200 oo Wiil oo Soomaaliya, oo wax wayn ka baddalay dagaalkii 1977-1978. Qaybta 3aad.

 

 

Billawgii dagaalka

Waxaa la isku xiray Xudduudda Soomaaliya iyo Djibouti u dhaxaysa iyo Xudduudda Ethiopia isku mar. Djibouti markaas xor ma ahayn. Waajibaadka Ciidamadii Soomaaliya la siiyey ayaa ahaa in iskumar hawlgal la billaabo. Meel kale oo ay Xabbadi la billaabatay majirin aan ka ahayn furinta Boorame iyo dhulka caasha ku haya Djibouti. Waa dhul ballaaran oo ay u badan yihiin Ciise iyo Samarroon (Gudabiirsi). Ciidamadii Miinada, ayaa hawl wayn qabtay oo intay habeenkii miino ku wareejiyaan saldhigyada Xabashida kadibna annaga noo sheegi jiray halka la marayo labada calan ee cascas dhexdooda, ninkii meel kale mara ay isaga u taallo.

 

Waxaa dagaal wayn ka billaabmay dhammaan Xudduudda Ethiopia iyo Djibouti iyo Soomaaliya. Runtii way yarayd iska caabin wayn oo lagala kulmaayey Ciidamadii Libaaxyada Ethiopia la baxay. Mararka qaar annagoo aan soo gaarin, ayey ka sii bixi jireen dhufaysyadooda. Run haddaad doonaysaan halmar baan dhufays qotay illaa laga gaarayey Harmukaale oo Dirirdhabe u jirta qiyaastii 23 kilometer. Taas micneheedu, waa in la eryi jiray, laakiin aysan dagaallami jirin. Waxaa aad noo caawiyey waxay ahayd, in dhulka lagu dagaallamayo uu ahaa dhul Soomaaliyeed. Dadkuna taageersanaa Jabhadaha Soomaaliyeed ee Xoraynta u yimid.

 

Waxaa la isla soo galay gudaha dhulka ay sheegato Ethiopia. Ciidamadii Soomaaliyeed marka ay dadka la hadlayaan, looma turjumayo,  laakiin Xabashka turjubaan buu wataa. Taas micnaheedu waa in dhulku yahay dhul Soomaaliyeed,  laakiin xoog lagu haysto. Hal bil bay nagu qaadatay inaan gaarno daafaha Dirirdhabe. Waxaa amar ka yimid Muqdisho naloogu sheegay, in aan xiranno dhufaysyo rasmi oo waawayn iyo in aanan halkaas dhaafin (Kadarcaday). Sababtoo ah waxaa la doonayaa in la hawlgaliyo dhammaan ciidamada Koofurta iyo gobollada dhexe oo la xoreeyo Godeey, Qabridahar, Shilaabo, dhagaxbuur, Jigjiga iyo dhammaan dhulalka kujira caloosha wayn ee Khariidada kujirta.

 

Dhinaca kale, waxaa batay maxaabiista Xabashida ah ee lagu qabanayey aagaggii aan anigu joogay. Magaalooyinka Xabashida kujirta ee rayidka Ethiopiaanka ah, waxaa iyaga soo qabanayey shacabka Soomaaliyeed ee halkaas deggan. Ciidamadii Ethiopia maxaabiistooda inta badan marka la qabto, waxay sheegan jireen inay yihiin Eretarian. Waxaan xasuustaa habeenkii in geedaha waawayn hoostooda looga qaadi jiray interview waraysi ah oo waxaa  nala socday rag yaqaan Xabashka iyo luqadda Eriterianka labaduba. Kii been sheega, isagay u taal.

 

Magaalooyinka Adagaale, Ashaaca iyo Harawa oo ah halka uu maro khadka tareenka isku xira Djibouti iyo Dirirdhabe, annagaa la wareegnay. Si wanaagsan, ayaa dhaqdhaqaaqayagu ugu fiday dhul baaxad leh oo Ethiopia ah. Waxaa shiddo nagu noqotay kala hufka iyo daadguraynta Maxaabiista oo loo soo gudbin jiray Hargaysa. Si wanaagsan, ayaa loola dhaqmi jiray Maxaabiista Xabashida. Kii ay caddaato inuu yahay Eriteria, waa la sii dayn jiray. Waxaan ku dadaali jirnay, inaan kala jabinno awoodda Ciidankooda oo la ogyahay in Xiriir qoto dheer ka dhaxayn jiray Soomaaliya iyo Eriteria.

 

Soo dhawaynta dadka deegaanka ah

 

Ma arag waligay dad ka Soomaallinnimo jecel dadka Ciisaha ah iyo Samarroon. Markay ku arkaan adigoo meel socda, waxaad ka filanayssa intuu ku kaxeeyo oo geed ku hoos fariisiyo ayuu kuu soo qalayaa neef ari ah. Hilbaha inta ragga la siiyo, ayuu kuu keenayaa. Sida garabka, daqayda, sararta iyo murqaha jeeniga neefka. Aniga gaar ahaan dhawr goor baa la ii loogay. Caanaha oo dhawr nooc ah, way la socdaan hilbaha. Waxay wadan jireen qori dheer oo 11-le ah iyo kiishaddii rasaasta iyo toorri dheer oo ay u yiqiinneen “Golxoq”. Waxay noo ahaayeen dhulyaqaan, xogta halka Xabashku joogtana, way noo keeni jireen warbixinta. Aad baannu ugu mahadnaqaynnaa Soomaalida halkaas dagta.

Qore

Jen. Aadan Maxamed Aw-Kaahiye

Awrka Cirka

La soco……..

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply