashanaayeen kabo wanaagsan oo biyaha u adkaysta. Anigu siyaasi ma ahayn, laakiin waxaan ogaa Saudi Arabia timirteeda oo jawaanno ku jirta in loo rasayn jiray sidii buuro aagagga hore ee dagaalka. Hub fudud oo Masar ka yimid iyo East Germany oo AK-47 ay samaysay aan arkay. Qorigaasu qori laba naastro leh ayuu ahaa. Wuuna kululaan jiray marka ay ka dhacaan rasaas badan. Waxaan kala garan waayey qoryahaas ma dagaalka kahor buu keenay mise kadib.

Qore

Jen. Aadan Maxamed Aw-Kaahiye

Awrka Cirka

La soco……..

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

Leave a Reply