“Markaanna aan kasoo qaadno xalay baraf jidka ma oollin, maxaa dhici kari lahaa? Dilka waxaa la ogaaday markii tareenku talyaaniga gali rabay. Ninka dharka kormeeraha qabana kowdii ka hor ayaa la arkay. Badhanka waxaan ka helnay qolka Mrs Hubbard, unifoomkana musqusha. Waraaqihii handadaada ee Macqueen keenayna waan akhrinay. Waxaan isla meel dhignay in dilku ka dhacay Brod, halkii tareenku istaagay 00:58”
“Ma waxaad ka wadaa–?
“Waxaan ka wadaa dilka waxaa loo qorsheeyay in uu u muuqdo sidii qof dibada ka yimid uu gaystay, oo aan socotada ka mid ahayn, balse barafkii ayaa wax walba badalay, waxaan dhici Karin weeye in la rumaysto in dilaagii tareenka ka dagay”
“Fistileetiga maxaa ka galay marka?”
“Dul qaado yeelo jaalle, markan aan u lexano xaashidii la gubay oo erayga Daisy Armstrong qayb ka haa, Dilaagu ma uusan doonayn in aan akhrino waraaqda. Waayo? Hal sabab uun baa jiri karta, qof tareenkaan saran ayaa xariir dhow la leh qoyska Armstrong, xaashiduna qofkaas danbiile ayay ka dhigi lahayd, qofkaasna waxaan u malaynayaa in ay tahay Marwo Andrenyi”
“Balse, waa maxay xariirka kala dhaxayn kara reer Armstrong? waxay sheegtay in aysan waligeed Ameerika tagine” ayaa M Bouc yiri
“Haa, Ingriis aan badnayn na waa ay ku haddashaa, muuqaalkeeduna qof ajnabi ah ayuu u egyahay, balse waxaa dhici karta in ay jilid tahay, waxaan u malaynaya in ay tahay gabadhii yarayd ee Linda Arden walaasheed ahayd, ayna la kulantay oo guursatay Mudane Andrenyi xilligii uu ka shaqaynayay Washinton”
“Balse Amiiradu waxay tiri, gabadhaas waxay guursatay nin Ingriis ah”
“Amiirad dragmiroff waxay sheegtay in aysan xasuusan kari magaca ninka gabadha guursaday, ma dhici kartaa xilligaas in Amiirada iyo qalamjadu aad isugu dhawaayeen?”
Adeegayaashii mid ka mid ah ayaa haddalkii ka dheex galay oo yiri
“Raali iga ahoow Monsieur Poirot, xilligii qadada ayaa la joogaa”
M Bouc wuxuu eegay Poirot oo asna yiri
“Qado, waa soo dhaweynaynaa fiican bay ila tahay”
Socoto kalena waxay ka hadleen qadada, Poirot wuxuu maqlayay Mrs Hubbard oo leh,
“Inaan wax cuni karo u malayn mayo”
Wuxuuna arkayay ayada oo wixii loo keenay oo dhan isku daysay.
Poirot wuxuu adeegihii waydiistay in mudane iyo marwo Andrenyi uu ugu danbaysiiyo marku cunada dadka u gaynayo, miisaskii kale waa la faarqiyay, ayaguna markii ay dhamaysteen oo ay sara joogsadeen ayaa Poirot dhinacooda u soo dhaqaaqay.
“Fistileeti ayaa kaa dhacay, Madam” ayuu yiri una dhiibay marwadii, inta ka qabatay oo eegtay oo asagii dib ugu dhiibtay ayay tiri
“Waad qaldantay, Monsieur, anigu ma lihi fistileetigaan”
“Balse erayga H ayaa ku yaal, erayga macagaagu ka biloowdo”
Si dagan ayay u tiri markaa
“Magacaygu waa Elena, wuxuuna ka bilowdaa erayga E”
“U malayn mayo” ayaa Poirot yiri, “magacaagu waa Helena ee maahan Elena, waxaa tahay Elena Goldenberg, marwo Armstrong walaasheed”,
Daqiiqad iyo laba oo kale ayaa la aamusnaa, mudane iyo marwo Andrenyi fiiro ayaa ka soo hartay, Poirot ayaa haddalki sii watay oo si badansan u yiri, “ma dafiri kartaan, waa ognahay”
“Waa runtaa, Monsieur” ayaa marwdii tiri, codkeediina waa is rogay, markaan waa maraykan sidii maaraykan ayay u hadlaysaa.
“Saaka maxaadan iigu sheegin sidaan? Magaca baasaboorkase maxad u badashay?”
“Xaaskaygu ma badalin, magaca anaa rogay, waxaan maqalnay in fistileeti leh erayga H laga helay goobtii dilku ka dhacay” ayaa duqeedii yiri
Helena ayaa cod hiyi la kac ah ku tiri markaas.
“Ninka la dilay wuxuu dilay gabadhaan habaryata u ahaa, wuxuu dilay walaashay iyo dumaashigay, saddexdii qof ee aan aduunka ugu jeclaa, sabab aan ku dilo waa I hortaalay”
“Madam, ma dishay?”
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Leave a Reply