Poirot barkinta hoosteeda ayuu gacanta galiyay, wuxuu ka soo saaray bastooldii uu ratchet tusay maalin ka hor.
“Maraykan kaan muxuu isku difaaci waayay? Xabadihii waa dhan yihiin, arag”
Qolkii ayay eeg eegeen, dharkii ratchet si habsami ah ayay u suran yihiin iridka gadaashiisa, miis yarna waxaa saarnaa caagad yar oo biya ah, galaas maran, xaashiyo la gubay iyo tarraq.
Dhaqtarkii ayaa galaaskii qaaday oo uriyay.
“Wuxuu isku difaaci waayay ratchett waa maandooriye la siiyay”
Poirot jeebkii ratchet ayuu baaray wuxuuna ka soo saaray tarraq, wuxuu ku eegay taraqqii miiska saarnaa.
“Tarraqa miiska saran waa ka duwan yahay kan, ka gaaban kana ballaaran, laga yaabee in dilaagu leeyahay kan”
Danbi baarihii wuxuu sii waday baaritaankii qolka, ka dib asaga oo dhawaaqaya ayuu inta foorarsaday dhilka ka soo qaaday, masar ama fistileeti yar oo qurxoon.
“Maamulaha tareenku waa uu saxsan yahay,” ayuu yiri “arrintaan naag ayaa ku jirta, si habsami ah ayay raad raac noogu reebatay, waa sida ka dhacda filimada iyo buugta oo kale, oo waliba si ay howshu noogu sii fududaato erayga H ayaa ku qoran”
Poirot mar kale ayuu dhulka ku foorarsaday, markaan wuxuu soo qaaday bayb ka tubaakada lagu cabo kan lagu xalo ama nadiifiyo.
“Raad raac kale oo wanaagsan” dhoolla cadeeyay, “markaan waxay tilaamaysaa in uu nin yahay oo uusan naag ahayn”
Dhaqtarkii wuxuu baaray jeebka kore ee bijaamada ratchet.
“Oooh” ayuu hiri “markii hore uma aanan fiirsan”
Wuxuuna tusay Poirot goorsheegto jeebeed dahab ah, dhaawac xun ayaa gaaray goorsheegtada balse carrabadeedu waxay tilmaamayeen, kowdii iyo shan iyo toban daqiiqo.
“Ma aragtaa”, ayaa Constantine yiri, “xilligii dilkiudhacay ayay na siisay, waa sidii baaritaanka caafimaadku sheegay, in dilku dhacay, inta u dhaxaysa saqdii dhexe iyo labadii”
“Waa dhici kartaa, haa” ayaa baarihii cod aan xasilayn ku yiri
Dib ayuu ugu laabtay miiskii yaraa oo baaray xaashiyahii gubanaa.
“Waxaan u baahnahay sanduuqa koofiyadaha dumar lagu rido” ayuu si dabacsan u yiri
Intii aan dhaqtarku weydiin sababta uu ugu baahan yahay, Poirot wuxuu taagnaa marinka oo kormeeraha uu u yeerayay, kormeerihiina isla durbadii wuxuu keenay saduuq uu ka soo qaaday qof dumar ah oo tareenka la socotay.
“Qolkaan raad badan ayaa yaal,” ayaa Poirot u faahfaahiyey dhaqtarkii oo jaha wareersan. “Goorsheegtada, nadiifiyaha baybka, masarka, balse sidee ku ogaana is aysan ahay raad reeb anaga nala ku habaabinayo, oo meesha looga tagay si aan u jaha wareerno? Laba raad raac oo kaliya Ayaan hubaa anigu-kabriidka iyo xaashida guban, dilaagu ma rabin in aan akhrino waxa ku qornaa xaashida, waan arkaynaa”
Poirot sanduuqii ayaa ka soo baxshay halka koofidu ku fariistao, cad shabaq ah, si taxadar leh ayuuna xaashidii u saaray dushii shabaqa, ka dib cad kale oo shabaqa ayuu dusha ka saaray, kabriid ayuu shiday oo holacii ku qabtay shabaqii, dhaqtarku si danayn leh ayuu u fiirsanayay, aayar aayar, erayo ayaa soo muuqday, erayo dab ah, “-suuso daisy Armstrong yare”.
“Ah” ayaa Poirot kor u yiri, “ratchet ma ahayn magaciisa runtaa marka, magaciisa waa naqaan iyo sababata uu maraykan uga soo tagay hadda”
“Ma naqaanaa?”
“Haa, soo bax bouc aan aadno oo u sheegnee”
Labadii nin waxay u tageen bouc oo qadadii ann dhamaysan oo qolkiisa jooga,
“Qadada ka dib, makhaayada Ayaan cidlaynaynaa oo u adeegsanaynaa goob waraysi”, ayaa bouc yiri, “qadaan idin kugu dalabay halkaan”
Baarihii iyo dhaqtarkii dhaqso ayay qadadii u cuneen, M bouc na waa sugay intay bunkii ka cabaan, ka dibna weydiiyay,
“Haye?”
“Magaca runta ah ee ninka la dilay waan aqaan” ayaa Poirot yiri. “wuxuu ahaa cassette, ma xasuusataa kiiskii Armstrong?”
“Haa, waan u malayn in aan xasuusto” ayaa bouc ugu warceliyay, “arrin xun ayay ahayd, in kasta oo aan faahfaahintii xasuusan”
“Gaashaanle Armstrong wuxuu ahaa ingriis, wuxuu guursday gabar ay dhashay naag jilaa caan ah oo maraykan ah, linda arden ayaa la oran jiray, ameerika ayay ku noolaayeen markii gabadhooda oo saddex jir ah la af duubay, ka dib markii af duubayaashii ay la soo xariireen, waxay bixiyeen laba boqol oo kun oo dollar si gabdhoodii loogu soo celiyo, halkii soo celin gabadhii oo nool laga sugayay waxaa la helay maydkeedii, marwo Armstrong uur ayay lahayd xilligaas, qaracankii ay ka qaaday dilkii gabadheeda fool dag dag ah ayaa qabatay, ayada iyo ilmihii yaraana waa dhinteen, wadna jabkii helayna ninkii miskiinka ahaa waa uu is toogtay”
“haa, hadda waan xasuustaa” ayaa bouc yiri, “dhimasha kalana waa ay jirtay, sidaas sow maahayn?”
“gabar French ama swiss ah oo u shaqaynaysay Armstrong, in kasta oo ayadu ay diiday haddana booliisku waxay rumaysnaayeen in ay af duubkii lug ku lahayd, ayaduna dariishad ayay iska tuurtay, mar danbe ayaase la ogaaday in aysan wax danbiya ku lahayn af duubkii”
“Arrin naxdin leh!” ayaa dhaqtarkii yiri
“lix bil ka dib dhacdadii, booliisku wuxuu qabtay, cassette, oo ahaa hogaamiye koox burcad ah oo dad badan inaty af duubteen ka dibna dilay, tuhuna kuma jirin in uu ka danbeeyay af duubkii gabadha yar, balse cassette aad ayuu hodan u ahaa oo hatidiisii ayuu u adeegsaday in uu ciqaabtii kaga fakado, maxkamadii ka dibna waa uu mirqay, haddase waan ognahay meeshuu aaday, magaciisa ayuu rogay oo socdal dibada u soo aaday”
“Dugaag dheh” ayaa M bouc yiri, “wuuna istaahilaa waxa ku dhacay”
“Waan kugu raacsanahay” ayaa Poirot yiri,”balse qofka dilaya ma burcad kalaa mise waa qof la xariira daisy Armstrong?”
“Ma dad reer Armstrong ah oo nool ayaa jira?”
“Ma aqaan, balse waxaa u malayn in aan xasuusto in ay jirtay gabadh marwo Armstrong walaasheed ah”
Illinka ayaa la soo garaacy,
“Qaybtii makhaayadu waa idiin diyaar monsieur” ayaa adeegihii ku yiri M bouc.
Saddexdii nin waxay u dhaqaaqeen in ay waraysigii bilaabaan.
Turjime
Suladaan Cali Adam Ameriko
Leave a Reply