Markay cabbaar socdeen, ayaa waxaa ka hor yimid nin oo weydiiyay:
“Miyaad aragteen rati iga soo baadiyoobay?”
Markaasuu Mudarمضر wuxuu yiri:
“Ma cawar baa?”
Ninkii wuxuu yiri:
“Haa”.
Rabiicahnaربيعة\ wuxuu yiri:
“Ma rati dhutinayaa?”
Wuxuu yiri:
“Haa”.
Iyaadnaإياد\ wuxuu yiri:
“Ma rati sayn go’an baa?”
Wuxuu yiri:
“Haa”.
Anmaarnaأنمار\ wuxuu yiri:
“Ma rati baadi ah baa?”
Wuxuu yiri:
“Haa”.
Markaasuu ninkii intuu farxay ayuu wuxuu yiri:
“Tilmaamahaasi waa tilmaamaha ratigeyga ee mee?”
Markaasey kulligood waxay yiraahdeen:
“Ma aanan arag”.
Ninkii ragga wuu ka shakiyay, wuxuuna yiri:
“Sideebeydnaan u arag adinkoo tilmaamihiisa iigu tilmaamay?”
Waxay yiraahdeen:
“Waxaan ku niri ma aanan arag”.
Markaasey xagga faaliyihii Al Jurhamiiالجرهمي\ sii aadeen, isagoo ninkiina uu raadkooda ku joogo. Markay Najraanنجران\ galeen oo ay guriga Al Jurhamiiالجرهمي\ galeen, ayuu ninkiina guriga ka daba galay, oo uu qaalligaas uga dacwooday raggaas ratigiisa u tilmaamay, kaddibna indhohoodu waxay arkeen oo ay tilmaameen beeniyay, wuxuuna yiri:
“Raggaan waxay qaateen ratigeyga, oo intay tilmaamihiisa iigu tilmaameen ayay hadana yiraahdeen ma aanan arag.”
Markaasuu qaaligu xagga Mudarمضر u jeestay oo uu indhihiisa indhaha u saaray oo uu yiri: “Sidee baad u ogaatay inuu cawar yahay?”
Mudarمضر wuxuu yiri:
“Wuxuu daaqay dhinac, dhinaca kalena wuu ka tegey, markaasaan ogaaday inuu cawar yahay.” Markaasuu Rabiicahربيعة\ u jeestay oo uu ku yiri:
“Sidee baad ku ogaatay inuu dhutinayo?”
Rabiicahربيعة\ wuxuu yiri:
“Waxaan arkay in raadka labada jeeni uu midna dhulka ku sugan yahay, kan kalena uusan raadkiisu si fiican u muuqan, markaasaan ogaaday inay sababta uu la muuqan waayey ay tahay xoogga uu dhulka ugu dhuftay.”
Markaasuu wuxuu Iyaadإياد\ ku yiri:
“Sidee baad ku ogaatay inuu ratigu sayn go’an yahay?”
Iyaadإياد\ wuxuu yiri:
“Waxaan ka ogaaday siday saaladiisu isu haysato, oo hadduu sayn lahaan lahaa wuu dhaqdhaqaajin lahaa oo uu saalada kala firdhin lahaa.”
Markaasuu Anmaarأنمار\ wuxuu ku yiri:
“Sidee baad ku ogaatay inuu baadi yahay?”
Wuxuu yiri:
“Wuxuu daaqay meesha baadka iyo dhirta yar, umana uusan gudbin meesha ka daaq badan.”
Markaasuu qaalligii wuxuu ujeestay ninkii ratiga lahaa, wuxuuna ku yiri:
“Raggaani ma ayan qaadan ratigaaga, ee raadso”, ninkiina waa iska tegey isagoo la yaaban inayan ratigiisa arkin, ayna isla markaas siduu ahaa u tilmaameen.
Ilmo Nizaarنزار\ iyo Al Jurhamiiالجرهمي\
Markaas kaddib ayuu faaliyihii intuu ragga u jeestay ayuu wuxuu yiri:
“Yaad tihiin?”
Waxay yiraahdeen:
“Waxaan nahay wiilasha Nizaar bin Macadd bin Cadnaanنزار بن معد بن عدنان\.”
Markaasuu faaliyihii soo dhoweeyey oo uu yiri:
“Soo dhowaada oo ehelkiin ayaad u timaaddeen, maxaana noo kiin keenay oo aad dooneysaan?”
Waxay yiraahdeen:
“Aabeheen ayaa markuu dhimanayey wuxuu na yiri:
“hadduu shaki idinka galo sidaad maalkeyga u qaybsan lahaydeen, oo aad isku khilaaftaan, u taga faaliyaha Al Jurhamiiالجرهمي\.”
Marka waan isku khilaafnay dhaxalkii, markaasaan kuugu nimid inaad noo kala xukuntid.” Markaasuu isagoo yaaban wuxuu yiri:
“Ma anigaabad ii baahan tihiin, anigoo waxaan idinka arkayba idinka arkay?”
Markaasuu faaliyihii kacay oo uu ri u qalay, cunnana u sameeyey, khamro ay cabbaanna u keenay. Kaddibna wuxuu fariistay meel aan ayaga ka fogayn oo uu hadalkooda ka maqli karo, ayaguse ayan isaga u jeedin. Markaasey cunnadiina cuneen, khamradiina cabbeen.
Markaasuu Rabiicahربيعة\ wuxuu yiri:
“Hilibka maanta mid ka fiican hore uma arag, haddayan ahaan lahayn in rida caano ey lagu koriyay”.
Kaddibna Mudarمضر\ ayaa wuxuu yiri:
“Khamradaan oo kale hore uma arag, hadayan ahaan lahayn in geedka canabka oo laga soo miiray uusan qabri ka kor bixi lahayn.”
Markaasuu faaliyihii isla hadlay oo uu yiri:
“Kuwaani waxaan shayaadhiin ahayn ma aha.”
Markaasuu wuxuu u tegey haweeneydii khamrada sameysay, wuxuuna ku yiri:
“Khabarka khamradaan ii sheeg”.
Waxay tiri:
“Geedkeedu wuxuu ka baxay qabriga aabahaa dushiisa”.
Kaddib faaliyihii wuxuu u tegey ari jirkii uu rida kasoo gatay, markuu arrinka ridaas weydiiyayna wuxuu ku yiri:
“Waxay ahayd waxar aan caano ey ku koriyay, ayadoo ayan waxaro kale ariga ku jirin (oo ay hooyadeeda la nuugto), ayada hooyadeedna ay dhimatay.”
XIGASHO: laashin.com
QORE: Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply