Markii dambe, ayaa hore loo socday. Waxaa na wada oo dhulka noo yaqaan nin ciise ah. Waa ciisaha dega djibouti, dirirdhabe, dhulka ballaaran ee u halkaas kuyaalla, xataa waxay dagaan gobolka salal iyo awdal. Iyagaa dhulka noo yaqaan iyo samarroon. Waxaan markii dambe gadaal ka soo galnay buuraha ka dambeeya dhufaysyada ay xabashidu kujirto. Doorbinno baan wadannaa. Waxaannu aragnay iyagoo kumanyaal ah, xaasaskoodii iyo qaar ka mid ah carruurtoodii meeshay la joogaan. Waxa naloo diray, waxaa ugu waynaa inaan soo ogaanno halka madaafiicdu taallo, taliskooda iyo taangiyada. Waa meelaha la rabo, in madaafiic lagu burburiyo hadhoow.
Hawshii qoraalka markii la dhammeeyey, ayaa rag waxay soo jeediyeen in hore loo sii siqo (durko) oo la raadiyo macluumaad ka badan, tan hadda aan haynno. Waa la isqabtay. Waxaa taliyihii amar ku baxshay in la laabto, maadaama aan haynno 80% wixii loo baahnaa.
Hadhoow baa nin aan waxba ogayn la dhihi doonaa, hebel baan saas ka maqlay. War hooy warkaan kaydsada oo buug ka qorta, haddii kale sheeko-dhagool iyo eeddaday baan saas ka maqlay ku noolaada. Waxay inoo maraysay markii la isqabtay oo aan noqonno iyo yaan la noqone, caawa iyo habeen dambe nimanka aan ku dhexjirno dheheen. Taliyahii baa gooddiyey. Waana lagu raacay taladiisii. Waxaa la maray waddadii aan awal ku nimid, mid aan ahayn oo ninkii ciise nagu riday. Maalintii dambe, ayaan ku soo noqonnay taliskii, iyadoo nalaga warqabo oo nala sugi la’yahay.
Warbixin ballaaran oo taliyuhu khariiddada ku bixiyey kadib, nin walba ururkii uu awal ka yimid buu ku laabtay. Waxaa markiiba la qorsheeyey qorshihii labaad oo ahaa laba taangi iyo 150-ka nin. Sidii loogu talogalay, ayey ku dhacday labaduba. Waxaan ka hadlayo waa khibradda saraakiisha soomaalidu halka ay gaarsiisnayd. Halkaas sano oo aan furinta joogay, wali ma arag nin caddaan ah oo la shaqaynaya ciidamada soomaalida aan ka ahayn qaar nolol lagu qabtay. Kaliya qorshaha dagaalku wuxuu ahaa “made in somalia “. Subixiiba lama sugine, waxaa lagu dhardhaaray guluf cilmiyeysan oo dirirdhabe ku wajahan. Durdurada hore, xabashidu way nagu yaqaaniin iyo inaan nala hor-istaagi karin. Taangiyagu wuu ka awood badan yahay, kan xabashida. Waxaan wadannaa t-64 iyo t-74, madaafiicduna waa hawzer d-30 iyo madfaca 128 gaara. Ma nihin rag cusub, hal sano baan isjafaynnay annaga iyo xabashida.
Dirirdhabe markaas waxaa u badnaa soomaalida. Hadda waxaa ka qaaday oromo. Sida amisom markay dhexmarayso muqdisho loo daawado, ayaa dirirdhabe na naloo daawaday maalintaas. Shacabka qaar caleemo qoyan ruxayeen. Isla markiiba, waan ka baxnay magaalada, waxaan ku noqonnay saldhigyadii magaalada ujiray 15 kilometer. Waxaase waxwayn ahaa aamusiintii madaafiicdii awal nafta noo keenay ee ku rakibnaa buuraha magaalada. Ciidamadayada dhulka, waxay iska qariyaan dayuuradaha dagaalka ethiopia, laakiin iyaga ciidamadoodu kama baqi jirin dayuuradaha dagaalka soomaalida. Sababtoo ah dayuuradaha soomaalidu ma duqayn jirin goobaha dagaalka, iyagu dayuuradahoodu waannu isla joognay galab iyo subaxba.
Sanadkii hore, ayaan safar ii gooni ah ku tagay djibouti. Waxaan saf dheer u galay dawladda hoose ee djibouti. Markii waqtigii dhammaaday, baa nala yiri “waqtigii wuu dhammaaday maanta ee barri soo noqda”. Dadkii markii ay billaabeen inay kala tagaan baan anigu isasoo taagay oo iri “ma tagayo” oo aan buuqay. Waa la isku kay yimid oo la i yiri odayga see camal. Askarigii albaabka joogay baan ku iri “idinkuna albaabkaad iga xirateen, aniguna xornimadii djibouti markay qaadanausay waxaan samaynnay miyaad ogtihiin. Askarigii wuxuu ugalay madaxii dawladda hoose sheikh cabdulqaadir. Wuxuu ku yiri ninbaa bannaanka taagan oo diiday inuu tago. Wuxuu ka warramayaa xorriyaddii djibouti. Sheikh cabdulqaadir wuxuu yiri soo gali. Waxaa xafiiska kujira illaa 4 nin oo madaxdii ah. Waxaa la yiri bal warran?
Waxaan iri:
“maalintii djibouti ay qaadanaysay xornimada, waxaan ka mid ahaa ciidamadii soomaaliyeed ee xiray xudduudda djibouti iyo ethiopia, si aysan ethiopia u carqaladayn munaasabadda calansaarka. Idinkuna maanta albaabkii baad iga xirateen”. Waa la isfiirshay. Waxay dheheen arrinkani waa arrin naga wayn. Dhallinyaraannu nahay, laakiin waxaan kuu samaynaynnaa wixii aad maanta doonayso. Shaah baa la ii shubay. Waa la i karaameeyey. Waxaan doonayeyna, markiiba waa la ii saxiixay.
Qore
Jen. Aadan maxamed aw-kaahiye
Awrka cirka
La soco……..
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply