200 oo Wiil oo Soomaaliya, oo wax wayn ka baddalay dagaalkii 1977-1978. Qaybta 1aad.

Sheekadaan meelo badan ayaan ku arkay, qofka qoray in aan helo ayaan isku dayay balse dad meela kala gadisan soodhigay waa ka waayay in ay isiiyaan meel aan kala xariiro qofka qoray, muddo hal gu’ ah ayaan isku dayay in aan helo qoraaga, waanse waayay, waana sheeko aad u wanaagsan oo wadaniyad ay ku dheehan tahay, waxaana jeclaystay in aan la qaysado akhristayaashayda, mar labaad qofkii sheekada qoray oo magaciisa ku soo koobay awrka cirka si aan ula xariiro waan waayay, ee haddi qofkaas uusan raali ka ahayn in aan sheekada soo bandhigo ha ila soo xariiro waan joojinayaaye, in kasta oo aan filayo sooyaal wanaagsan oo soomaalidu ka faa’iidaysanayo siiba da’da yar in la sii faafiyo in aan qoraagu wax dhiba u arakayn, akhris wacan

 

Waligay Soomaaliya dambi kama galin, waxaan u taro mooyee. Kamana mid noqon ciidamadii ku dagaallamayey Waddanka burburkii kadib, waloow ay ku dhammaadeen Saaxiibbaday.  Afkayga iyo addinkayga kagama qaybqaadan waxyeellaynta dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Sababtu waa anigoo aan waligay liqin, xiran ama nacfi ka helin qabiil. Waxaa i koriyey oo wax i baray oo aan u shaqaynayey Dawladdii markaa jirtay. Aabahay ayaa i geeyey Xeradii lagu xannaanayn jiray wiilasha ee Jannaale ku tiil. Kadibna waxaa naloo soo baddalay Xeradii Ceel-Munye oo markii dambana loo baxshay Ceel-Jaalle.

Markii uu dhashay Kacaankii 1969, ayaa naloo soo baddalay Xerada Lafoole, halkaas ayaan uga baxay dugsigii sare. Halkaas ayaan markii dambe ka qortay Ciidamada Qalabka sida. Waxaannu ahayn 200, dawladduna aad bay noogu dhaaran jirtay. Jaalle Siyaad oo laba sano xukunka haya, ayaa amar ku baxshay in nala mariyo tababar adag oo Kamaandawskii ugu horreeyey ee Waddanka gudihiisa ka soo baxa. Bishiiba mar ayuu madaxwaynuhu noogu iman jirnay Xeradii Xalane oo markaas magaca laga baddalay, lana oran jiray “Bootiko” Wali waxaa yaalla oo la arkayaa godadkii dhufaysyada ahaa ee aan ka qodi jirnay buuraha ka korreeya Xalane, una dhaw Ceel-huur iyo Muuri. 2 sano, ayaan soo dhammaysannay oo ahaa tababar ku saabsan nooc kasta oo hub ah, dajinta Kaartada dagaalka, dagaalgalinta ciidanka iyo Mashruuca udhabar-adaygga Mushkiladaha kula soo darsi kara.

 

Xafladdii lagu soo xirayey tababarkayaga waa la wada joogay, Wariyeyaashuna waxay tabinayeen habka Qalaabarogadka iyo xeeladaha lagu dhexmarayey istaakulada iyo dhexmarka garaangirta dabka lagu shiday. 21 October 1973, waxaan soo marnay tarbuunka annagoo raran, guuxa iyo hiinraagana aan kala joojinayn. Madaxdii meesha fadhiday iyo caddaanba, waxay la yaabeen sida aannu isula helaynnay jaanta iyo wajigayaga oo aysan ka muuqan wax naxariis ah. Sanad kastana sidaas ayaan ahayn.

 

Illeen waxaan ahayn rag dawladdu wadato, isla markaasna u qalmaye, waxaa markiiba nala siiyey garaaddo aanan hadda halkan ku sheegi karin oo isku si safmar ah naloogu xiray 200 ee aan ahayn.

 

Waxaa la soo gaaray 1976 oo aannu kujirnay fasax aan ku joognay magaalada Muqdisho. Waxaa nalagu wargaliyey inaan degdeg ku soo xaroonno dhammaantayo. Illeen Kabtankii madaxda noo ahaa, tababarkana naga saaray oo hooyadiis ay ahayd Soomaali, aabihiina Ereteria, ayaa dawladdu waxay u xilsaartay inuu madax ka noqdo Cutubyo sir ah oo loo ekaysiinayo Soomaali-Galbeed (ONLF). Kaas oo kaxaysan doona ciidammo Soomaali ah, iskana dhigi doona inay yihiin

Jabhad la daggaallamaysa Mingistu Xayle Maryan, laguna xoraynayo Walaalaha Soomaali-Galbeed. Kabtankii wuxuu codsaday in la raaciyo 200 wiil ee uu tababarka adag la soo maray,  haddii kale wuxuu yiri halla iga daayo qorshahaas. Jaalle Siyaad, ayaa gacantiisa ugu saxiixay in nala raaciyo Kabtankan yaqaanna dhulka iyo Afka Amxaarka.

 

Dhammaadkii 1976, ayaa dhammaantayo nalagu soo ururiyey Xero ka mid ah Xerooyinka Ciidamada. Waa nala sagootiyey, waxaana nala siiyey waajibaadka naloo diray iyo in Madaxda dalku nagu qabto rajo wayn inaan ka soo dhalaali doontaan hawshaas. Nalooma oggola madaafiic iyo taangiyo midna. Illeen waxaa la rabaa in nalaga dhigo jabhad. Dardaaran nagu filan, ayaa nala siiyey. Annaguna ma nihin rag soo jeesanaya oo waa wixii naloo tababaray iyo inaan fulinaynno hawl-qaran.

Qore

Jen. Aadan Maxamed Aw-Kaahiye

Awrka Cirka

La soco……..

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply