Poirot wuxuu si toos ah u abaaray hotelka Tokatlian. Wuxuu doonayay in uu maalmo yar uu joogo Istanbul, ka dibna socdaalkiisa sii wato.
Hoteelkii markii uu yimid ayuu weydiiyay haddii ay u hayaan wax fariin ah. Saddex warqadood ayaa u taalay, iyo farriin degdeg ah. farriintu waxay ahayd mid uu la yaabay.
“Isbeddel lama filaan ah ayaa ku yimid arrintii Kassne. Fadlan si dhaqsa ah u soo noqo, “ ayay lahayd farriintu.
“Dhib badanaa” ayuu naftiisa ku yidhi. Wuxuuna fiiriyey goorsheegtada.
“Waa inaan ka baxaa caawa Istanbul,” ayuu u sheegay ninkii soo dhaweynta hotelka joogay, “Ma ka heli karaa qol qaybta koowaad ah tareenka caawa u baxaya London”
“Haa , Monsieur “mudane”. Tareenku wuu madhan yahay xilliga jiilaalka oo dad badan ma socdaalaan, Wuxuuna baxayaa sagaalka.” ayaa soo dhaweeyihii hotelku yiri
‘Mahadsanid,’ ayuu yiri M. Poirot. Waxa uu haystay wakhti ku filan oo uu wax ku cuno.
Markii uu ka dalbaday cuntadii makhaayadda hotelka, ayuu dareemay gacan garabka ka taabatay.
“M. Poirot! Waa maxay farxadaan aan la fileyn! “ ayaa cod gadaashiisa ka yimid yiri, qofka hadlayayna wuxuu ahaa nin gaaban oo buuran oo da’da kontomeeyada ku jira.
“Mudane Bouc! “ ayuu kor ugu qayliyay Poirot.
Bouc wuxuu ahaa Belgium, wuxuuna meel sare ka joogay shirkada uu u shaqaynayay ee Compagnie Internationale des Wagons Lits. Labada nin waxay ahaayeen jaallayaal gu’yaal badan, tan iyo maalmihii uu Poirot uu ahaa dhalinyaro, ahaana dambi baare ka tirsan ciidamada booliiska ee Belgium.
“Aad baad uga soo fog tahay gurigii, saaxiibkay,” ayuu yiri M. Bouc.
“Haa. Dan yar Ayaan ka lahaa Suuriya. Balse caawa Ayaan ku laaban dalkii, waxaan doonayaa in aan caawa raaco tareenka Orient Express, haddii aan meel ka helo”
“Arrin fiican! Waxaan raacayaa anna isla tareenkaas, hadhoow ayaad iiga sheegi doontaa dhammaan wararkaaga iyo xaaladaada. Hadda waxaad tahay danbi baarae caan ah, waan maqlay.”
Dhoolla cadayn diirran ka dib, M. Bouc waa uu tagay.
Poirot ayaa ku soo laabtay shaqadii ahayd inuu shaaribadiisa ka ilaaliyo qoyaanka maraq uu cabayo. Inkast oo dareenkiisii ay jiiteen labo nin oo wada fadhiya miis aan isaga ka fogeyn. Labada nin kan yar wuxuu ahaa nin bashaash ah, oo da’da soddomeeyada ah, hubaalna wuxuu ahaa maraykan, Midka kale wuxuu ku jiray da’da lixdameeyada, wuxuuna u muuqday markii ugu hore nin wanaagsan balse markii indhihiisii yar yaraa ay qabteen kuwii Poirot, danbi baarihii aragti kale ayuu ka qaatay, wuxuu dareemay in ninku yahay mid halis ah, dugaag ku dhex dhuumanaya jir dad, oo aduunka ku eegaya indho shar ka muuqato.
- Poirot iyo saaxiibkiis M. Bouc meel u dhow miiska soo dhaweynta hotelka ayay ku sheekaysanyeen, sheekadii ay wateen waxaa kala gooyey shaqaalihii hoteelka ee qabanqaabiyey tikitka tareenka ee M. Poirot.
“Waa wax yaab leh, Monsieur. Dhammaan qeybaha darajada koowaad waa buuxaan – iyo darajada labaad xataa. “
“Waa maxay?’ ayaa M. Bouc. weydiiyay ‘Xilligaan oo kalaa? waa ayaan darro! “
“balse waa dhacday” ayaa ninkii ugu warceliyay. “Waan ka xumahay.”
“waa hagaag” M. Bouc ayaa ku yiri Poirot, “ha walwalin. Waxaanu qalqaalin doonaa kormeeraha”
Waxa uu eegay goorsheegtada. “ina mari” ayuu yiri, “waa xilligii la tagi lahaaye.”
Markii goobtii tareenka ay tageen, M bouc wuxuu dhinac ula baxay kormeerihii oo ku yiri;
“Waa in aan ka helnaa boos darajada koowaad, ninkaan waa saaxiibkey”
“Laakiin waa buuxsamay tareenkii, Monsieur. Waana wax aan caadi ahayn. ‘
“sug”’ ayuu yiri M. Bouc, “berrito waxaa jiri doona qaybo kale oo lagu xiri doono tareenka marka aan gaarno magaalada Belgrade. Dhibaatadu waxay tahay caawa uun. “ in yar ayuu aamusa, “Qof kasta ma yimid?”
Kor meerihii wuxuu eegay liiskiisa.
“Nambarka 7aad – darajada labaad. – Mr Harris – weli ma imaan, waana sagaalkii oo affar daqiiqo la’.”
“Marka, M. Poirot sii lambar toddobo” ayuu yiri M. Bouc. “Haddii Mr Harris uu yimaado, waxaan u sheegi doonaa inuu goor dambe yimid oo uu soo daahay.”
Ereyo mahadnaqa asga oo M. Bouc ku daldlaya ayaa Poirot wuxuu u raacay boorsadiisii qolka toddobaad, wxaana uu ugu tagay qolkii nin dhalinyaro ah oo maraykan ah oo la wadaagaya qolka, waa kii uu ku arkay hotelka.
Ma uusan ku faraxsanayn ninka dhallin yarada ah aragtida Poirot oo soo galay qolka.
“Waan ka xumahay,” ayuu ku yiri af Faransiis, ‘Waxaan u maleynayaa inaad soo qaladanteen.”
“Ma jiraan sariiro kale oo ka banaan tareenka, M. MacQueen,’ ayaa kormeerihii si raali galin ku jirto u yiri, ‘Waa lagu qasbaan yahay in ninka odaga ah halkan la keeno”
Poirot wuxuu la yaabay in kormeeruhu uu u muuqday mid xanaaqsan sida ninkan Mareykanka ah., Waxaa laga yaabaa in loo soo bandhigay lacag si uu sariirta kale u ahaato mid madhan, ayuu laabta iska yiri Poirot.
Markii uu kormeeruhii uu tagay, Macqueen caradiisii si kadis ah ayay u miriqday oo u baaba’day,
‘Tareenku si la yaab leh ayuu u buuxsamay,’ ayuu ku yiri asaga oo dhoolacadaynaya.
Kadibna, tareenkii ayaa bilaabay in uu dhaqaaqo. Socdaalkoodii yurub ee saddexda maalmood qaadanayay ayaa bilowday.
Kadib hurdo fiican oo uu habeenkii seexday, Poirot aroornimadii kaligiis ayuu qolka joogay, wuxuuna kor marayay oo fiir fiirniyay kiiska dardiis dib loogu yeeray, oo sida deg degta ah loogu sheegay in uu dib ugu soo laabto London.
Turjime
Suladaan Cali Adam Ameriko
Leave a Reply