TAREENKII ORIENT EXPRESS Q-3

 

 

Waxay wada qadeeyeen, M. Bouc. Markii ay dhamaysteen cunadiina ayay eegid ugu dhaqaaqeen agagaarkooda iyo makhaayada dadkii fadhiyay.

“Haddii aan qoraa ahaan lahaa, waan adeegsan lahaa muuqaalkaan,” ayuu yiri M. Bouc. ‘Dhamaan nagu wareegsan,  waa dadka dhamaan kala duwan, kala heer ah, kala dhalasha duwan, da’ walba leh,  Saddex maalmood oo soo socotana hal saqaf hoostiis wad seexanaya, wax ku wada cunaya, midna uusan mid ka weecan Karin am ka qarsoomi Karin, saddexda maalmood markay dhamaatana  qof walba meel aadayo oo aysan waligood danbe is arkayn.”

Waxaa ku sugnaa makhaayadda saddex iyo toban qof,,  M. Bouc waa runtiis,  waxay ahaayeen dad  aad isugu qasan oo kala jaad ah.

Nin weyn oo talyaani ah oo timo badan wuxuu la fadhiyay  nin ingriis ah oo caato ah, oo malaha shaqaale ah, iyo nin maraykan ah oo jaakada midaba badan xiran. Talyaaniga iyo ingriisku waxay is weydaarsanyeen talooyin ku saabasan ganacsiga,  ninka ingriiska ah waxaa ka muuqatay in uusan wax dana ka lahayn waxay ka hadlayaan oo uusan u riyaaqsanayn.

Miiska ku xiga waxaa fadhiyay islaan aad u fool xun, oo dharkeeda aad arkaysid in laga soo gaday dukaamada u qaalisan baariis iyo dahabka ku raran ba aysan waxba ka badalin muuqaalkeeda,

“Taas waa amiirad Dragomiroff’,” ayuu yiri M. Bouc. ‘Waa  Ruush, ninkeedu wuxuu hantidiisii kala soo baxay raashiya intii aan shuuciyadu qabdasan dalka, foolxumo, balse dabeecad ayay leedahay”

Miis kale, Mary Debenham waxay la fadhiday qof dumar ah oo dhex-dhexaad ah oo leh timo quruxsan iyo fool idaad, iyagana waxaa oo la fadhiyay  haweenay weyn, oo Maraykan ah oo marnaba  aan u muuqan in ay haddalka joojinayso.

Gaashaanle  Arbuthnot wuxuu fadhiyay miiska ku xiga, Dhinaca derbiga waxaa fadhiyay gabadh dhexdhexaad ah oo xiran dhar wada madow, in ay tahay shaqaale qof uu  Poirot ku qiyaasay.

Ka xaga waxaa fadhiyay nin da’da soddon ka ku jira iyo gabar aad u qurux badan. Dharka ay xiran tahayna uu ahaa kii u danbeeyay ee moodada cusub,  waxay lahayd maqaar cawl ah iyo indhaha bunka u eg oo waaweyn. Poirot na waa ka sii jeesan wayay.

“Diblomaasi hangeeri ah iyo xaaskiisa, Ayaan rumaysanahay in ay yihiin,” ayuu yiri M. Bouc, isagoo arkay xiisaha saaxiibkii naagtu galisay ayuu yiri. ‘Lamaane aad u soo jiidasho leh.’

Waxaa kale oo joogay MacQueen iyo madaxiisii, ninka lahaa foolka dabacsan  iyo indhaha sharta ee  yar yaraa.

  1. Bouc wuxuu ku laabtay qolkiisii, M. Poirot wuxuu ku haray dhamaysiga qaxwadiisa.

“Gabadhaydu waxay igu tiri wax dhib ah ha kaga qabin tikidhadda cuntada,’ ayuu maqlay Poirot,  haweeneydii Maraykan ah ayaa  Miss Debenham u sheegaysay. “balse waxaa jira ayay tiri lacag loogu talagalay adeegaha, iyo dhalada biyaha ah. Biyo aad  u xun. Ma hayaan miyaa biyaha Evian,”  Waxay  fiirisay lacag qadaadiic ah oo adeegihii uu miiska u saaray “Fiiri qashinkaan uu  adeeguhu i siiyay. Dinar ama wax. Gabadhayda ayaa tiri -”

Markay halkaas maraysay ayaa miss debenham si reer magaalnima leh uga cudur daaraty oo kacday, gashaanle Arbuthnot asana waa uu istaagay oo daba galay, wax yar ka dib makhaayidii cidla ayay noqotay aan ka ahayn Poirot iyo ninkii Macqueen u shaqeeyo.

La yaabka danbi baaraha, ninkii inta soo istaagay ayuu la soo fariistay asagii,

“Galab wanaagsan” ayuu si qaboow ugu yiri cod guuxa, “’Magacaygu waa Ratchett. Waxaan u maleynayaa in aan ku faraxsanahay inaan la hadlayo Mr. Hercule Poirot. Ma sax baa? ““Xogtaadu waa sax, Monsieur” ayaa baariihii yiri“waxaan rabaa in aad shaqo ii qabato” ayaa ratchet yiri.

Poirot oo la yaabay ayaa yiri;

“Waxaan ka baqaya, inaan shaqooyin kooban kaliay aan qabto”

“Dabcan, balse lacag ayaa ku jirta tan, lacag aad u badan ayaa ku jirta, mudane Poirot”

Poirot intuu cabaar aamusay ayuu yiri:

“Maxaad kuu qabanayaa munade, eeee, ratchet”

“Mr Mr Poirot, waxaan ahay nin hodan ah – nin aad u hodan ah. Ragga  booskayga oo kale jooga waxay leeyihiin nacab. Handadaad ayaa la iila yimid ah in la I dilayo. Anigu waxaan isku deyi karaa naftayda inaan si fiican u ilaaliyo”. Waxa uu si dhakhso ah uu u tusay Poirot bastoolad  jeebka uu ku watay, ‘balse  waxaan jeclahay in aan si gaar ah u taxadaro. Xasuusnoow, waxaan ka hadlaynaa waa lacag badan, Mr Poirot. ‘

Poirot daqiiqado yar ayuu fakaray. Ugu dambeyna wuxuu yiri,

“Waan ka xumahay, Monsieur, balse waxba kuuma qaban karo.”

Ninkii kale ayaa dhoola cadeeyay oo yiri.

“Xitaa haddii aan ku siiyo labaatan kun oo doolar?”

“Maya, Monsieur.”

‘Laakiin maxaa sabab u ah? Maxaad kiiskan aadan u daneyney?”

Poirot wuu  istaagay. Oo yiri:

“Iaga raali noqo waa arrin qof ahaaneed taasi oo iigaar ah, balse ma aanan jeclaysan foolkaaga, M. Ratchett,’ ayuu yiri.

Orient Express waxay yimid Belgrade sagaalkii oo rubuc la’ ee fiidnimo, M. Bouc waxaa  loo wareejiyay qayb ku soo biirtay tareenka oo Athens ka timid, Poirot na waxaa la siiyey maqsinkii M. Bouc, lambar 1.  Sagaalkii iyo rubuc oo baraf xoog leh ka dhacayay dibada, ayaa tareenkii mar kale dhaqaajiyay.

Dadka kala qaloonayay shalay saaxiibo ayay noqdeen, gaashaanle Arbuthnot wuxuu taagnaa illinka qolkiisa oo la sheekaysanayay MacQueen.

Laba illin ka gadaal qolka cusub ee Poirot, haweeneydii Maraykan ee duqda ahayd, Mrs Hubbard, waxay la sheekaysanaysay islaantii foolka idaha lahayd.

“Oh, cimiladan qaboow aad ayay u xuntahay! Waxaan rajeynayaa in madaxu kuu fiicnaan doono aroortii, . Ma haysata asbiriin? Ma hubtaa? Wax badan ayaan haystaa aniguye. Waa hagaag, habeen wanaagsan, qaali”.

Durbadiiba waxay ku jeesatay Poirot,markii islaantii ka tagaty

“waa naag miskiin ah,  waa iswiidhish. Bare weeye, waa qof wanaagsan, balse ingiriis fiican ma taqaan,  aad ayay u xiisaysaa in ay maqasho sheekada gabadhayda markaan ka sheekaynayo.”.

sida qof kasta oo tareenka, Poirot  waa ka dharagsanaa sheekada gabadha Mr Hubbard, in ay bare ka tahay kollej weyn oo maraykan ah oo turkiya ku yaal, waxaa kale oo ay ka dharagsanaayeen, ra’yiga Mr hubbard ay ka qabto turkida, caadooyinkooda caajisnimada ah iyo xaaladda xun ee wadooyinkooda.

Turjime

Suladaan Cali Adam Ameriko

Leave a Reply