UFO-ZIMBABWE YIMID

 

 

 

 

 

Gugii 1994, barayaashii iyo mas’uuliyiinta dugsiga Ariel School ee Ruwa, Zimbabwe way la yaabeen markii wax aan ka yarayn 62 arday ay sheegeen inay la kulmeen nasiib darro iyo cabsi aad u xun oo la xidhiidha UFO iyo dadkii saaraanaa xeedha duusha

Jimcihii, Sebtember 16, 1994, dugsiga Ariel School ee Jamhuuriyadda Zimbabwe – oo ah dugsi hoose oo gaar loo leeyahay oo qiyaastii 20 mayl ka baxsan magaalada caasimada ah ee Harare  ayaa noqotay mid ka mid ah kiisaska aan caadiga ahayn ee sooyaalka cilmiga ufology, markii dad fara badan oo kor u dhaafaaya lixdan carruur ah oo dugsiga dhigta ayaa sheegeen inay la ordeen oo la tartameen laba noole oo ka yimid aduun kale.

 

Dhacdadu waxay bilaabatay abbaarihii affar saac iyo shan iyo toban daqiiqo aroornimo. carruurtu da’doodu waxay u dhaxaysay 5 illaa 12 gu’ jir, oo isugu jiray Afrikaan, Asiyaatik iyo reer Yurub, waxay ku  ciyaarayeen garoon ku dhow dugsiga inta lagu jiray nasashada biririftii aroorta.

Carruurtu waxay sheegeen in intii ay ciyaarayeen ay arkeen saddex “kubbad oo midabka qalin ah leh” oo cirka ka soo dhacaya una soo dhacaya dhanka dugsiga,  oo si dhakhso ahna u soo jiitay dareenka kooxda oo dhan, si isdaba joog ah ayaa iftiin casaan ah u ii daynayeen oo qarsoomayeen oo uga soo muuqanyeen qayb kale oo cirka ah.

Sida laga soo xigtay goobjoogayaasha, waxyaabahan qalinka leh ayaa qarsoomay oo dib u soo muuqday saddex jeer ka hor inta aysan mid ka mid ah UFO ah ay si tartiib ah ugu soo dagtay dugsiga mel u dhow,  Caruurtii wal walsanaa ayaa sheegay in ay ku soo dagtay meel u jiray  sagaashan mitir halkii ay ku ciyaarayeen, kolkii kuwii kale ay dul heehaabayeen meel aan fogayn.

Kobta ay UFO  ku degtay mamnuuc ayay ka ahayd carruurta, sababtuna tahay waxaa ka baxayay goobtaas geedo badan oo qodxa leh, waxaana ku jiray masaska sunta leh iyo caarooyin,  dhisme ama darbi ku wareegsan bannaanka dugsigana ma jirin. Caruurtii oo baqdin badan ku jirto  ayaa bilaabay inay u dhowaadaan walaxdaan aan caadiga ahayn.

 

Yaabkii wuxuu sii batay markii wax madow oo qaab baniaadam u eg uu ka soo baxay xeedhada meel kore, oo dhererkiisu sarajooggiisu ahaa hal mitir,. Markhaatiyaashu waxay sheegeen in dhar dhalaalaya oo ku dhaggan uu qabay, uuna la lahaa  qoor dhuuban, fool dhuuban, gacmo dhuuban iyo lugo dhuuban, timo madoow oo dhaadheer iyo “indho waaweyn oo sida kubadaha rugby lagu ciyaaro u samaysan.”

sida muuqata noolihii oon aan ka warqabin tirada sii kordhaysa ee daawadayaasha, ayaa hoos ugu soo dagay dhulka waxna ekayd in uu sahaminayo dhulka, waa uu bood boodayay sida dayaxa korkiisa marka lagu socdo,  balse  aan ahayn boodniin aad u badan.”

 

Tilmaantaani waxay lamid tahay tii ay sheegeen laba finland ah oo geeda jarayaal ah, oo 1971, sheegatay inay la kulmeen noole waqalka [space] ka yimid oo dhar cagaran oo ku dhaggan xiran oo dhererkoodu yahay hal mitir, loona  yaqaanay ‘KINNULA HUMANOID’, un amuuqaday in aysan lahayn miisaan culus markii uu dhulka adag dul joogo,

 

Markaas ayaa noole labaad oo dhalaalaya kasoo muuqday walaxdii korkeeda, halka kii horena uu u soo dhaqaaqay dhinicii carruurtii daawanaysay.

Ilmaha yari, iyagoo aad uga argagaxay arimahan foosha xun ee argagaxa leh, waxay bilaabeen inay qayliyaan oo kaalmo dalbadaan. Sida muuqata waxay rumeeysteen in noolhaan yihiin jinniyo loo yaqaan ‘TOKOLOSHI’, oo khuraafaad ah, kuwaaso caan ku ah cunista carruurta. Caruurtii argagaxsanayd kuwoodii yar yara ayaa u orday dhinicii dugsiga oo uga tegay goobtii ardaydii waa weyned.

Bani aadam u ekihii ugu horreeyay, ayaa si ka dis ah uga war helay indhaha dhallinyarada eegaysa dhaqaaq kasta oo uu sameeyao,  si lama filaan iyo digniin la’aan ayuu u mirqay. Il biliqsiyo gudahoodna asagii ama mid u eg uga soo muuqday xeerada duusha gadaasheeda,. Labadii bani aadam u ekana  si tartiib tartiib ah ayey u daawanayeen carruurta.

Markii carruurtii argagaxa naxdinta leh la oradaysay soo galeen dugsiga, gudaha dhex ee dugisu waa uu bannaana, waayo barayaashii dhammaan waxay ka qaybgaleen kulan dugsi. Ka dib carruurtu waxay la kulmeen hal qof oo  weyn, hooyada dhashay mid ka mid ah ardayda oo ka shaqeyneysay dukaanka dugsiga, oo cuntada fudud iyo nacnaca iyo cabitaanka lagu iibiyo. Nasiib darro se, haweeneydan aan la magacaabin waa ay diiday in ay ka tagto shaqadeeda ilaalo la’aan, iyada oo rumeysneysnayd sida dhici karta, in waxay sheegayaan oo dhami ay been tahay oo ay doonayaan carruurtu markay baxdo in ay nac naca iyo mac macaanka xadaan.

 

Barayaashii dugsiga ayaa markii dambe qirtay in lix iyo lixdan carruurta ah aan la ilaalinin intii ay ku sugnaayeen bannaanka dugsiga inta lagu guda jiray fasaxii aroornimo, waxayna sheegeen inay iska dhego tireen qaylada cabsida leh ee ardayda, iyagoo u maleynaya inay yihiin wax aan ka badneyn qeylada dheer ee badanaa la xariirta ciyaarta carruurta dugsiga.

Ardaydii da’da weynd ee banaanka joogtay, oo ku ku faraxsanayd la kulanka noolayaasha, waxay sheegeen in nooluhu kula hadlayeen maskax ka xariir [telepathically], midba midka kale kula xariirayay, weli ayada oo baqsan ayaa gabari waxay tiri  “indhahooda argagaxa leh.”

Arday kale, oo loo yaqaan magaca “Elsa”, ayaa sheegtey inay dareemaysay naxdin maalintii oo dhan, oo ay kari weyday in ay ka saarto muuqalkii  naxdinta lahaa ee maskaxdeeda ku dhex abuureen bini-aadam u ekayaashii. Waxayna rumaysan tahay inay doonayeen inay u gudbiyaan aadanaha digniin culus, si ay u joojiyaan burburinta meeraha dhulka ama bani aadamku ay la kulmaan cirib xumo.

“Adduunku wuu dhammaanayaa, maxaa yeelay innagu ma daryeelno meeraheena ama hawada. Sida geedaha oo dhammaanaya ama yaraan doona, hawana ma jiri doonto. Dadku way dhiman doonaan. aragtidaas waxaan ka daalacday indhaha ninkii bani aadamka u ekaa ” ayaa mid tiri

 

“Isabelle” oo 10 jir ah ayaa sidoo kale cadeeysay sida ay uga baqayeen noolahaas, “Wuu ku eegaya,  Wuxuu ahaa mid cabsi badan. Baqdin aan ka baqayo Ayaan u eegayay”

Elsa waxay sheegatey in ay dareentay dareen aad ah markii ay eegaysay nolaha, dreenkaas ay ka dareemaysay in nooluhu wax u sheegay waxay ahayd

“Wax yeelo ayaan ugeyneynaa Dhulka.”

Arday kale ayaa sidoo kale tilmaamay in nooluhu u ay muuqdeen inay dareemayaan in tikniyoolajiyada aadanahu ay si dhakhso ah u korayso oo ay xakamayn waayi doonaan, waxayna soo jeedisay ayada oo ka hadlaysa axay noolha maskaxdiisa ka daalacata,  “Wax baa dhacaya… waxaan aan u baahan nahay inaan ka taxaddarno teknolojiyadeenna.”

Kadib farriimahaan aamusnaan lagu soo gudbiyay, balse lixaadda weyn -oo umuuqda mid si toos u sii adkaynaya  digniinaha muuqda ee maalinkasta aan aragno,  ayaa walaxdii  midabka qalnika lahayd xawaara sare ku duushay oo qarsoomeen, dhacdan oo dhami waxay qaadatay shan iyo toban daqiiqo.

 

Leave a Reply