Madaxweyne hore ayaa wuxuu lahaa gabar saaxiibtiis ah oo qarsoodiya, maalin ayaga oo isla jooga ayay tiri,
“Macaanoow ma I jeceshahay?”
“Ha, aad”
“Aniga iy baarlamanka kee jeceshahay”?
“Adiga”
“Dalka iyo anigana”?
“Adiga”
“Adiga nin rag ah ayaa tahay, xildhibaan iyo dad miyaa ka baqdaa”?
“Maya, maya”
“Macaanoow, dalka aad guriga ka gadatay anna guri iiga gad aan kuu dhawaadee, kaama dheeraan karee”
“Waa lacag badan guryahaas”
Intay fiirisay ayay tiri
“Malaboow, kaalay dhabta iigu soo fariiso, kaalay baby”
“Ima celin kartid”
“Waan ku celin kara ee kaalay xabiibii”
Dhabtuu kaga fariistay, wuxuu la yaabay in ay qaadi karto, markaasuu yiri
“Wlh waad iqaadi kartaaye”
“Naag wax jecel sow maahi baby, sideen kuu qaadi waayay, adna ma I jeclidoo xayaatii?”
“Haa”
“Aniga iyo lacagta kee jeceshahay?”
“Adiga”
“Macaanoow, lacag xun miyaa iga qiima badan aniga?”
“Maya wallaahi, xabiibtii”
“Baby, marka maxaa iigu diiday in aad guriga ii gadid, adiga miyaa lacag jeebkaaga ka baxaysaa”?
“Maya, lkn xoolaan dadka iyo dalkaan iska leh macaanto”
Waa ay is oohisay,
“Aniga dadka soomaalida miyaa iga fiican, aygaa jeceshay ani ima jeclid waan arkay”
“Wallaahi billaahi tallaahi adaan kaa jeclahay”
“Guriga iigad marka, haye dheh xabiibii”
“Haye”
Xoolaheeni waxay ku dhamadeen waa waxaas oo kale,
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Leave a Reply