Tareenkii ka tagay suuriya ee u socday istanbuul, xawaarihhi uu ku socday owgeed si fiican looma feejignaan daawasha buuraha quruxda badan ee barafku dush ka saran yahay, danbi baaraha u dhashay Belgium, hercule Poirot, qaxwdii hor taalay ayuu cabayay, wuxuu isha ku hayay hal qof oo joogay qaybta makhaayada ah ee tareenka, marwo dheer oo caato ah, dhici karto in ay tahay da’da labaatan iyo siddeed, sida ay quraacdeeda u cunaysay waxaa ka muuqatay in ay tahay socdaale isku kalsoon, aad ayuu ula dhacay foolkeeda caadiga ah, timaheeda modoow iyo indhaheda boorka ah, naag aad qurxoon, ayuu laabta iska yiri.
Waxaa soo galay isla markaas qaybta makhaayada nin dheer oo caato ah, oo da’ ahaan ah inta u dhaxeeysa affartan iyo konton, timo cirro leh iyo sar qorraxdu madoobaysay xoogaa, gabadhii ayuu la hadlay, dhawaaqiisa codna wuxuu ahaa ingriis.
“Arooryo wanaagsan, marwo debenham”
“Arooryo wanaagsan, gaashaanle Arbuthnot” ayay ugu war celisay
“Ma kula fariisan karaa?”
“Waa caadi, soo dhawoow” si habsami ahna u dhoola cadaysay
Waa uu fariistay oo quraac dalbaday, eegmana ayuu ku xaday Poirot, shaaribadiisa waayen ee laaban, iyo madaxiisa aan caaadiga ahayn ee qaabka ukunta u eg, “soo galeeti fildaran” ayuu laabta iska yiri
Lamaanihii ingriiska ahaa, sheeka yar ayay quraacdii ku dul qabsadeen, xilligii qadadana waa ay wada fariisteen, ninku wuxuu ka sheekaynayay noloshiisii ciidan markii uu hindiya joogay, mar marna gabadha ayuu weydiinayay weydiimo ku saabsan baqdaad, halkaas oo ay ka shaqaynaysay, markii ay ogaadeen in ay leeyihiin saaxiibo labadoodu ay wadaagaan, si fiican yahay u sii saaxiibeen ayagii.
“Istanbuul miyaad ku hakanaysaa?” ayaa ninkii weydiiyay
“Maya, qumaati Ayaan u sii baxayaa, laba gu’ ka hor markaan baqdaad u socday ayaan arkay wax walba oo istanbuul ku saabsan”
“Taas waan ku faraxsanahay marka, oo aniguba toos Ayaan u sii socon” foolkiisana guduud yar ayu isku rogay
“taas waa fiican tahay” ayaa marwo debenham, tiri ayada oo wax daren ah ka muuqan.
Tareenkii wuxuu istaagay magaalada konyo, labadii ingriis ee socdaalayay si ay u luga baxsadaan u soo hawa qaataan banaanka ayay u baxeen, Poirot asaguna wuxuu go’aansaday in uu soo hawa qaato, wuxuuna ku socod bilaabay aaga dakadii tareenku joogsaday, qoboow xunna waa uu jiray.
Dhinac mugdiya ayaa wuxuu ka maqlay laba cod , Arbuthnot ayaa hadlayay.
“mary–”
Cod naageed ayaa ka dhex galay.
“hadda maahan, hadda maahan, markii waxa dhan dhamaadaan, markaan waxa dhan gadaal iska dhigno, markaas ayaa—–”
Si shanqar yari ah ayuu uga weecday dhinacii uu u socday, “yaab” ayuu iskula hadlay, wuxuu ahaa codkii marwo debenham, balse aad ayuu uga gadisnaa codkeedii daganaa ee qaboobaa ee uu tareenka ku dhex maqlay.
Galabtii ku xigtay, tareenka ayaa loo joojiyay si lama filaan ah. Poirot ayaa weydiiyay kormeeraha haddii ay jirto dhibaato.
Marwo Debenham oo ka dambeysay isaga Ayaan tiri:
“Waa maxay arrintu?’ ayay af faransiis ku waydiisatay Poirot. “Maxaan u joogsanay?”
“dib ayaa qabsaday hoosta qaybta makhaayadda” ayuu yiri, “laakiin way hagaajinayaan wixii dhacay wax halis ah maahn.”
Waxay u muuqatay mid aad u dagdagsan..
“Laakiin wakhti! Tani waxay na daahin doontaa.”
‘Waa suurtagal – haa,’ ayuu yiri Poirot.
“Ma awoodno inaan dib u dhacno! Haddii aan dib u dhacno wax ka badan saacad, waxaan gafaynaa tareenka Orient Express.”
Gacmaheeduna waa ay gariirayeen. Waxay ahayd mid aad u xanaaq badan.
ayaan wanaag, welwelkeedaba waa la iloobay. Oo toban daqiiqo ka dib ayaa tareenku mar kale socodkii bilaabay, socdaalkii tan iyo Istanbul aad ayuu u wanaagsanaa. M. Poirot wuxuu si toos ah u abaaray hotelka Tokatlian. Wuxuu doonayay in uu maalmo yar uu joogo Istanbul, ka dibna socdaalkiisa sii wato.
Turjime
Suladaan Cali Adam Ameriko
Leave a Reply