Ma ihi nin waxwalba og. Intaan ogaana, wax badan baan ka booday oo aan ka xishooday sida magacyada dadka iwm. Sababtoo ah waxaan ogahay halka aan wax ku soo qorayo, inay tahay facebook. Sheekooyinka aan ka hadlayo dadkii ay khusaysay, inta badan way dhinteen ama waa hawlgab. Sidaas awgeed, waxaad taariikhda aan idiin sheegay ka eegtaan, dhinaca wanaagsan.
Markii loo caalwaayey jabka iyo habqanka ku dhacay ciidamadii soomaaliyeed, ayaa saraakiishii ugu sarraysay waddanka ku dhacay walwal wayn iyagoo arrinta fududeeyey, lana tacaalay in kuwa hadda gacanta lagu hayo la xannaaneeyo. Waxaa la baxshay mushaar hal sano ah oo aan qaatay, inkastoo mushaarkayga barkii aan u saxiixay aabahay intaanan dagaalka soo aadin. Barkii kale oo ahaa lacag aad u badan, ayaan qaatay. Waxaan ka mid noqday ciidamo hargaysa la keenay. Dhaawac fudud baan ahaa. Isbitaalkii ciidamada hargaysa ku yiil ee meesha taagga ah ku yiil baan dhawr maalmood joognay.
Waxaan la socday in intii aannu joognay goroyo-cawl rag badani kacsanaayeen, laakiin iyaga aan dhaafsiisnayn. Boorame markii la yimid sidoo kale, warar baa jiray. Waa la kala lumay durba. Waxaa rag badan u xiiseen in mar uun halkan ay ka tagaan oo xaasaskoodii iyo carruurahoodii ay arkaan. Ninna kuma dhaco, inuu soo baxsado kaligii. Koontroollada waxaa la dhigay ciidamo qaqabanaya kaliya askarta woqooyi ka soo jabtay ee u soo socota muqdisho. Jawhar, beledwayn, gaalkacyo, laas-caanood, burxo, balcad dhammaan inta laamigu maro waxaa la dhigay ciidamo.
Anigu reer ma lahayn oo markaas maba guursan. Waxaan aad u jeclaystay in maadaama aan gutay waajibaadkii iga saarnaa qaranka, inaan reer yeesho. Waqtigu markaas waa dhammaadka january, 1978. Kiish lacag ahna waannu sidannaa. Lacagtii meelaynteedii baa hawl kale nagu noqotay. Xawilaadi ma jirin.
Waxaa samaysmay saraakiil, saraakiil-xigeen hab qabiil iskula shawra. Anigu markaas qabiil aan raaco iska daayee, ma aaminsanayn qabiil.
Intaas haddaan warka ku soo gaabiyo, waxaan si reer-magaalnimo ah u imid muqdisho oo aan iska xaadiriyey taliskii guud. Waraaqo darbiga lagu soo dhajiyey ayaan arkay oo ay ku qoran yihiin dallacaado iyo billado. Inta badan ragga halkaas ku qoran, waa raggaygii aannu isla soo jabnay hal sano. Anigu waan ku jiraa sidii loo kala wanaagsanaa, ayaa loo soo kala qoray. Ilaahay wuxuu igu ogyahay magacayga waxaa iigu qoran 3 darajo oo isla socda iyo billad geesi. Waxaan u qaatay ninka soo gudbiyey warkaas inuu ahaa sarkaalkii ururkayga madaxda ka ahaa ee aan isla soo dhaawacannay. Maanta wuxuu joogaa xamar isagoo wanaagsan oo dhawr iyo toddobaatan jir ah. Allaha cimriga iyo aakhiradaba u barakeeyo.
Markaan imid muqdisho, baan maqlay raggii hargaysa agteeda lagu laayey. Cid laysay iyo waxa lagu dilay iyo sheekada ka dambaysay ma garanayo. Waxaanse ogahay inay ahaayeen rag darajooyin iyo billado muqdisho u yaalleen. Su’aashu waa haddii madaxda sare ee dalku laysay, maxaa darajada iyo billadaha loo siiyey. Ma generraalladii mohamed siyaad ka hoosay baa dilay ma garanayo. Intaas qodobkaas aan uga haro.
Burburkii kadib, waxaa samaysmay jabhado ku dhisnaa qabaa’illo. Ragga hoggaaminayey ciidamadaasi waa raggii ka soo laabtay dagaalladii 1977. Waa raggii ugu khibradda badnaa ee dawladdu wax loo bartay. Waxay ahaayeen rag xul ah oo kujiray snm, usc, ssdf iyo kuwii kale. 70% way ku dhinteen dagaalladaas. Idinku ama ku magacaaba geesiyaal, mujaahidiin ama waxaad doontaan. Waxay dhawr goor ay iigu yeereen inaan ka mid noqdo jabhadahaas, gaar ahaan kuwii koofurta. Waan ka cudurdaartay dhammaantood. Sababtoo ah soomaali baa dilaysa soomaali kale. Haddaadan dalkayga iyo dadkayga waxba aanan u tarayn, waa inaan dhibkayga ka daayo, ayaan ku dhihi jiray saaxiibaday. Kulli waxay wax ku soo barteen dhaqaalihii waddanka. Sarkaalka ugu sarreeya ciidamada djibouti ee hiiraan jooga, waa raggaygii. Hiil-walaal. Wasiirka arrimaha gudaha somaliland mr. Kaahin waa raggaygii 26aad. Waxaa ay dad rumaysan yihiin in dagaalkii 1977, uusan ku salaysnayn diinta islaamka, waxaan ilaahay hortiisa markhaati ka ahaa in culumo soomaali ahaa oo saraakiil ahaa inay goobaha dagaalka ciidamada ugu dhigi jireen qur’aanka iyo axkaamta shareecada. Geedaha hoostooda, ayaa lagu baran jiray. Boqol-boqol baa loo fariisin jiray. Markaas casharka la siiyo, boqol kale ayaa haddana la keeni jiray. Waxaan rumaysnayn haddana rumaysnahay in ethiopia iyo kenya gumaystaan dad soomaaliyeed. 200-dii boqol maanta waxaa ka nool waxyar. Intii dhimatay, allaha ka aqbalo, intii dhaawac ah, allaah ha u boogodhayo. Intii xoolo ku waayayna, allaah baddal khayr qaba siiyo. Qormadanna, allaha ku caafiyo kuwa xanuunsan.
Dhammaad
Qore
Jen. Aadan maxamed aw-kaahiye
Awrka cirka
La soco……..
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply